Xaflad u agaasineed heer
Qaran oo qalin jabin ardayeed iyo dabaaldega 1 da Luuliyo
isgu jirtay oo ka dhacday magaalada Boston.
(Boston July 01, 2011
Ceegaag Online)
Dhagayso Heesta
maanta ee waxaan rajeenayaa
Soomaaloo israacdo (ilaahay idinkii)
Dhagayso
Xafladan ayaa ka dhacday Hibernian Hall
kasoo ku yaala xaafada Roxbury dhinaca 184 Dudley Street.
Waxaana soo abaabulay ururka Dhilinyarada Jaamacada
Soomaalida ee magaaladan Boston.
Furitaankii ka dib waxaa goobta ka
hadlay Danny Riviera oo marti u ahaa Soomaalida kasoo ku
dheeraaday habka ugu fiican ee ardaydu uga hortagi karaan
inay Iskuulada ka saaqidaan.
Sidoo kale Pro. MJ ayaa sheegay inaysan
MJ utaagnayn qabiilkiisa balse u taagan tahay Maxamed Jaamac
oo ah magiciisa, MJ waxa uu ka hadlay dhinacyada dhaqaalaha
waxbarasho ee jira iyo sida lagu heli karo.
Waxaa isna ka hadlay xafladan Siyaasiga
dada yare e Maxamed Diini oo ka hadlay in aan la ilaabin
maalinta Dhalashada wadankeenan Mareekanka ee 4th
July isagoo sheegay in loo baahan yahay in jaaliyadu ku
baraarugaan u codeenta dadka nolshooda iyo nolol
maalmeedkooduba ku xidhan yahay sida dadka maamulaya
iskuulaadka ardaydu dhigtaan. Dadka kuu matalay Baarlamaan
goboleedada hadba xaafada aad degan tahay. Sidoo kale Diini
wuxuu ku dheeraaday in loo baahan yahay in aynu jaaliyad
Soomaali ahaan siyaada laguha iyo gacmahaba la galno.
Waxaa kale oo isna goobta ka hadlay
Maxamed Aadan oo ah arday ka qalin jabiyay sanadkan
Jaamacada Umass ee Lowell, isga oo aradayda ka soo
qalinjabisay dugsiyada sare kala hadlay khibradaha
jaamacadaha iyo xeeladaha waxbarashada.
Waxaa iyana goobta ka hadashay Madaxa
Ururka Horumarinta Haweenka reer Boston Deeqo Jibriil oo
sheegtay in dhalintu ku dhaganaadaan dhaqankooda, kuna
sugnaadaan Iimaan wanaagsan maadaama ay waxbarashadu waxba
anficin bilaa iimaan.
Sidoo kale waxaa iyana goobta ka
hadashay Amal Maxamed oo aradayda siisay culuunta iyo tabaha
jaamacadaha lagu helo iyo sida loogu sugnaado helitaan
dabadeed iyana waxay la hadlasay ardayda ka soo qalin
jabisay dugsiyada sare. Amal takhsuskeedu waa Biology,
waxayna dhamaysatay sanadkii sadexaad jaamaca North-Eastern
University.
Waxaa iyana goobta ka hadashay Pro.
Faadumo Cismaan (Bocoriini) iyada oo aad ugu dheeraatay
doorka waalidiinta ee ciyaalkooda waxbarashadooda khuseeya.
Waxaa kale oo doorka tacliinta ka hadlay Macalin Warfaa oo
sheegay inuu macalin ahaa ilaa mudo lagu qiyaasayo 32
sanadood 16 kamidana uu macalin ka ahaa magaaladan Boston.
Waxaa isna doorka waalidiintu ka qaadan
karaan waxbarashada ubadka ka hadlay Cabdiraxmaan Yuusuf
madaxa SDC.
Inataa dabadeed waxaa la soo bandhigay
Ruwaayad waxaana shahaadooyin lagudoonsiiyay ardayda
Soomaaliyeed ee ka qalin jabisay dugsiyada sare iyo
Jaamacadaha magaaladan Boston sanadkan 2011 iyada oo doorka
wiilashu badnaa sanadkan halka sanadkii hore ay gabdhuhu
badnaayeen.
Waxaa
hool ka bilowday dabaaldagii 1 da Luuliyo kadib markii
saacadu ka wareegtay bisha Juun una wareegta luulyo 1 deeda.
Waxaa lagu bilaabay Heesta calanka
Soomaalieed ee Qolo waacankeed oo ay soo bandhigeen Ardayda
Dugsiyada iyo Jaamacaduhu, waxaa isna ka hadlay Taariikhda
Soomaaliya iyo waxa loo baahan yahay inay Soomaalidu ka
qabtaan dalkooda hooyo Cabdulqaadir Yaasiin madaxa ACEDONE.
Sida loo xaliyo mashaakilaadka isku
murga marka dadku islaayeen ayaa waxaa isna ka hadlay
Cabdidheere(Sandheere) oo tilamaamay in xalka Soomaaliya ku
jiro inay u noqdaan Xeer hoosaadkii dhaqan ee soo jireenka
ahaa isaga oo sheegay in diintu xeerkaa lafdhabar u ahayd.
Inataa dabadeed ayaa loo dhaqaaqay soo
bandhigidii hidaha iyo dhaqanka Soomaalieed tasoo lagu soo
gabo gabeeyay Xafladaa u agaasineed Heer Qaran.
Sawirada waxaa qaaday: Wariyaha caanka
ah ee Mijir
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|