SIDEE LOO ABUURAA GANACSI GUULAYSANKARA
(London, January 14, 2011 Ceegaag Online)
.
QAYBTII LABAAD:
Waa
qaybtii labaad ee barnaamijkii aynu ugu magacdaray sidee loo
abuuraa ganacsi guulaysan kara. Waxa aynu ku soo sheegnay
qaybtii koowaad si loo abuuro ganacsi guulaysan kara in loo
baahan yahay in uu jiro nidaam ama qorshe ay raacayso
shirkaddu oo la yidhaa (business plan). Waxa aynu qaybtan
labaad kusoo qaadan doonaa waxyaabaha kale ee u baahan in
lagu qoro qorshaynta ganacsiga (business plan). Qorshaynta
ganacsiga oo aynu kusoo qeexnay in uu yahay wadadii la mari
lahaa si loo gaadho ujeedada shirkaddu leedahay. Shirkadd
aan lahayn qorshe cad ama nidaam la raacayaa suurto gal ma
aha in ay si fudud u guulaysato.
Halkan
waxaynu ku soo gudbin doonaa qaybta labaad oo u baahan in
lagu qoro marka la diyaarinaayo nidaaminta ganacsiga
(business planning). Marka aynu dhamayno waxaynu samayn
doonaa tusaale (sample) business plan si qof waliba u fahmo.
Fadlan
qofkii aan akhrisan qaybtii hore waxa laga yaabaa in fahamka
qabtani ay ku adkaato markaa ku noqo qaybtii hore isla
websitekan.
Waxyaalaha u baahan in la ogaado inta aan shirkaddu badeecad
ama adeeg soo saarin:
·
Waa maxay baahida dhabta ah ee hadda ka jirta suuqa aad
higsanayso (current demand in the target market)? Waa in aad
ogaataa in baahi ka jirto suuqa aad galayso, waayo
macaamiishu waxa ay marka hore ku xidhnaayeen shirkaddo
kale, markaa waa maxay sababta ay ugu baahan yihiin in ay
shirkaddan cusub kusoo biiraan, dhinacyo badan ka fiiri
baahida.
·
Waa maxay xajmiga saxda ah ee suuqa aad rabto in ay
shirkaddan cusubi ka shaqayso (size of market)? Badanaa
suuqyada dhaqaalaha badan laga helaa waa suuqyada dadkoodu
ay aadka u badan yihiin (more populated). Markaa waa in aad
ogaataa xajmiga suuqaagu inta uu noqon karo.
·
Boqolkiiba meeqa ayaad suuqa ku yeelan kartaa (tani waa
muhiim haddii aad si dhab ah uga fakirayso in aad noqoto mid
ku guulaytsa suuqa)?
·
Muxuu yahay isbedelka ku imaan kara suuqa aad ku fakirayso,
intee in leeg ayuu suuqu isbedeli karaa isla markaa horumar
intee leeg ayaad badeecada ama adeega ku samayn kartaa?
·
Muxuu yahay koboca imaan karaa (potential growth)?
·
Maxay yihiin xanibaadaha kaa hor imaan kara markaad suuqa
galayso (market entry barriers), maadaama aad shirkadd cusub
tahay?. Tusaale ahaan waxyaalaha kaa hor imaan kara waxaa ka
mid ah:
o
Kharashka daraasaadka suuq-gaynta oo bata (high marketing
cost)
o
Kharash badan oo loo baahdo (high capital cost)
o
Kharashka tacab soo saarka oo aad u bata (high production
cost)
o
Macaamiisha oo u baahan in ay ku bartaan (consumer
acceptance and brand recognition)
o
Shirkadoo u baahata dad tababar iyo xir fad leh (training
and skills)
o
Kharashka lagu raraayo oo sareeya (shipping costs)
o
Cashuuraadka (tariff)
o
Sharciyada dawladda (legal authority)
·
Iyo dabcan sidii aad uga gudbi lahayd xanibaadaha kaa hor
yimaada
·
Side ayay waxyaalahan soo socdaa u saamayn karaan shirkadda
cusub helida jawaabahoodu waxa ay kaa caawinaysaa in aad
dhinac walba ka eegto ganacsigan cusub ee aad furaysaa si
aad u ogaato waxyaalaha kugu soo fool leh:
o
Haddii isbedel ku yimaado ganacsiga (change in the
business).
o
Haddii is bedel ku yimaado qalabka farsamada (change in
technology)
o
Haddii is bedel ku yimado sharciyada dawlada (change in
government regulations)
o
Hadii isbedel ku yimaado xaga dhaqaalaha (change in the
economy)
Badeecada (products):
Qaybtan
waxaa laga rabaa shirkaddu in ay si cad u sharaxdo
badeecadaha iyo adeegyada ay samaynayso. Weliba waa in
shirkaddu qeexdaa ayadoo toos ula hadlaysa macmiisha.
Waxaad
taxdaa dhamaan alaabta aad rabto in aad iibiso oo dhan.
Mid
walbana si cad u sheeg faaiidada uu leeyahay iyo weliba
waxyaalaha dheeriga uu layahay. (describe the most important
features and benefits).
Waana in
aad sheegtaa haddii lagaa iibsado waxyaalaha aad qofka aad
siinayso, tusaale ahaan in aad alaabta halkuu doonayo aad u
geyso (delivery), in aad siiso damaanad (warranty),
taakulayn dheeri ah (support) iyo in lacagtisii loo celin
karo haddii loo baahdo (refund policy).
Macaamiisha (customers):
Waa in
shirkaddu si buuxda u aqoonsataa macaamiisha ay beegsanyso
(target customers). Dabeecadahooda (characteristics), iyo
weliba halka ay degan yihiin.
Haddii
shirkaddu ay macaamiisheedu aanay ahayn koox gaar ah, waxaa
lama huran ah in aad sheegto kooxda ugu sii muhiimsan haddii
ay tahay da’da (age), lab ama dhedig (gender), meesha uu
degan yahay (location), awoodiisa dhaqaale (income level),
bulshada halka uu kaga jiro iyo shaqadiisa (social class and
occupation), waxbarashadiisa (education) iyo wixii kale ee
shirkaddu u baahataba.
Loollanka (competition):
Shirkaddu waa in ay halkan ku qeexdaa shirkadaha haya
badeecadaha ama adeegayada ay hayso oo kale.
Waa in
halkan lagu taxaa shirkadaha kula loolami kara magacyadooda
iyo ciwaankooda:
Waa in
shirkaddu is waydiisaa in shirkadaha kale ay si buuxda ula
tartami karaan iyo in kale mise qaybo gaar ah ayuunbay kala
tartami karaan; tusaale ahaan ma badeeco ama adeeg gaar ah
ayuunbay kula tartami karaan, mise dhinac walba sida
macaamiisha, deegaanka iwm.
Waa in
ay shirkadda u cadahay tartamayaasha tooska ah iyo kuwa aan
tooska ahanba (direct and indirect competitors).
Side bay
badeecadaadu ama adeegaagu ula tartami karaa shirkadaha kale
marka aad is bar bar dhigto.
Samee
shax ay ku cad yihiin meelaha ay shirkaddadu ku
o
Xoogan tahay (strength) iyo meelaha ay ku liidato
(weakness).
o
Sixirka badeecada ama adeega (pricing) barbar dhig kuwa
shirkadaha kale.
o
Tayada wax soo saarka (quality) tayada badeecdaha
shirkaddaha kale ma ka fiican yihiin kuwa shirkaddada.
o
Reliability (la isku halayn karo) barbar dhig kuwa
shirkaddaha kale, isku halayn intee leeg ayay leeyihiin.
o
Reputation (Sumcadda) intee leeg ayay shirkaddahani
leeyihiin, barbardhig shirkaddada
o
Visual aspect (Muuqaalka) waa sidee muuqaalka shirkadaha
kale, barbardhig shirkaddada
o
Location (Goobta) goobaha ay ku yaalaan shirkaddaha kale ma
ka fiican yihiin meesha ay shirkaddadu ku taalo. barbardhig
shirkaddada
o
Advertising (xayaysiinta) shirkaddaha kale ma kaa xayaysiin
fiican yihiin, barbardhig shirkaddada
Qor
qoraal kooban oo aad ku sharaxayso shirkadaha kula
loollamaya faaiidooyinkooda (advantages) ay leeyihiin iyo
weliba faaiido-darada ay leeyihiin (disadvantages).
Niche (abbaarid):
Hadda
waxaad si buuxda u ogaatay xaalada shirkaddada, badeecaddada,
macaamiishada, iyo weliba cidda kula loollamaysa, waa in aad
fahamtaa sawirka saxda ah ee shirakaddadu meesha ay adduunka
ka galayso.
Fadlan
qoraal kooban ku qeex meesha aad wax ka abbaarayso, iyo
weliba dhinaca gaarka ah ee aad suuqa ka galayso.
Strategy (xeelad):
Hada
muuji xeeladdaada suuq-gayn (marketing strategy) adigoo si
gaar ah u raacaya warbixinihii aad soo uruursatay.
Promotion (dhiirigelin):
iminka
sidee ayaad macaamiisha ku gaadhsiinaysaa farriintaada?
Advertising (xayaysiin): warbaahintee ayaad isticmaalaysaa?
Sababtu maxay tahay aad u isticmaalaysaa?, meeqa goor ayaad
isticmaalaysaa?
Ma isku
dayday in aad hesho meelaha ugu qiimaha jaban ee aad ka heli
karto qiimo wax ka dhima dhaqaalihii aad ugu talo gashay in
aad fariinta ku gaadhsiiso dadka.
Sheeg
haddii ay jiraan waddooyin kale oo aad farriintaada ku
gudbin kartid tusaale ahaan, in aad samayso bandhig ganacsi
(trade fair), catalogue (diiwaan haye), in aad afka ku
gaadhsiiso dadka (word of mouth) ama cid kale oo xirafd u
leh waxani in ay kuu gudbiyaan farriintaada.
Sawir
noocee ah ayaad rabtaa in aad u muuqato? Sidee rabtaa in aad
macaamiishaada ula muuqato?
Marka
laga yimaado xayaysiinta warbaahinta maxaa kale ee aad ku
taageeraysaa muuqaalka shirkadda tusaale ahaan samaynta
astaanta shirkadda (logo design), brochures (buugaag yayyar
oo xayaysiineed, signage (calaamado ama summado), iyo
muuqaalka gudaha shirkadda haddiiba ay kusoo booqdaan
macaamiishu.
Ma
leedahay nidaam aad macaamiishada kula xidhiidho amaba aad
marwalba uga war hayso?
Promotional Budget (miisaaniyadda xayaysiinta):
Dhaqaale
intee leeg ayaad ugu talo gashay waxyaalaha aynu kor kusoo
xusnay?
Inta
aanad bilaabin (lacagtani waxa ay galaysaa miisaaniyada lagu
bilaabayo)(start up budget.)
Marka ay
shirkaddu socoto (lacagatani waxa ay galaysaa miisaaniyada
lacagta lagu shaqaynaayo) (operating plan budget.)
Pricing (sicir goyn):
Halkan
waxaad ku faah faahisaa sida aad u rabto in aad u dejiso
qiimaha sicirka badeecada ama adeega (price setting.), inta
badan shirkaddaha yaryar uma fiicna in ay sixirka ugu
hooseeya ay wax ku iibiyaan ay tahay arinta kelya ee saxda
ah. Qiimaha hooseeyaa waxa uu kaa yaray nayaa faa’iidadii
aad heli lahayd (profit margin.)
Macaamiisha waxa suurto gal ah in aanay kaba fekirin sixirka
hooseeya ee aad adigu ka fakirayso. Waxaana dhici karta in
shirkado waaweyni ay suuqa kugu jebiyaan kedibna aad la
tartami kari weydo. Badanaa waxaa fiican in sixir macquul ah
aad wax ku iibiso kuna dedaasho tayada iyo adeega aad
bixinayso.
Qaabka
aad sixirka u dejisay sidee u muuqdaa markaad barbar dhigto
shirkadaha kale ee tartanka kugula jira.
Barbar
dhig qiimaha sixirkaaga kuwa shirkadaha kale ee kula
loolamaaya. Sixirka qiimahoodu ma ka sareeyaa sixirkaaga,
makaa hoseeyaa, ma la midbaa? Sababtuse maxay tahay?
Proposed Location (goobta shaqada.)
Waxa
laga yaabaa in aanay weli shirkaddu cayiman goob gaar ah.
Hada waxa la gaadhay waqtigii shirkadu ay ka fakiri lahayd
waxa ay rabto shirkaddu iyo meesha ay ka rabto. Shirkado
badan ayaa marka ay bilawga yihiin isticmala guryahooda in
muddo ah.
Halkan
si kooban ugu sharax qorshahaaga goobta aad ku ganacsanayso
maadaama ay saamaynayso maacaamiishaada.
Goobta
aad ku ganacsanysaa muhiim miyay u tahay macaamiishaada?
Haddii ay u tahay haa, sidee ayay ugu tahay?
Ø
Haddii ay macaamiishu yimaadaan goobtaada ganacsi:
Matahay
meel ku haboon macaamiisha (suitable for customers)? Ma
leedahay meel la dhigo baabuurta (parking)?, mise waa meel
waddooyinka muhiimka ah ka baxsan.
Sawirkaagii maxay ka badashay?
Ma tahay
meel macaamiishu rabaan ama ay rajaynayaan in ay yimaadaan?
Halkee
ayay degan yihiin shirkaddaha kula loolamayaa? Miyay habboon
tahay in aad ku dhawaato ama ka fogaato?
Distribution channels (dariiqyada aad wax ku gaadhsiinayso):
Sidee
ayaad u iibinaysaa badeecadda ama addeega shirkadda?
Ma
tafaariiq (retail), Jummlad (wholesale), wakiilo (agents),
wakiilo madaxbanaan (independent representatives).
Sales forecast (saadaasha iibka):
Hadda
waxan soo sheegnay si kooban usoo sharaxnay badeecada,
adeegyada, suuqgeynta iyo qorshaha lagu dhaqaayo shirkadda.
Waxaa
haboon in halkan lagu sameeyo laba saadaalood (two
forecasts):
1)
Qiyaasta ufiican (Best guess); taas oo ah waxa runta ah ee
aad rajaynayso.
2)
Qaddiyada u xun (worst case); qiyaasta u hoosaysa ee aad ku
kal soonaan karto in aad gaadhi karto wax waliba ha dhacaane.
Qorshaha lagu shaqaynaayo (operational plan):
Sharrax
shaqo maalmeedka maalin walba ee shirkadda, goobta ganacsiga,
qalabaynta, dadka, geedi socodka iyo degaanada ku xeeran.
Production (tacab-soo-saar):
Sidee
iyo meeshee laga soo saarayaa badeecaddaada ama adeegaaga?
Sharrax
hannaan socodka shirkadda sida:
·
Dhawrida qalabka shirkadda (inventory control)
·
Horumarinta badeecadda (product development)
·
Farsamada tacab-soo-saarka iyo qiimahooda (production
techniques and costs)
·
Tayo-dhawrka (quality control)
·
Adeega macaamiisha (customer services)
Location (goobta)
Meel
noocee ah ayaad uga baahan tahay goobta ganacsiga? Si fiican
u qeex nooca goobta ganacsi ee aad rabto.
Muuqaalka looga baahan yahay goobta ganacsiga (physical
requirements):
·
Nooca dhismaha loo baahan yahay (type of building).
·
Boos intee leeg ayaa loo baahan yahay in ay goobtu ganacsigu
yeelato (amount space).
·
Seerayn (zoning).
·
Malaga helayaa goobtaas korontada iyo biyaha (power and
utility).
Jidka
loo marayo goobta ganacsiga (access):
Waxaa
muhiim ah in goobta aad ka samaynayso ganacsigu ay ku
habboon tahay gaaddiidka iyo cidka keenaysa badeecada
(suppliers).
Miyaad u
baahantahay in meel si fudud loo soo mari karo aad samayso
(easy walk-in access)?
Maxay
tahay baahida shirkaddani u qabto in loo sameeyo meelo la
dhigo baabuurta ama meel u dhaw wadooyinka waaweyn,
garoonada dayaaradaha, meelaha tareenada iyo gaadiidka sida
xamuulka.
Construction (dhismo)? Badanaa shirkaddaha cusubi iskuma
mashquuliyaan in ay dhisaan dhismayaal cusub, laakiin haddii
aad qorshaynaysaan in aad dhistaan dhismayaal cusub waa in
lagu talo galaa kharashka loo baahan yahay.
Cost:
waa in shirkaddu qiyaastaa kharashka ku baxaaya dhismaha ay
degayso, taas oo ay ku jirto kirada, dayactirka dhismayaasha,
caymiska, kharashka lagu qurxinaayo meesha si meeshu u
noqoto meel ku habboon ganacsi soona jiidata macaamiisha.
Halkan
waxa kale oo aad ku sharraxdaa saacdaha shaqada, maalamaha
fasax yada, samee shax aad u muuqan karta.
Sharciga degaanka (legal environment):
Sharrax
ka bixi waxyaalahan soo socda:
·
Ruqsad (licence), sidee loo helayaa ruqsad aad ku shaqayso
·
Permits (ogolaanshaha in aad ka shaqayn karto, waxaa loo
jeedaa in wadanka aad ka shaqaynaysaa kuu ogolyahay in aad
ka shaqaysato wadanka ).
·
Caafimaadka goobta laga shaqaynaayo (hygiene and sanitation
of the premises and the area)
·
sharciyada deegaanka (environmental regulations)
·
Caymis ku jirid (insurance coverage)
·
Trademarks (summada ganacsiga), copyright (xuquuqda
daabacadda) and etc
Note:
qayb wal oo aanu halkan ku sheegnay waxaanu ka dhigi doonaa
cashar gaar ah. Waxaana ay ka dhex muuqan doonaan sample
business plan (tusaale aynu ku muujin doono sida loo dejiyo
qorshaha ay raacayso shirkadd.
Lasoco
qaybta 3 aad
Mustafe
Ibraahim
mustaf1970@hotmail.co.uk
Uk.
webmaster@ceegaag.com |