Wasaarada Haweenka iyo Arimaha Qoyska oo soo
bandhigtay waxqabadkii sanadkii tagay ee 2010.
(Garoowe, January 12, 2011 Ceegaag Online)
Xarunta
Wasaarada Haweenka iyo Arimaha Qoyska ee Magaalada Garoowe
ayaa Maanta lagu Qabtay Munaasabad Balaadhan oo Wasaarada
Haweenku ku soo Bandhigtay Wax Qabadkii Wasaarada Haweenka
iyo arimaha Qoyska ee Sanadkii 2010, Munaasabadaasi oo ka
soo Qayb galeen Madaxwayne Kuxigeenka Puntland Gen Abdi
Samad Cali shire Xubno katirsan Golaha Wasiirada ee Dawlada
Puntland ha,yada Samafalka ah iyo shaqaalaha Wasaarada
Haweenka.
Hoolka
shirarka ee Wasaarada ayaana lagu soo Bandhigay Wax Qababkii
Wasaarada Haweenka iyo arimaha Qoyska oo Masuuliyiintii ka
soo Qayb gashay siwayn u Cajabisay Waxaa Goobtaasi ka soo
Jeedisay Khubad dheer Wasiirka Haweenka iyo arimaha Qoyska
Caasha Geele Diiriye oo sheegtay in Wasaaradu ku Talaabsaday
Horumar Balaadha isla Markaana Wax badan ka Qabatay Gobolada
Puntland dhinaca Horumarka, oo shaqaalaha Wasaaradu ay
sameeyeen Dadaalkii ugu Balaadhnaa sanadkani.
Madaxwayne
Kuxigeenka Puntland ayaana Guddoonsiiyey shaqaalaha
Wasaarada Haweenka Abaal Marin ay ugu talagashay Wasaaradu
shaqadii ay soo Qabteen Sanadkii tagay sida Wanaagsan oo
lagu abaal Mariyey Maanta, Madaxwayne Kuxigeenka oo Khudbad
Dheer goobtaasi ka soo Jeediyey ayaa sheegay in Wasaarada
Haweenku tahay Horiyaalka Wasaarada Maamulka Puntland ka
jira Waxa uu sheegay inuu Guul u rajaynayo Wasaarada
Haweenka oo ku talaabsatay Sanadkii Labaad Horumar Balaadhan...
Cali
dhagjar
Garoowe
webmaster@ceegaag.com |