Jaamacadda Muqdisho oo
guddi u magacowday gurmadka barakacayaasha abaaraha ee
Muqdisho soo gaaray
(Muqdisho, July 20, 2011
Ceegaag Online)
Jaamacadda Muqdisho oo ka mid ah
jaamacadaha ka jira dalka Soomaaliya ayaa maanta u
magacowday guddi ka shaqeeya gurmadka gargaarka
abaaraha, waxaana guddigaas guddoomiye u ah Dr. Maxamed
Xuseen Ciise (Liibaan) oo ah diiwaan-hayaha guud ee
jaamacadda Muqdisho.
Kulanka lagu magacaabay guddigan oo ka shaqeyn doona sidii gurmadka loo
fidin lahaa dadka ay abaaraha saameynta xooggan ku yeesheen
ee soo gaaray Muqdisho, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa
guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed
Abuubakar, Dr. Sheekh Axmed Xasan Qudubi, maamulka, ardayda
iyo macallimiinta Jaamacada Muqdisho.
Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh oo kulanka
ka hadlay ayaa yiri: "Haddii aan si sax ah isku taageerno,
waxaan hubaa oo ii muuqata inaan iskaalmeyn karno, oo aanan
u baahanayn cid kale. Jaamacadda Muqdishana lagu aamini karo
wixii dadkaas loosoo marsiiyo, sababtoo ah waxaad horay
noogu aaminteen ilmihiinnii oo aan soo saarnay iyagoo
mutacalimiin ah."
Dr. Sheekh Axmed Qudubi, oo
isaguna goobta ka hadlay ayaa si aad ah uga hadlay abaaraha
ku dhuftay shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in
telefishinka Al-Jazeera uu ka daawaday filimaan laga soo
qaaday dadka ay abaaruhu ku dhufteen, wuxuuna sheegay isagoo
ilmeynaya in xaaladdaas ay aad uga murugooday.
"Roobkii aan u adkeysan waynay innagoo guryaheenna joogna ayaa waxaa ii
muuqday barakacyaal uu si toos ah roobku dushoodu uga da'ayo.
Dareenkaas wuxuu ii diiday inaan cunno cuno, hurdo sax ahna
aan seexdo iyo wax walba oo nafta u roon," ayuu yiri Dr.
Sheekh Axmed Qudubi.
Ardaydii, maamulkii iyo macallimiintii kulankaas ku sugnaa ayaa muujiyay
dareenka kaga aadan wax u qabashada dadka dhibaateysan ee
walaalahood ah, iyagoo qaar ka mid ah ay la ilmeeyeen
xanuunka sheekooyinka ku saabsan abaaraha ee ay soo
bandhigeen mas'uuliyiintii hadlay.
Guddigan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay dhibaatooyin daran ku
haystaan gudaha Muqdisho kumannaan qof oo xoolahoodii ku
waayay abaaraha iyo kuwo kale oo beerihii ay u bixi waayeen.
Barakacayaashan ayaa qaarkood waxay caruurtoodii uga soo tageen jidadka,
kaddib markii ay baahi awgeed wadi waayeen, waxaana
Jaamacadda Muqdisho ay furtay accoun-no ay ugu talogashay
inay cid walba oo awood leh ay kusoo riddo dhaqaale lagu
caawiyo barakacayaasha, gaar ahaan ardaydii ka qalin jabiyay
iyo kuwa hadda dhigta. Waxaana furan Acc# 8555 oo shirkadda
Dahabshiil qaybteeda Banaadir.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Jaamacadda Muqdisho sameyso gurmad
noocan oo kale ah, balse sannadkii 2006 ayay sameysay gurmad
noocaan oo kale ah, markaasoo ay daadad badan ku dhufteen
gobollada dalka qaarkood.
C/naasir Yuusuf Macalin
Muqdisha. Somalia
webmaster@ceegaag.com
|