Dawlada Itoobiya oo usoo
iibsanasa Karayaal casri ah oo ay kula dagaalamaso Jabhada
Xoraynta Soomaalida Ogaadeeniya.
(Addisababa July 06, 2011
Ceegaag Online)
Raysal wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi
ayaa maanta u sheegay mudanayaasha aqalka wakiilada
ee Itoobiya in ay dawladiisu wadanka Ukraine ka soo
iibsanaso hub Kaarayaal u badan oo tiradooda lagu qiyaasay
200 oo Kaare nooca T-72 oo
ay ku baxaso aduun dhan todoba kun oo malyan oo doolar
(7,000,000,000).
Hubkan ayuu sheegay inay badali doonaan
hubka duqoobay ee aanu haysano ayuu yidhi isaga oo sii
raaciyay waxaa inala dagaalamaya laba cadow midi waa
Eratariya kankalena waa Jabhada ONLF ayuu yidhi.
Dawlada Itoobiya ayaa ku soo iibsanasa
hubkan mashaariic ay wadanka shiinaha uga qaadatay
baadhitaanka Saliida ee ay doonaso inay ka bilowda dhulka
Soomaalida.
Raysal wasaaraha ayaa carabka ku
adkeeyay in loo baahan yahay hub aynu kula dagaalamiaan
Soomaalida iyo Eretariyaanka si loo sugo xuduudaha iyo in
aan la carqaladeen soosaarida Saliida oo lasheegay inay
Ceegaagto dhulka Soomaalida.
Iskusoo wada duuboo iyada oo ay
dhaawacantay cudidii Soomaalida ahayd ee la dagaalamasay
Itoobiya ayaa hadana aysan u suurto galin inay sidii
aydoonto ka yeesha Dhulka Soomaalida ee Ay gacanta kuhayso
Xukuumada ka arimasa Addis-Ababa.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|