Dayax madoobaadkii ugu dheeraa mudo 10 sanno
oo xalay ka dhacay meelo ay kujirto Soomaaliya.
(Muqdisho, June 15, 2011
Ceegaag Online)
Dayax
madoobaad ayaa xalay ka dhacay dalal badan oo caalamka ah oo
ay ku jirto Soomaaliya iyadoo Odayaasha Soomaalida ay ku
sheegeen kii ugu daraa ee dalka soo maro mudo 10 sanno ah.
Daxaya
ayaa ka madoobaay dalal badan oo caan ah oo ku yaala
qaaradaha Europe, Africa, Bartamaha Asia iyo Australia
waxaana culimada Physiks-ka ay leeyihiin waa kii ugu dheeraa
ee caalamka ka dhaco mudo 11 sano ah.
Dalka
Soomaaliya abaaro 10:00 fiidnimo ayey waxoo ku bilaabatay
madowga dayaxa ama bisha iyadoo 30:daqiiqo kadibna uu wada
daboolay madowga ileyskii bisha.
Masaajidada ayaa la furay halkaasi oo ay dadka Soomaaliyeed
ee muslimiinta ah ka bilaabeen salaada loo tukado dayax
madoobaadka, halka dadka qaarkoodna ay guryaha ku tukadeen
iyaga oo ALLE baryayay.
Barnaamijyadii ka baxayey idaacadaha Muqdisho ayaa marqura
la wada badalay iyadoo loo badalay qur,aan iyo wacdiyo ay
culumada dadka ugu sheegayeen in ay ALLE u laabtaan oo ay u
towbad keenaan.
Dhinaca kale culimada ku taqasustay saadaasha hawada ayaa
sheegaya in dayax madoobaadka uu keenay dhulka oo daboolaya
Qoraxda taasoo keeneyso in bisha oo ka yar dhulka ay weyso
ileyski ay ka heli jirtay qoraxda.
Waxaa
dayaxmadoobaadki xalay uu socday ilaa iyo 100-daqiiqo taasoo
ka dhigeysa dayaxmadoobaadki ugu dheeraa tan iyo bishi July
2001
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|