Waxa Galabta Magaalada Buuhoodle soo
gaadhay Wafti Balaadhan oo Hogaaminayo
Wasiir Kuxigeenka Wasarada Caafimaadka
ee Puntland Dr Maxamed Xirsi Ducaale
Waftigaasi oo ka soo Kicitimay Magaalada
Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland,
Waftigaasi ayaana Waxa ay ka koobnaayeem
Gudoomiyaha Gobolka Cayn iyo Maayarada
Degmooyinka Buuhoodle katirsan oo horay
Magaalada Garowe ugu sugnaa.
Wasiirkuxigeenka oo Markii uu soo galay
Magaalada Buuhoodle Saxafiyiinta kula
Hadlay Hotelka uu ka soo degay Waxa uu
Wasiirku sheegay in Ujeeda sacdaal koodu
ku saabsan yahay in ay Gobolka Cayn ka
Bilaabeen Guud ahaantiis Gurmad Biyood
oo Deg deg ah oo la gaadhsiinayo
Degmooyinka iyo Tuulooyinka Gobolka Cayn
oo Dhan.
Wasiirkuxigeenka Caafimaadka Puntland Dr
Maxamed Xirsi Ducaale oo Shabakada
Wararka Ceegaag.com siinayey Waraysi
Khaas ah ayaa sidoo Kale u sheegay inay
u Yimaadeen Gobolka Cayn Xiisadaha
haatan ka jira Deegaanka Kalshaale iyo
Weerarada Ciidamada Maamulka Somaliland
ku soo Qaateen Deegaano kamid ah
Buuhoodle, Wasiirka ayaana si Kulul u
dhaleeceeyey Faragalinta uu Maamulka
Somaliland ka Wato Gobolka Cayn...
Cali dhagjar
Buuhoodle