Wararkii ugu danbeeyay
ee dagaalkii maanta ka dhacay Hagoogane iyo Maygaagle
(Buuhoodle,
February 20,
2011 Ceegaag Online)
Maleeshiyo
hubaysan oo ka soo jeedda deegaanka Buuhoodle iyo ciidamada
maamulka Somaliland ayaa saaka abbaarihii 5 subaxnimo dagaal
iskaga horyimi degaannada Maygaagle iyo Hagoogane.
Dagaalkaas saaka bilaabmay ayaa istaagay galabta
galinkii danbe ee manta,kaasoo laysku adeegsaday hubka
noocyadiisa kala duwan dhinacwalibana uu sheeganayo in uu
jabiyay dhinaca kale.
Wariyaha
shabakadda Ceegaag ayaa xaqiijiyay in dhinaca Buuhoodle inta
la hubo ay ka dhinteen 9 ruux halka dhaawucuna yahay ilaa 15
iyadoo ay jiraan dadkale oo loomalaynayo in ay maxaabiis
ahaan u kaxaysteen ciidanka Soomaaliland .. Dhinaca kale
wararka naga soo gaadhaya magaalooyinka Qorulugud iyo Burco
ayaa sheegaya in ciidamada Soomaaliland ay ka dhinteen ugu
yaraan 6 askari 10 kalana ay ka dhaawacmeen iyagoo
dhaawacaas la gaadhsiiyay cusbitaalka Burco, Dhinaca
Buuhoodle ma jiraan illaa iyo hadda maxaabiis laga soo
qabtay ciidanka Soomaaliland oo la keenay Buuhoodle.
Waxaa jira
warar iskhilaafsan oo sheegaya in labada ciidan ee dagaalku
dhexmaray ay mid waliba sheeganayo in ay gacanta ku hayaaan
degaannadii lasyku farasaaray saaka iyo galabta ee Hagoogane
iyo Maygaagle.
Arrintu si
kastaba ha ahaatee lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka
dhashay dagaalkii maanta ka dhacay degaannadaas aan kor ku
soo sheegnay,umana suuragalin wariyahayaga shabakadda
Ceegaag Online ee Buuhoodle in uu arrintaas noo soo
xaqiijiyo maanta ,balse waxaan idiinsoo gudbindoonnaa
wararkaas wixii ka soo kordha saacadaha innagu soo fool leh.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|