Hay’adda SCERDO oo xafiis cusub ka furatay
Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
(Nairobi, June 29, 2011
Ceegaag Online)
Xafiiskan cusub ayaa waxaa furay Gudoomiyaha Guddiga fulinta
Hay’adda SCERDO Bashir Xaaji
Cali (Jamaal) iyo Xoghayaha Guddiga Fulinta SCERDO
Abdirahmaan Mohamed Ismaaciil, Xafiiskan SCERDO ayaa
noqonaya xafiiskii ugu horeeyay ee ay hay’addu ka furato
Wadanka Kenya.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Guddiga Fulinta Hay'adda SCERDO
Bashir Xaaji Cali (Jamaal) ayaa xafiiskiisa kula kulmay
Wasiirka Horumarinta Gobolada Waqooyi ee Kenya ahna
Mudane laga soo doorto barriga Wajir (Member
of Parliament for Wajir-East)
Mudane Mohamed Ibraahim Cilmi iyagoo
ka wada hadley sidii ay Hay'adda SCERDO uga qaybqaadan
lahayd horumarinta dhinacyada bulshada sida
Waxbarashada, caafimaadka iyo Biyaha ee
Gobolka Wajir.
Hay'adda SCERDO ayaa
si rasmi ah maanta shaqadeeda uga bilowday Magaalada Nairobi
ee Dalka Kenya, iyadoo xafiiska Nairobi loogu talogalay inuu
fuliyo mashaariicda hay'adda ka fulindoonto wadamada barriga
Afrika, sida Somalia, Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo
koonfurta Suudaan.
Daawo Sawiradda
webmaster@ceegaag.com
|