Mudaaharaad lagaga soo
Horjeedo 18 maxbuus oo dagaalkii Hagoogane ee shalay
lagu qabtay oo lageeyay Burco oo ka dhacaya
Buuhoodle
(Buuhoodle,
January 31,
2011 Ceegaag Online)
Mudaaharaad balaadhan ayaa hada ka soconaya
magaalada Buuhoodle ee gobolka cayn mudaaharaadkaa oo lagaga
soo hor jeedo dagaalka macno darada ah ee ka soo
cusboonaaday xiisadii Kalshaale iyo gaynta la geeyay
maxaabiis tiradooda lagu sheegay sideed iyo toban magaalada
Burco ee Gobolka Togdheer.
Dhinaca kale maydadkii sadex nin ee reer
Buuhoodle ahaa ayaa
saaka la keenay Buuhoodle, dhinaca kale sidii la filayay
dagaal xaga Madaafiicda iyo qoryaha culculus ah ayaa hada
kasoconaya Hagoogane.
Mar aan la xidhiidhnay dhinacyada Buuhoodle
iyo Qorulugud ayaa naloo sheegay inaan ilaa hada jirin
qasaare nololeed balse dagaalku inuu hada bilow yahay.
Magaalda Buuhoodle ayaa gabi ahaanba goobaha ganacsiga,
Waxbarasha, iyo adeega Bulshada gabi ahaanba albaabda
loo laabay.
Warkii Saaka
Kadib Markii Maalintii shalayto Baliga
Hagoogane uu Dagaal Xoogani ku dhexmaray Ciidamo Beeeloodyo
ka soo Jeeda Dhinaca Buuhoodle iyo Qorulugud oo ay
garbinayaan Ciidamada maamulka Somaliland ayaa haatan Saaka
Waxa soo Baxay khasaaraha Dhimashada iyo Dhaawac Dagaalkaasi
ka dhashay oo haatan khasaarihiisu gaadhay Tiro badan oo
Mayd ah oo laga helay Goobihii lagu dagaalamay.
Ugu Yaraan 3 Ruuxi oo dhalinyo ah ayaa laga helay Maydkooda
Baliga Hagoogane oo kamid ahaa Dadkii ku dhintay dagaalkii
ka dhacay Baliga Hagoogane Waxan kaloo Wali saaka lagu raad
joogaa Dad kale oo loo Malaynayo in Xabadu Meelo fog fog ku
Dishay, Waxan Shabakada Wararka Ceegaag.com oo Goor dhawayd
la Xiriirtay Hagoogane loo Xaqiijiyey in Khasaaruhu intaasi
ka Badan karo Dhimashada.
Dhinaca Waxa Isbitaalka Magaada Buuhoodle ku Geeriyooday Mid
kamid ah Dhaawacyadii Xalay la soo gaadhsiiyey Magaalada
Buuhoodle Waxana ka loo Isbitaalka yaala sadex kaloo Dhaawac
ah oo dagaalkaasi Hagoogane ku dhaawacmay, Dhinaca reer
Qorulugud oo ay garbinayaan Ciidamada maamulka Somaliland
Waxa dagaalkaasi kaga Dhintay labo askari Waxana ka loo ku
dhaawacmay labo kale.
Wararkaasi dagaalka Hagoogane kala soco Saacad kastaba
Shabakada Wararka Ceegaag.,com
Cali Dhagjar
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |