Bandhiggii
buugaagta taariikhda & suugaanta Soomaalida ee labadii
maalmood ee ugu dambeysay ka socday magaalada Gothenburg
ee dalka Sweden ayaa la soo gabagabeeyay iyadoo kulankaasi
uu ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee magaaladaasi
lagu qabto tan & intii ay dadka Soomaaliyeed ka mid
noqdeen dadyowga wax ka deggan dalkaasi.
Bandhigga carwada ee sanadkan
ee halkaasi lagu qabtay ayaa waxaa ka soo qeybgalay
dadweyne Soomaaliyeed oo tiradooda lagu qiyaasay in ka
badan 300 oo isugu jira qeybaha bulshada Soomaalida ee ku
dhaqan magaaladaasi.
Kulankan oo ay ka
qeybgalyeen qoreyaal Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalalka
Canada, Ingiriiska & qoreyaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan
magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa bilowday
maalinnimadii shalay aheyd ee ay taariikhdu aheyd 10kii
bishan June lana soo gabagabeeyay 11ka June, sanadka 2011.
Labadii maalmood ee uu haddaba
socday barnaamijkaasi ayaa lagu soo bandhigay hannaanka
ugu habboon ee loo badbaadin lahaa afka Soomaaliga,
maadaama uu afka Soomaaliga ahi ku jiro 12ka af ee lagaga
dalalka caalamka lagana cabsi qabo dabar go’ ku yimaada,
sida ku xusan qoraal ay dhawaan soo saartay hey’adda
Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca ilaaleynta & dabar
go'a afafka laga hadlo adduunka.
Haddaba furitaankii barnaamijyadii xiriirka
ahaa ee halkaasi ka dhacay waxaa ugu horreyn ka hadlay
C/casiis Cali Ibrahim
"
Xildhiban
"
oo ka mid ah qoreyaasha Soomaaliyeed ee dadaalka ugu jira
ilaaleynta & xafidadda Taariikhda & Suugaanta Soomaalida
isaga oo halkaasi ku soo bandhigay buugaagtii uu qoray ee
1. Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen?, 2. Taxanaha
taariikhda Soomaaliya, 3. Maahmaahyo murti & madadaallo,
4. Sooyaalkii suugaanta Cabdulle Raage Taraawiil, 5. Xulka
maansooyinka Soomaaliyeed & buuggii ugu
dambeeyay ee uu daabaco ee 6. Horseedayaashii
halaagga Soomaaliya.
Dhinaca kale waxaa iska
halkaasi ka hadlay Dr. Max’ed Daahir Afrax
oo ka mid ah Guddiga gurmadka & tabliiqa ee afka
Soomaaliga isaga oo aad ugu dheeraaday baahida
loo qabo sidii dadka Soomaaliyeed gacan & maskaxba uga
qeybgeli lahaayeen arrintaasi.
Dr. Max’ed Daahir Afrax
oo ka mid ah xubnihii aasaaska u dhigay naadiga qalinleyda
Soomaaliyeed ee PEN isla markaana in muddo ah guddoomiye
ka ahaa naadigaasi oo ka hadlayay dadka Soomaalida ah ee
ka qeybgalay gurmadka ballaaran ee lagu badbaadinayo afka
Soomaaliga in ay ka mid ahaayeen;-
1.
Aw jaamac Cumar Ciise
2.
C/casiis Cali Ibrahim
"Xildhiban
"
– Xildhiban Publications
3.
Max’ed Sh. Xassan Nuur –
Scansom Publishers
4.
C/llaahi Sh.
Xussein
"Hantiwadaag".
Dhinaca kale wuxuu ammaan &
mahad ballaaran u jeediyay Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Djibouti H. E. Ismaaciil Cumar Geelle
oo dadaal ballaaran ugu jira sidii afka Soomaaliga looga
badbaadin lahaa khataraha laga cabsi qabo in uu ka mid
noqdo afafka duulaanka ba’ani lagu soo qaaday.
Dr. Max’ed Daahir Afrax
oo ah cilmibaare ku howlan mustaqbalka afka Soomaaliga &
sidii loo badbaadin lahaa wuxuu Soomaalidii ka qeybgashay
barnaamijkii bandhigga buugaagta & codka hal abuurka
Soomaalida ee lagu qabtay magaalada Gothenburg ee dalka
Sweden sidii ay uga mid noqon lahaayeen guddiga gurmadka
afka Soomaaliga iyagoo ka bilaabaya in ay carruurtooda ku
ababiyaan adeegsiga afkooda hooyo.
Sidoo kale waxaa iska halkaasi
ka hadlay Max’ed Sh. Xassan Nuur oo
ah guddoomiyaha shirkadda daabacaadda ee Scansom
Publishers oo halkaasi ku soo bandhigay tirada buugaagta
Soomaalida ee illaa & hadda la diiwaangeliyay in ay
gaarayaan illaa 300 oo buug isaga oo ku dheeraaday
hannaankii ay shirkaddaasi u martay xafidaadda buugaagta
Soomaalida ee maanta yaalla dhammaan dalalka
Scandinavian-ka & North America.
Gebagabadii kulankaasi waxaa isna halkaasi
ku soo bandhigay gabayo,, heeso, Guurow, Masafo, & Shirib
& buraanburro ka soo jeediyay hobollo ay ka mid ahaayeen
abwaan Hurfe Cali Qeylo & Caasho Jamaac Garow
oo loo yaqaanno
"Caasho
Cuud"
soo jiitay dhagaha & maqalka dadweynihii Soomaaliyeed ee
ka qeybgalay munaasabaddaasi, waxaana ugu dambeyntii
halkaasi hadallo qiimo badan, guubaabo & dardaaran ka soo
jeediyay guddoomiyaha jaaliyadda Puntland ee Gothenburg,
MD. C/llaahi Max’ed Axmed "C/llaahi
Jowhar"
oo ka mid ahaa guddigii qabanqaabada ee bandhiggaasi.
Waxaana xusid gaar ah mudan kaalintii ay ka
qaateen jaaliyadda Puntland ee magaalada Gothenburg ee
dalka Sweden,
"Puntland
Community Organisation"
iyaga oo ballan qaaday in ay halkaasi ka sii wadi doonaan
qabashada & abaabulka loogu jiro barnaamijyada noocan oo
kale ah, kaas oo lagu ballamay in sanadkiiba mar la qabto.
Daawo Sawiradii Goobta
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam_calikaar@hotmail.com