Isbalaadhinta Ciidamada Dawlada Soomaaliya ee Muqdisha oo
ku sii sinqaya Siinay iyo Daljirka Dahsoon
(Muqdisho, June 04, 2011
Ceegaag Online)
Ciidamada Dawlada Soomaaliya ayaa
gacanta ku dhigay degmada Boondheere iyaga oo ugu awood
sheegtay maleeshiyaadka Al-shabaab dagaal culus oo aan kala
go’lahayn oo ciidamada dawladu doonayaan inay uga sifeyaan
kooxda Al-shabaab gabi ahaan caasimada Soomaaliya iyo dalka
oo dhan.
Wararku waxay inataa ku darayaan in
haatan ay degan tahay dhamaan goobihii laysku gacan saaray,
waxaa lagu soo waramayaa in la helay dad qoorta laga guray
oo aan la’aasin kuna maydfuuq baxay guryahooda.
Dadwaynaha reer Muqdisho ayaa soo
dhaweeyay guulaha ciidamada balse dagaaladan ayaa ilaa hada
aan la garanayn sababta loo xoojiyay iyada oo la doonayo in
doorasho laga qabto dalka iyada oo dawlada iyo
baarlamaankuba diidan yihiin doorashadaa.
Daawo Sawirada
webmaster@ceegaag.com
|