Banaanbax Lagaga Soo Horjeedo Heshiiskii Kambala oo Kadhacay
Magaalada Edmonton ee Dalka Canada.
(Edmonton, June 19, 2011
Ceegaag Online)
Mudaharaad ay soo agaasimeen qurba joogta dagan Gobolka
Alberta ee Dalka Canada ayaa ka dhacay magaalada Edmonton,
Mudaharaadkan ayaa lagu diidanyahay Heshiiskii Kambala ee
lagu dhigayay in uu Ra'iisal Wasaare Farmaajo uu is iscasilo.
Waxaa
ugu horreyn xafladdaas ayaadaha quraanka kariimka ah ku
furay Shiikh Jaamac
Xuseen Nuur
oo
kula dardaarmay dadwaynihii xafladda ka soo qaybgalay in ay
ilaahay ka baqaan midnimadooda iyo sharaftoodana ilaashadaan
si ay uga nabadgalaan masiibooyinka maanta adduunka ka
taagan.
Waxaa
makarafoonka lagu soo wareejiyay
Cabdiqayr Cumar
oo ku
hadlayay magaca Gudigii soo qabanqaabiyay shirkan isagoo
mahadnaq ballaadhan u soo jeediyay dadwaynihii iyo marti
sharaftii halkaas isugu timi
kadib eedeyn ujeediyay
wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay ee Soomaaliya
Augustina Mahiga iyo siyaasadiisa guracan ee kuwajahan
Soomaaliya oo ay ka soo horjeedaan Shacabka Soomaaliyeed ,
isagoo ugu baaqey shacabka soomaaliyeed in ay ka
digtoonaadaan Hagardaamada uu wado Mahiga.
Waxaa
isaguna halkaas ka hadlay
Cabdalla Kulmiye
oo sheegay in Soomaalidu rabto midnimo, nabad iyo xoriyad,
isagoo ugu baaqay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki
Moon inuu si dagdag ah xilka uga qaado
Augostine
Mahiga.
Banaanbaxan ayaa ujeedadiisu ahayd in shacabka Soomaaliyeed
meelwalba oo ay joogaan aysan raali ka aheyn heshiiskii
kampala, waana markii u horeysay ee Soomaalida badankood ay
si guud u diidaan heshiis ay gaadheen shaqsiyaad laguna
baabi’iyay jiritaanka Ummada Soomaaliyeed.
Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Edmonton ayaa
halkaas kumuujiyay shucuurtooda wadaninimo, iyagoo halkaas
kaqaadayay heeso. iyo gabayo wadani ah , Banaanbaxayaashaas
qiiraysnaa waxay ka codsadeen golaha shacabka soomaaliyeed
inay dhowraan axadi qarameedka iyo rabitaanka shacabka ay
matalaan kana hortagaan kalaqaybinta iyo burburinta lagu
wado ummada Soomaaliyeed.
Si kasta ha ahaatee
banaanbaxan ayaa imaanaya
xili inta badan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan
qaaradaha Yurub, North America, Asia, Australia iyo Dalal
African ahi ay dhigeen banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan
shirkii kampala iyo Siyaasada Wakiilka QM ee arrimaha
Soomaaliya Mahiga.
Daawo Sawirrada
Liibaan Fiin
Edmonton,
Canada
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|