Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo loo magacaabay Ra段isal
Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
(Muqdisho, June 23, 2011
Ceegaag Online)
Madaxweynaha
dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif sh. Axmed ayaa maanta
oo khamiis ah u magacaabay ra段isul wasaaraha cusub ee
Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, oo horay u sii hayay
xilkaasi, kaddib iscasilaaddii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Shir jaraa段d
oo madaxweyne Shariif uu ku qabtay xarunta madaxtooyada
Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdsiho ayuu kaga dhawaaqay
magacaabista ra段isul wasaaraha cusub.
Ra段isul
wasaaraha cusub Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo horay u ahaa
wasiirkii qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ee xukuumaddii
Farmaajo ayaa ah aqoonyahan wax ku bartay dalka Maraykanka,
macallinna ka ahaa jaamacad ku taalla magaalada New York ka
hor intuusan ku biirin xukuumaddii hore ee Mohamed Abdillahi
Farmaajo sanadkii la soo dhaafay.
Cabdiwali
Maxamed Cali Gaas ayaa hortagi doona Baarlamaanka si cod
loogu qaado, kaasoo haddii la ansixiyo looga fadhiyo in
muddo soddon maalmood gudahood uu ku soo dhiso Xukuumadiisa.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|