FBI-da Dalka Maraykanka oo Shaacisay in Wiil Somali-Amerikan
ah uu isku Qarxiyay Soomaaliya(Warbixin).
(Minneapolis, June 10, 2011
Ceegaag Online)
FIB-da dalka
maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in mid ka mida labadi nin
ee masuulka ka ahaa qaraxi ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay
labbo ka tirsan ciidamada AMISOM uu ahaa nin Somalia-Amerikan
ah oo ka tegay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.
Xafiiska FBI-da
ee minneaopolis ayaa sheegay in ninkan lagu magacaabi jiray
Faarax Maxamed Beledi oo ay da'diisu tahay 27 sano uu ka
mid ahaa dadki weeraray saldhiga ciidamada AMISOM ee
magaalada Muqdisho.
Sanadihii ugu
dambeeyay, qiyaasti dhalinyaro gaaraysa 20 dhalinyaro ah
ayaa ka tagay minneapolis iyagoo u socdaalaya Somalia si ay
ula tababartaan koooxda Al-shabaab, waxaana qayb ka mida ay
ka dhinac dagaalamaan ururka argagixisada ah ee Al-shabaab
sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowlada Maraykanku.
Faarax
Maxamed Beledi wuxuu ka mid ahaa 14 qof oo bishi July ee
sanadki 2010 lagu soo eedeeyay inay gargaar u fidinayeen
kooxda Alshabaab, Faarax ayaa sidoo kale lagu eedeyay inuu
ku guda jiray faldambiyeedyo lagu dilayo, lagu afduubanayo,
laguna dhaawacayo shakhsiyaad dibada ku nool, ay mar kale
FBI-du ku sheegtay warbixinteeda.
FBI-da ayaa
intaasi ku dartay in Faarax la aaminsanyahay inuu ka tegay
dalka maraykanka bishii October sanadki 2009-ki.
Marka la
tixraaco warbixino ka soo baxay ciidamada ururka midawga
Africa ee ku sugan Somalia falaago xagjir ah ayaa tiro ka
dhawr jeer ku soo lebistay dirayska ciidamada DKMG ah ee
Somalia iyagoo iska dhigaya askar ka tirsan DKMG ah,
doonayana inay weeraran fariisimo ay ciidamada AMISOM ku
leeyihiin magaalada Muqdisho 30-ki bishi May.
Kooxda Al-shabaab
ayaa isbahaysi la leh ururka Al-qaacida, welina waxa socda
baaritaan ay wado FBI-da Maraykanku oo ku saabsan xaqiijinta
wiil kale oo lagu magacaabo Cabdulaahi Axmed kaas oo
warbixin ay Al-shabaab ku soo daabeceen bogooda internetka
ku sheegeen inuu fuliyay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay
magaalada Muqdisho.
Ma cada in C/laahi
Axmed uu ahaa ninki labaad ee fuliyay weerarki ismiidaaminta
ah ee lagu dilay labbo askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM
ee Soomaliya ku sugan.
Hooyadi
Muumina Roba oo cadaysay Geerida Wiilkeda Faarax Maxamed
Beledi:
Shabakada
internetka ee Minnesota Public Radio ayaa shaacisay in qaar
ka mida xubnaha qoyska Faarax Maxamed beledi ay cadeeyen in
wiilkooda oo ka tegay Minnesota uu isku qarxiyay ciidamada
nabad ilaalinta ee Amisom todobaadki hore.
Shabakada oo
warbixinteeda sii wadata ayaa tiri..........Faarax Maxamed
Beledi waa 27 sano jir ka yimid magaalada St.Paul ka hor
intaanu ku soo biirin bulshada Soomaaliyeed ee degan
Minnesota, magaca Beledina waa magaca ugu diwaangashan
liiska federaaliga ah ee dalka Maraykanka, waxaana hadda ka
hor la soo taagay maxkamad.
Faarax
hooyadi oo ah haweenay da' ah ayaa sheegtay inaanay rumaysan
marki hore wararka sheegaya in wiilkeeda Faarax lagu dilay
magaalada Muqdisho, kaas oo ay u soo sheegen xubno ka tirsan
isla qoyskiisa oo ku sugan magaalada Nairobi.
Shabakada
ayaa sheegtay inay heshay sawiro muujinaya qaraxa, kuwaas
oo ay soo gaarsiiyen saraakiil ka tirsan ciidamada nabad
ilaalinta ee AMISOM, iyadoo mid ka mida sawiradaasi uu
muujinayay muuqaalka qof wejigiisa uu daboolay firir, kaas
oo la sheegay in la dilay intaanu qaruxu dhicin balse waxaa
la cadeeyay in qaraxa lagu laayey askarta AMISOM uu ahaa mid
uu fuliyay qof kale oo hawlgalka kala qaybqaadanayay Faarax
Maxamed Beledi.
Weriyaha
waraysiga ka soo qaaday Muumina Roba oo ah hooyada Faarax
ayaa sheegay inay hooyadi uu ka muuqanayay daal uu ku
sababay cudurka Neefta (Asthma), waxayna codsatay bay buu
yiri inaan la tusin sawirka wiilkeeda, maadaama hadi ay
aragto sawirkiisa ay dareemayso.
Muumina Roba
oo ay la joogaan labo wiil oo ay dhashay ayaa sheegay inaanu
shaki ku jirin in qofka sawirka ka muuqda uu yahay wiilkooda
Faarax Maxamed Beledi.
Maxkamada
ayaa laga helay warbixino muujinaya in Beledi sanadki 2007
uu mindi qoorta kaga dhaawacay nin ay ciyaar ku wada
dheelayeen central high school oo ku yaala magaalada
St.paul, waxaana marki uu gaystay fal dambiyeedkan lagu
xiray xabsi, isagoo xabsigaas ku jiray muddo ka badan sanad,
waxayna hooyadi sheegtay inaan cid ka tirsan qoyskiisa aanay
ku booqan xabsiga intii uu ku xirnaa, maadaama uu
xiriirkoodu xumaaday.
Abdulaahi
Beledi oo ah walaalkiis ayaa sheegay in isaga, walaakiis ka
yar iyo hooyadood Muumina Roba ay soo galeen gudaha dalka
Maraykanka sanadki 1996-dii, xiligaas oo Faarax Beledi
da'diisu ahayd 12 sano.
Abdulahi
Beledi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in walaalkiis
Faarax Beledi ay ugu dambaysay 7 sano ka hor halka hooyadiis
iyo Faarax Maxamed Beledi ay isugu dambaysay saddex sano ka
hor.
Faarax
Maxamed Beledi ayaa ku xirnaa masaajidka Abuubar Al-Sidiiq
oo ku yaala magaalada Minneapolis, waana masaajidka ugu weyn
oo dadka Soomaalidu ku leeyihiin gudaha dalka Maraykanka,
masaajidkan ayaa waxaa isugu iman jiray oo ilaahay ku
caabudi jiray ugu yaraan 20 dhalinyaro ah, ka hor intaanay u
ambabixin gudaha dalka Soomaaliya si ay uga barbar
dagaalamaan kooxda Al-shabaab.
Shabakada
internetka ee Minnesota Public Radio ayaa sheegtay in Faarax
Maxamed Beledi uu maalin maalmaha ka mid ah masaajidka
Abubar ugu sheegay dad isugu soo ururay masaajidka in
dambiyadi hore ee uu galay ay ka mayrmeen markii uu soo
galay masaajidka, wuxuuna difaacay eedaymaha sheegayay in
masaajidku yahay goob maskaxda lagaga xado dhalinyarada
Somali-Maraykanka, si ay ugu biiraan kooxda Al-shabaab.
C/rashiid
Maxamed Daahir
Garowe-Puntland
lacle1004@gmail.com
webmaster@ceegaag.com
|