-
1.
Maxay
tahay ujeedooyinka aad u abuurayso ganacsi cusub
(Objectives)?.
-
2.
Sharraxaad ka bixi nooca ganacsi ee aad rabto in aad
bilowdo, tusaale ahaan ma ganacsi cuntaa (food industry),
computer industry (kombuyuutar miyaa), xawilaad miyaa
(remittance), dhisme miyaa (real estate) etc. waa in ay
kuu cadahay qaybta ganacsi ee aad samaynayso waxa uu yahay.
-
3.
Sixirka ama qiimaha aad wax ku gadi rabtaa ma yahay mid
macquul ah marka la barbar dhigo shirkaddaha kale
(reasonable price)
-
4.
Sideed
u dooranaysaa dadka kula wadaagaya ganacsigan (business
partner) mise keligaa ayaa isku filan? Meeqase qof ayaad
wada yeelan kartaan ganacsigan? Maxaad se shuruud ah oo
aad ku xidhaysaa dadka kula wadaagaya ganacsigan?
-
5.
Muxuu
ganacsigan cusubi gaar ku yahay oo aad shirkaddaha kale
kaga duwan tahay?
-
6.
Ma
haysataa ciddii kuu keeni lahayd badeecadda ama adeega
(supplier), Ma leedahay in kabadan hal supplier haddad u
baahato mararka qaarkood (backup supplier)?.
-
7.
Meeqa
shaqaale ah ayaad u baahan tahay? Xagee ayaad ka helaysaa
haddii aad u baahato shaqaale xirfad leh? Ma heshay ciddii
madax ka noqon lahayd shirkaddan?.
-
8.
Wadanka aad rabto in aad ka bilowdo ganacsigan sharciga
dawladdu ma ogol yahay in aad nooca ganacsigan ka samayso
(authority regulations)?
-
9.
Ma
hubisay magaca aad qaadan rabtaa in hore shirkadd kale u
qaadatay iyo in kale (ka hubi shirkaddaha domainka)?
-
10.
Sheeg
shirkaddaha kula tartami kara ama kula loollami kara
(competitors)?, imisa shirkaddood oo aad isku wax
iibinaysaan ayaa goobta aad ka samayn doonto ka ag dhaw?,
shirkadahaasi miyay haqab tireen baahidii macaamiisha?
Adeegoodu sidee yahay?
-
11.
Sidee
u qiimayn kartaa una saadaalin kartaa mustaqbalka hadda,
ka dhaw iyo ka fog sida uu noqon karo ganacsigaagu ama
shirkadaddu? (evaluate and predict both the present,
future and long-term of your company)?
-
12.
Ma
qiimaysay xaalada dhaqaale ee dadka, iyo awoodooda wax
gadasho (economic status and their purchasing power).
-
13.
Sidee
tahay saadaasha iibka aad filayso (sales forecast), waa
maxayse xeeladda aad rabto in aad wax ku iibiso (sales
strategy)?
-
14.
Ma
heshay meeshii ama goobtii aad ka samayn lahayd ganacsigan
ama shirkaddan (location), isla markaa malaga helayaa
dhamaan wax yaalihii daruuriyaadka ahaa, sida biyaha iyo
nalka (utilities).
-
-
15.
Ma
haysaa sawirka saxda ah ee sida aad u samayn karto lacag?
Ma u malaynaysaa in aad faaiido badan isu gaysatay oo aad
kharashkana yaraysay (over estimated the revenue and under
estimated the expenses)? Ogow taasi waa dhib
-
16.
Amnigu
sidee yahay? (security) Ma hooseeyaa? Ma dhexdhexaad baa?
Mise waa la isku halayn karaa?
-
17.
Sharrax daraasadda xog-suuq uruurin ee aad soo samaysay
(market research)? Isla markaa waa maxay nidaamka
suuq-geyn ee aad ku talo gashay (marketing strategy).
-
18.
Yay
noqonayaan macaamiishaadu (customers)? Ma cid gaar ah
ayaad isha ku haysaa in aad wax ka iibiso (niche target)
-
-
19.
Sharrax kooban ka bixi xajmiga suuqa aad galayso (market
size). Qayb intee leeg ayaad se suuqa ka qaadan kartaa
boqolkiiba (percent share of the market)?
-
20.
Maxaad
higsanaysaa sannadka 2011 iyo sannadada xiga (target by
the year of 2011 and next)?
-
21.
Ma
haysaa maaliyaddii aad gelin lahayd shirkaddan ganacsi
(capital investment)? Ma jiraa qorshe cad oo maaliyadeed
oo aad dejisay? (financial plan)
-
22.
Maxaa
khibrad ah, ama xirfad ah ee aad u leedahay ganacsiga
noocan oo kale ah (background experience and skills)?.
-
23.
Maxaa
xannibaad ah ee kaa hor imaan kara dhinacyo badan ka fiiri
( barriers)
-
24.
Dhinacee ayaad ku xooganaan kartaa dhinacee se ayaad ku
liidan kartaa (strength and weakness)? Fadlan halkan
daacad ka ahaw in aad sheegto.
-
25.
Waa
maxay xeeladaha aad kaga gudbayso haddiiba uu socon waayo
ganacsigan ama shirkaddan ( exit strategy)