Codka hal-abuurka Soomaalida oo ka furmay magaalada
Gothenburg ee dalka Sweden
(Gothenburg, Sweden, June 11, 2011
Ceegaag Online)
Bandhiggii ugu
horreeyay ee ku saabsan dhaqanka, suugaanta iyo taariikhda
Soomaalida ayaa ka furmay magaalada Gothenburg ee dalka
Sweden. Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa oo
lugu qabto magaaladda Gothenburg ayaa lugu soo bandhigay
horrumarka dhinaca afka Soomaaliga ku talowsaday.
Kulankan ayaa waxaa furay ku xigeenka duqa
magaalada Gothenburg, Thomas Martinsson oo halkaasi ka
jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay & ereyo soo
dhaweyn & dhiirigelin isu jiray isagoo markii dambena ka
codsaday in qoreyaashii Soomaalida ee kulankaasi ka
qeybgalayay in xoojiyaan kulamada noocan oo kale,
kulankii maanta uu horrudhac u yahay bandhigyada buugaagta
& dhaqanka Soomaalida, wuxuuna hdalkiisa ku soo
gabagabeeyay in maalin uun uu ku abaal sheegan doono
bulshada in uu goobjoog ka ahaa kulankii ugu ee lagu
suurtagaliyay kulamada waa weyn ee mustaqbalka dhici doona.
Sidoo kale waxaa iyagana
halkaasi maanta hadallo qiimo badan ka soo jeediyay,
guddoomiyaha xaafadda Angered, Hakan Werner, madaxa
maktabadda magaalada Gothenburg, Madeleine Bergmark &
Mirjam Onner.
C/llaahi Sh. Xussein H/Wadaag oo kamid ah
qorayaasha soomaaliyeed ee sida weyn caanka uga ah dalka
Soomaaliyeed ayaa halkaasi kaga hadlay buuggiisii ugu
dambeeyey ee uu daabaco kana hadlayey carruurta iyo
ujeedada uu qoray intaba. Waxaa uu sheegay in muhiim tahay
siddii carruuraha soomaaliyeed eek u dhalatay qurbaha ay u
heli lahaayeen fursad ay ku bartaan afkooda hooyo.
Ma aheyn dadkii halkaasi ka hadlay H/wadaag
oo keliya, waxaa ka mid ahaa qorayaashii ka hadlay Max’ed
Sh. Xassan Nuur oo ah madaxa shirkadda Scansom Publishers
ee daabacda buugaagta Soomaalida. Waxaana halkaas lagu soo
bandhigay waxaa ka mid ahaa;- buugaagta carruurta,
suugaanta, taariikhda, siyaasadda, ganacsiga, ciyaaraha,
diinta, caafimaadka, qaamuusyada, buugga codeysan.
Qoreyaashii ka qeybgalay furitaankii maanta waxaa ka mid
ahaa;-
1. Max’ed Daahir Afrax;
2. C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban”;
3. C/llaahi Sh. Xussein “Hantiwadaag”
4. Max’ed Sh. Xassan Nuur;
5. Bile Max’ed Xaashi.
Dhinaca kale waxaa munaasaddan goobjoog ka ahaa dhammaan
qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada
Gothenburg ee dalka Sweden.
1.
C/rashiid
Cali Bulay;
2.
Cabdi Xersi
Siiqe;
3.
Ruqiyo Max’ed
Xassan;
4.
Sharmaarke
Xaaji Dayib
5.
Sucdi Khaliif
6.
Feysal Axmed
Gacashe
7.
Siciido Cabdulle Guuleed.
Ugu dambeyntii Kulan oo socdey Labo cisho
ayaa waxaa la soo
gebagabeyn doonaa maanta oo bishuna tahay
11ka bishan June, sanadka 2011.
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam_calikaar@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com
|