Mudaaharaadyo looga soo horjeedo heshiiskii Labada
Shariif (Afguduud iyo Sakiin) ku gaadheen Kampala oo
Gilgilay Caasimada Soomaaliya.
(Muqdisho, June 09, 2011
Ceegaag Online)
Odhaahdii banaan-baxayaasha
Dhagayso
Waxaa
magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada Dalka
Soomaaliya gilgilay mudahaaradyo ay sameynayaan ciidamada
xooga dalka soomaaliya iyo shacab gadoodsan oo iskaashanaya,
waxaana mudahaaradyadaasi yihiin kuwo gilgilay guud ahaan
degmooyinka Magaalada Muqdisho ee ay Dawlada KMG ah ee
soomaaliya gacanta ku hayso.
Mudaaharaadyadan ayaa
looga soo horjeedaa go’aanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya
Maxamad C/laahi Maxamad (Farmaajo) ku gaadhay inuu is
casilayo marka uu dib ugu soo laabto caasimada Soomaaliya ee
Muqdisho.
Guddoomiyaha Majmaca
Culimada Sheekh Axmed Dhicisow oo ka mid ah banaanbaxayaasha
Muqdisho ayaa sheegay in aysan aqbali Karin inuu is casilo
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Maxamad C/laahi
Maxamad (Farmaajo)
Banaanbaxayaasha shacabka ayaa iyagu xiray wadooyinka ku
aadan xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, waxayna ku
dhawaaqayeen hadalo aysan raali kaga ahayn in Arin
siyaasadeed loo burburiyo Qaranimada iyo Aayaha Ummada
Soomaaliyeed, iyagoo ku dhawaaqayay inaysan ogolaan doonin
inuu Raisalwasaaruhu xilka uu hayo xilligan iska casilo.
Shacabka ku dhaqan
Magaalada Muqdisho ayaa Walaac xoogan ka muujiyay in hadii
Raii'sal Wasaaraha Soomaaliya iscasilo ay dhibaatada
Soomaaliya uga sii dareyso, iyadoo maantaba ay ciidamada
Dowlada KMG ah ay soo baaneeyeen goobaha qaar ay difaac kaga
jireen ee ay dhawaan kala wareegeen Kooxda Alshabaab.
Dhinaca kale banaanbaxyo la
mid ah kuwani ayaa waxay kadhaceen deegaano ka tirsan
gobolka Gedo iyo gobole kale oo ka mid ah gobolada Koonfurta
iyo Bartamaha Soomaaliya, iyadoo dadka banaanbaxyada
dhigayay ay ka dhawaajiyeen in aysan habooneen in Arrin
shaqsiyadeed loo burburiyo Qaranimadii Soomaaliya iyo Aayaha
Shacabka Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqeen Ra’iisul Wasaare
Mohamed C/laahi Farmaajo ka laabto go’aanka uu gaadhay ee is
casilaadiisa ah.
Daawo Sawirada
Banaan-baxayaasha
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|