Ra’iisal Wasaare C/weli Gaas
oo markii ugu horeysey booqdey jiidaha dagaalka, ciidamadana
ku booriyay inay siiwadaan dagaalka.
(Muqdisho, July 03, 2011
Ceegaag Online)
Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. C/weli
Maxamed Cali ayaa
maanta markii ugu horeysay booqasho ku tegay furimaha hore
ee ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Federaalka KMG ah
ee Soomaaliyeed, gaar ahaana kuwa degmooyinka Hodon iyo
Howlwadaag.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa
waxaa kormeerkiisan ku wehlinayay R/wasaare kuxigeenka ahna
Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,
Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Maxamed Cabdulle Geesey,
Taliyaha Guud ee Ciidanka Xooga Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini,
Afhayeenka Xukuumada
Eng. C/raxmaan Yarisow iyo
Agaasimaha Xafiiska R.wasaaraha Abuukar Daahir Cismaan iyo
weliba saraakiil kale oo ka socotay ciidanka nabad
illaalinta ee AMISOM.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa
kormeerkiisa ka bilaabay degmada Howlwadaag gaar ahaana
Masaajidkii Macalin Biyamaalow halkaasoo uu salaan uga
qaatay saraakiil ka tirsan ciidanka Xooga, isagoo uga sii
gudbay Xaafada K.P.P isagoo lug ku maray wadada dheer ee
Wadnaha illaa uu ka gaaray isgoyska K.P.P iyo Masaajidkii
Sheekh Cali Suufi.
Sidoo kale Ra’iisul
Wasaaraha ayaa kormeerkiisa ku tegay Wasaaradii
Gaashaandhigga oo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo
kuwa Burundi wuxuuna R.wasaaruhu halkaasi salaam sharaf uga
qaatay Askar ka tirsan Burundi isagoo R.wasaaruhu kormeeray
qeybaha kala duwan ee Wasaaraddu ka kooban tahay.
Shir jaraa’id oo ay si wada
jir ah ugu qabteen Xarunta Wasaaradda Gaashaandhgiga
R.wasaaraha iyo R.wasaare kuxigeenkiisa ayay ku sheegeen in
booqashadooda ay uga gol lahaayeen sidii ay u soo kormeeri
lahaayeen horumarka ay bilihii ugu dambeeyey ka sameynayeen
ciidamada xooga iyo kuwa Nabad illaalinta ee AMISOM.
“Waxaan aad ugu
faraxsanahay inaan maanta soo booqdo goobaha ay ku sugan
yihiin ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM, maanta inaad
halkaan joogtaan waxay calaamad u tahay in guushu soo
dhowaatay oo magaalada intii badneyd aad gacanta ku dhigteen,
waxaana rajeynayaa in aad ka dhaqaaqdaan halkaan aad maanta
joogtaan oo aad si guud ahaan magaalada u qabataan oo aad
nabadeysaan si dadka masaakiinta ahi ay guryahooda dib ugu
soo laabtaan” ayuu yiri Mudane C/weli oo guul u rajeeyey
ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.
Garad Salad Hersi
Communication Director,
office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608 +252-6-2536608
Mogadishu,
Somalia
webmaster@ceegaag.com
|