Wasiirka Dhaqanka &
Dhiirigalinta Bulshada ee Gobolka Alberta oo booqasho
kormeer ah ku yimid Xarunta SCERDO.
(Edmonton,
February 5,
2011 Ceegaag Online)
Wasiirka Dhaqanka & Dhiirigalinta Bulshada ee Gobolka
Alberta Mudane Lindsay Blackett ayaa kormeer shaqo ah ku
yimid xarunta Hay’adda waxbarashada & horumarinta Reer
miyiga ee SCERDO.
Mudane Lindsay Blackett waxaa kusoo dhaweeyay dhamaan
howlwadeenada Hay’adda iyo dhalinyarada tababarku uga socdo
xarunta SCERDO, waxaana warbixin kooban oo ku saabsan
howlaha ay qabato Hay’addu kusiiyay wasiirka gudoomiyaha
gudiga fulinta Bashiir Haaji Cali (Jamaal) isagoo uga
waramay mashaariicda Hay’addu ay ka fuliso Dalkan Canada
gaar ahaan magaalada Edmonton iyo Somalia.
Waxaa kaloo wasiirku warbixin ka dhageystay Dhalinyaro
tababar shaqo xirfadeed ah uga socdo xarunta hay’adda SCERDO,
kulanka waxaa goob jog ka ahaa wasiir kuxigenka wasaarada
dhaqanka & Dhiirigalinta Bulshada Lois Hawkins iyo
agaasimayaasha guud ee laamaha kala duwan e wasaaradaas.
Wafdigan oo socdaalkoodu ku saabsanaa ukuurgalida waxqabadka
hay’adda iyo sidii wasaaradaasi uga caawinlahayd hay’adda
SCERDO xaga dhaqaaalaha si loogu adeego bulshada Soomaliyeed
eek u dhaqan Magaalada Edmonton.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa amaan balaadhan usoo jeediyay
waxqabadka hay’adda SCERDO kuna biiriyay in ay sii
labalaabaan waxqabadkooda gaar ahaan howlaha ay u qabtaan
dhalinyarada Soomaaliyeed.
Source: SCERDO
webmaster@ceegaag.com |