Jasiirada Suqadara: sidii walaalaha
wax isu siiya, sidii cadowgana u xisaabtama.
(U.A.E, June 27, 2011
Ceegaag Online)
Mahad iyo
amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka,
naxariis iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka
Allaah iyo Ahalkiisa iyo Asxaabtiisa iyo mid kasta oo maray
jidkiisii oo ku hadaysmay hanuunkiisa ilaa iyo maalinta
qiyaamaha,Intaas ka dib:
Waxan dhowaan
ka aqriyay qaar boggaga internetka, qoraal aad u xiisa
badnaa oo uu cinwaankiisu ahaa: “Suqadara ku qabso ku
qadi maysid ee!!!!”, runtii qoraalkaasu aad buu u xiisa
badnaa, wax badan oo xaqiiqooyin ahna waa inagu
baraarujinaayay qoraagu khayr Allaah ha siiyee, wax badan oo
qoraalkaa ku soo aroorayna aad baan ugu raacsanahay qoraaga,
hase yeeshee, laba arimood oo qoraalkiisa ku yimi aad
Baan ugu
khilaafsanahay walaalkay, waana tan igu kaliftay in aan
qoraalkan soo diyaariyo, tan hore waa arin uu doodiisa ku
dhisaayay oo inagu tusaalaynaayay, isaga oo leh: war yaynaan
sidaan khaladkaa hore u galay, u gelin khaladkan dambe, oo
aynaan weliba ka gelin markan dowlad muslim ah oo carbeed,
oo aynu walaalo nahay, oo ay inaga dhexayso dhiig, dhalasho
iyo taariikh dheer oo xidhiidh soo jireen ahi,
Dad badan oo
inaga mid ah iyo weliba qaxooti kumanaan gaadhayaana, ay ku
sugan yihiin dalkaas, dad badan oo iyaga ahina ay ku nool
yihiin dalkeena, arintan khaladka ah ee hore u dhacday ee uu
tilmaamayo qoraaguna waa dagaalkii 1977kii, ee aynu ku
doonaynay in aan ku xorayno Soomaali galbeed!!! Arinta
labaadna ee aan ku khilaafsanahayna waa arinta asaaska u
ahayd qoraalkiisa, oo aan runtii aad uga
Xumaaday
cinwaanka uu siiyay, waayo wuxuu inaga dhigay ummad xaqq
daro u badheedhay, iyada oo aniga arintu sidaa aad iigala
duwantahay, waana arinta jasiirada Suqadara oo ay DKFMS ku
sheegtay xogtii badeena ee ay u gudbisay Qaramada midoobay,
hadaba sadaradan soo socda waxaan ku cabirayaa aragtida aan
ka qabo labadaa arimood ee ku yimi qoraalkii walaalkeen, ee
aan soo xusnay.
Dagaalkii
1977 ma khalad taariikhi ah, oo aan galay buu ahaa?!!
Iyada oo sida
aynu ka war hayno ay gumaystayaashii reer galbeedku inaga
galeen jariimad wayn oo fool xun, markii ay inaga oo ah
qoomiyad keli ah oo isku isir, af, midab iyo diinba ah, ay
inoo kala qaybiyeen shan meelood, ka dib markii aan ku
guulaysanay in laba qaybood xoriyadii ka qaataan gumaystihii,
midoobeena, waxaynu balan ku qaadnay in aynaan halganka
damin ilaa aan ka xoraynayno, saddexda
Qaybood ee
inaga maqan, awoowayaasheen waxay astaan taas muujinaysa
inoogu samayeen calank, waxayna inoogu qoreen distoorka oo
ay ku cadayeen xoraynta qaybaha ka maqan dhulka hooyo, isku
boorinta soo celinta dhulka maqan waxay ahayd arin joogta
ah, jiilba jiilka ka dambeeya buu ugu dardaarmi jiray,
ubadka yar yar baa lagu barbaarin jiray himiladaa sharciga
ah, dowladihii kacaanka ka
Horeeyay
waqtigoodii in kasta oo ay habacsanaan badani jirtay, hadana
way isku dayeen in ay himiladaa sharciga ku dhaqaaqaan, hase
yeeshee wax la taaban karo kamay gaadhin, waxanaba luntay
waqtigoodii qadiyadii NFD, hadaba markii dowladii kacaanku
taladii dalka la wareegtay, ayay qadiyadii dhulka maqan dib
boodhka uga jafeen, oo ay dardar hor leh iyo firfircooni
geliyeen himiladii ummada, waxayna
Ku
guulaysteen in ay jabuuti xornima qaadato, ka dibna markii
si fiican dhinac walba looga diyaar garoobay, ayay dowladii
kacaanku ku talaabsatay oo u tafaxaydatay, in ay fuliyaan
himila kale oo ka mid ah himilooyinkii ummada, waana
xoraynta Soomaali galbeed, sidaas ayuuna ku bilaabmay
dagaalkii 77 ee ina dhex maray inaga iyo cadawga Xabashida,
sidaan soo xusay dagaalkaasu ma uu ahayn mid layska
Galay ee
wuxuu ahaa mid si fiican dhinac kasta loogaga diyaar
garoobay, lana fuliyay waqtigii ugu haboonaa, waxaynuna ka
gaadhnay guul aad u balaadhan, iyada oo aynu ku xoraynay
dhamaan dhulkii Soomaali galbeed ee maqnaa, hase yeeshee
guushaa ka dib waxa dhacay arimo aan qorshaha inoogu jirin
oo aan marna xisaabta lagu darsan! Dowladii Ruushka oo
xidhiidh aad u wanaagsani inaga dhexeeyay,
Ayaa mar
qudha dhabarka idiin soo jeedinaysa, oo taageero xoogan oo
dhinac kasta leh Xabashida isla barbar taagi, bal gaashaan
buurtii waarso oo guuraysa baa dagaal fool ka fool ah idinku
soo qaadaysa, ama gaashaan buurtii waarso iyo gaashaan
buurtii naato, oo ay colaad aad u darani ka dhexaysay, baa
ku heshiinaaya in ciidamada Soomaalida xoog lagaga saaro
dhulka Soomaali galbeed, waana heshiiskii ugu
Horeeyay ee
ay isla gaadhaan labada gaashaan buurood mudo sodon sanadood
ah, ma ahayn wax qorshaha iyo xisaabta toona lagu darsaday!!!
Waayo ragii waqtigaa kacaanka hogaaminaayay uma lahayn aqoon
in gaalnimadu ay milad keli ah ay tahay!!! Hadaba taageerada
uu shisheeyuhu siiyay oo isla barbar taagay Xabashida, in
kasta oo dhulkii aynu qabsanay laynaga soo saaray, hadana ma
ay ahayn mid lagama
Soo
waaqsadaan ah, bal isla markiiba qorsha kale ayaa loo
dejiyay, halgankeeniina sidaas iskuma taagin ee halkiisii
buu ka sii socday, hase yeeshee waxay ahayd tan ugu darayd
ee xidida inoo siibtay burburka aynu maanta ku jirona inoo
horseeday, oo hadaanay dhici lahayn, kuwaas hore oo dhan
laga soo kaban lahaa, waa in aan cidina ku tala gelin oo
xisaabta ku darsan, in xorayntii Jabuuti, ee aynu naf iyo
maalba u
Huray, ay
inoo horseeday musiibo aad u wayn, oo dhabarka inaga jebisay,
xididana inoo siibtay, run ahaantii burburka ina gaadhay ee
aynu ilaa maanta maaraha u la’nahay, waa tan aynu ka
dheefnay xorayntii Jabuuti!!! Waayo markay Jabuuti xornimada
qaadatay oo goonida isu taagtay, waxay ku abuurtay
qabiilooyinkii kale qaar, dareen ah, in qabiilka Ciise
yeeshay dowlad u gaar ah, marka maxaa
Anana noo
diiday in aan yeelano dowlad noo gaar ah, sidaa Ciisaha,
taasu waxay keentay in in badan oo dadkii Soomaali galbeed
ahi ka soo horjeesteen halgankii, iyaga oo diidan in ay
Soomaaliya ka mid noqdaan, waxaanayba u arkeen ciidamadii
Soomaalida in ay yihiin kuwa doonaaya in ay gumaystaan!!!
Waxa xusid mudan in ciidamadii qaranka Soomaaliyeed boqolkii
konton iyo ka badaniba ka soo jeedeen
Soomaali
galbeed! Waana tan keentay in qabiil ka mid ah qabiilooyinka
dega gobolada woqooyi, uu samaysto jabhada la yidhaahdo SNM
oo la dagaalantay ciidamadii qaranka iyo qabiilooyinkii
kaleba, ee ay wada degaan gobolada woqooyi ee jamhuuriyada,
iyaga oo ku andacoonaaya in ay gooni isaga taagyaan
Soomaalida inteeda kale, waxayna u galeen cadawgii Xabashida,
oo halkaa ka soo hagay
Wadankoodii,
qabiilooyinkii kale ee jamhuuriyada Soomaaliyana, qolo
waliba waxay ku dooday in ay iyagu mudan yihiin in ay
xukumaan Soomaaliya, dhamaan waxa loo wada dareeray xagaa
iyo cadawgii Xabashida, si ay ugu soo taageeraan fikirkood
guracan, dhamaana dalkoodii bay dhabarka ka soo wada
wareemeen, ilaa aynu gaadhnay xaalada aan maanta ku
suganahay, waxaas oo dhami maxay ku dhaceen,
Waa hinaase
Ciise ayaa dowlad yeeshay!!! Waxaanay se Soomaalidu is
waydiin horta Jabuuti si dhab ah ma u xorowday?!! Runtiina
waa maya, oo jabuuti markii uu gumaystuhu arkay in xoriyada
Jabuuti ay tahay waxaan laga fursan doonin, wuxuu ku
wareejiyay ragii isaga weligoodba daba dhilfka u ahaa, ee uu
ka hor gayn jiray halgamayaasha wadaniyiinta ah, si xoriyadu
u noqoto mid uun magac u yaal ah, laakiin
Uu
maamulkiisii uga sii jiro si aan toos ahayn, waxana maamulka
laga fogeeyay dadkii wadaniyiinta ahaa ee xoriyada u soo
halgamay, sidaas darteed xukuumadii Xasan Guuleed ee
waqtigaasu, waxay si aan toos ahayn uga qayb qaadatay
burburinta qaranimadii Soomaaliya, iyadoo dhiiri gelin
jirtay, oo shacabka ku kicin jirtay dowladii Soomaaliyeed,
taas oo keentay in Soomaalidii sidii tusbax dabada laga
furay ugu
Hayaamaan
cadawgii Xabashida, halkaana dhamaan looga soo dhiibay
shirqoolkii wadankeena iyo qaranimadeenii lagu dumiyay,
marka aan mowduuca ku soo noqdee, ceebtu ma ay ahayn in aynu
galo dagaalkii 77, ee bal taasu waxay ahayd fulin la oofiyay
himiladeenii iyo rabitaankii sharciga ahaa ee dhamaan
shacabkeena, mana ahayn awoodii ciidan ee Ruushka iyo
xulufadiisu inagaga saareen Soomaali
Galbeed tan
dhabarka inaga jebisay, waayo isla markiiba waxaynu ka
bilaabnay dhulkii Soomaali galbeed qorsha kale oo jabhadayn
ah, waxaana shaki ku jirin in hadii ummada Soomaaliyeed
maalinta qorshahaa kula shaqayn lahayd dowladii kacaanka, oo
ay dhabar adaygi lahaayeen, oo aanay u kala dheerayn lahayn
hoos ka gelista cadawgooda, maanta in ay ku naaloon
lahaayeen Soomaali galbeed xoriyad buuxda, siday
Ereterea
maanta ugu naaloonayso xoriyad, cis iyo karaamo, waayo waxay
ka faa’iidaysteen qorshihii la midka ahaa, ee dowladii
Soomaaliyeed ku taageeraysay halgankii Ereterea. Hadaba
maanta maxay Soomaalidu ka dheefeen hinaasahoodii caqli
xumada iyo xasadka ku salaysnaa?!!! Waxay ka dheefeen
cadawgu hortiinana waa joogaa, gadaalkiinana waa joogaa iyo
burbur taariikhi ah!!! Soomaali galbeed
Waxay isku
dayeen in ay dhulkoodii xoraystaan, markii dowladii
Soomaaliyeed burburtay iyagooba is leh belaa Allaah idinka
kor qaaday, ka dib halgan dheer, iyadoo cadowgii Xabashidu
hor iyo gadaalba ka xigo, oo aanay lahayn meel ay ku hirtaan
ama ku tiirsan yihiin, ka dib halgan dheer oo sababay xasuuq,
barakac, burbur iyo darxumo oo dhan, oo ay wax kasta ku
waayeen, Hargaysa haday u eertaan Xabashi
Baa kaga
horaysa, oo iyaga oo katiinadaysan baa loo soo dhiibayaa
Xabashida, haday Garowe ama Bosaaso ku eertaan waa sidoo
kale, haday koonfur ku eertaan waa si la mid ah, ugu
dambayntii waa kuwaa badankood dib isugu wada dhiibay
cadawgoodii shuruud la’aan!!! Dhinaca woqooyi galbeed, waa
kuwii dalkoodii hooyo iyo dowladoodiiba dhabarka ka wareemay,
waa kuwaa labatanka sanadood isku
Maaweelinayaa
hadalada aan garta ahayn, garowshiinaya aanay ku helayn,
dowlad baan nahay, qaran baan nahay, ictiraaf baa soo dhow,
ictiraafkii la waa, Taywaan oo kale ayaan noqonaynaa!!
Cadawguna uu siduu doono wuxuu doonaayo uga fushanaayo
dhinac kasta, qorshaha waqtiga dheer ee uu la maagan yahayna
war
kama hayaan, cadawga keli ah ee ay iska eegayaana waa
Soomaali!!! Koonfur waadigaa u
Jeeda
dulinimada iyo darxumada ay ku sugan yihiin, ee aanayba weli
dareensanayn, bal wixii gaadhsiiyay dulinimaadaas bay weli
ku socdaan, waa kaa cadawgu maalinba koox iyaga ka mid ah
farta ugu fiiqaayo, oo uga dhigaayo cadawgooda, aanayna
marna garan karayn war waxa laysku dhamaynayaa waa idinka,
yaa dalkan u hadhaaya!!! Dhab ahaantii waxaynu galay khalad
caqli xuma ah kii ugu waynaa
Ee ay ummadi
abid gasho, waa khalad taariikhi ah, Jabuutina ma taagnaan
doonto, burburkeeduna waa mid uun saacado keli ah qaadanaaya,
hase yeeshee weli waxa lagaga mashquulsan yahay, oo weliba
loogu baahan yahay taageeradooda, inta raqda wayn lagu kala
tegaayo waa Soomaaliya ee. Run ahaantii waxaynu ku sifaysan
nahay hadalka uu had iyo jeer yidhaahdo Prof. Axmed Siciid
Samatar, waana hadalka ah: “Somaaliyi waa ummad saaqiday!!”,
waa run waxaynu nahay ummad saaqiday aduunka iyo aakhiroba,
waa erayga ugu yar ee lagu sifayn karo xumaanteena.
Jasiirada
Suqadara: sida walaalaha wax isu siiya, sida cadawgana u
xisaabtama.
Jasiirada
Suqadara waxay ku taalaa goob aad u staratiiji ah, waxaana
ay kulmisaa saddex badood, oo kala ah bada carabta, bada cas
iyo bad waynta hindiya, waxay u jirtaa xeebaha Soomaaliya
240km, sidoo kale waxay u jirtaa xeebaha Yaman 480km, waxay
ka kooban tahay Suqadara jasiirad wayn iyo dhowr jasiiradood
oo yar yar, jasiirada wayni waxay dhan tahay 3650km oo isku
wareeg ah, shacabka ku dhaqan waxaa lagu qiyaasaa 100, 000
oo qof, Suqadara waxaa maamusha dowlad Yaman, hase yeeshee
Suqadara
Juqraafi
ahaan waxay raacsan tahay Soomaaliya, waxaana jira taariikho
sheegaaya in gumaystayaashii ka hor ay ka talin jireen
boqoro Soomaaliyeed, dadka tirade yar ee ku nool jasiiradaa
maaha kuwa asalkoodu ka soo jeedo Yaman, in kasta oo afka
lagaga hadlaa jasiirada uu afka carabiga yahay, bal waa
qoomiyado kala gedisan oo halka isugu yimi, oo isku dhal
dhalay, oo ay xataa Soomaaliyi ku jiraan, jasiiradan waxaa
Gumaysan
jiray Ingriiskii, wuxuuna ku wareejiyay Yaman tii koonfureed
markay xornimada ka qaadatay sanadkii 1967kii, iyada oo
ahayd inuu inaga inagu wareejiyo, waayo jasiiradu sidaan soo
xusnay juqraafi ahaan iyo taariikh ahaanba Soomaaliya ayay
raacsan tahay, hase yeeshee Ingriisku siduu dhulkeenii
kaleba ugu wareejiyay Kenya iyo Itoobiya ayuu tana ugu
wareejiyay dowladii cusbayd ee Yaman,
Arintanu waa
mid muujinaysa colaada uu Ingriisku u qabay ummada
Soomaaliyeed, dhinac walba dab ayuu inagaga shiday, aan
weligiis damayn, taariikhdaasu waa markii ugu horaysay oo ay
Yamani jasiiradaa xukumto, waqtigaa wixii ka horeeyay, ma
jiro wax muujinaaya in Yamani xukumtay jasiiradaas
Hadaba dalka
Yaman oo ay walaaltinimo islaam, carbeed, dhalasho, dhiig
iyo xidhiidh wanaagsan oo soo jireen ahi inaga dhexeeyo,
waxa dalkeena ku nool dad badan oo asal ahaan dalkaas ka soo
jeeda, dhamaantood waxaan waqti dheer u aqoonsanay in ay
yihiin muwaadiniin Soomaali ah, xaqqa aan wadankeena ku
leenahay, mid la mid ah bay iyaguna ku leeyihiin, wax walba
waynu ka siman nahay,
Hase yeeshee
dhinaca ka soo horjeeda dalka Yaman waxaa ku nool dad asal
ahaan Soomaaliya ka soo jeeda, oo qaarkood ilaa afar shan
jiil halkaa isku dhalay, dadkaasu ilaa iyo waqtigaa sidaas u
dheer waxay wadankaas ka yihiin shisheeye, aan wax xuquuqa
ah ku lahayn dalkaas!! Ka dib burburkii inagu dhacay iyo
dagaalada sokeeye ee wadankeena ka jiray awgiis, waxaa
wadankaas u qaxay qaxooti badan oo
Soomali ah,
siday wadama badan oo aduunka ka mid ahba ugu qaxeen,
qaxootigaasu waxay kala kulmeen Yaman dhibo aad u waawayn,
kumanaan ayaa bada lagu daadiyay oo ku haligmay, oo ay
dowlada Yaman masuul ka tahay, waayo iyada oo ay ka war
hayaan in dadkanu dhib ka soo cararayaan, ayay ku adkaysay
soo gelitaankooda dalkaas, taas oo keentay in budh cadii
doonyaha lahayd bada ku daadiyaan, intii
Nasiibka u
yeelatay in ay galaan dalkaasna in kasta oo uu yahay dalka
keli ah ee carbeed, ee qaxooti Soomaaliyeed ku haya
wadankiisa, hadana kuma haystaan daryeel wanaagsan iyo
ixtiraam toona, iyada oo weliba ay aduunka kaga hesho Yamani
dhaqaale aan la yaraysan Karin, mudadaa aynu burburka ku
jiray Yamani inooma gaysan wax gacan qabasha ah iyo taageero
toona, dhinac kasta ha ahaatee.
Hadaba xikmad
carbeed baa tidhaahda: “sida walaalaha wax isu siiya, sida
cadawgana u xisaabtama”, hadalkan waxa looga jeedaa in
walaaluhu isu samafalaan oo is taageeraan, hase yeeshee,
taas macnaheedu maaha in aydaan waxba kala lahaan, oo aad
wax walba wadaagtaan, bal ruux kasta waxa uu goonidiisa u
leeyahay waa in ay cadaan yihiin oo muuqdaan. Hadaba
ummadaha walaalaha ahi wax badan bay is
Taraan, oo
isa siiyaan marka laga reebo dhulka, dhulku
kama mid aha
waxyaabaha ay ummaduhu isa siiyaan. Hadaba jasiiradaas
Suqadara oo ay maanta xukumto dowlada Yaman, Juqraafi ahaan
se ka tirsan dhulkeena, waxay muhiim lagama maarmaan ah u
tahay amnigeena, dagaalkii 77 markii aynu Ruushka ka
caydhinay dalkeena, wuxuu inoo soo fadhiistay Suqadara, oo
ay dowladii Yaman ta Koonfureed, ee
Shuuciga
ahayd ka siisay qaaciidad, siyaasadu malaha walaalnimo iyo
saaxiibtinimo joogta ah, dalka aad maanta saaxiibka tihiin,
beritoo cadaw baad noqon kartaan, haday maslaxadihiinu iska
hor yimaadaan, Suqadara waxay muhiim u tahay dhaqaaleheena,
hadana dowlada Yaman waxay ku goosatay jasiiradaa qayb wayn
oo badeena ka mid ah. Ma dhicin in dowladihii kala dambayay
ee Soomaaliya ay midina si
Cad u
dalbatay Jasiiradaa, laga yaabee in ay kala yeesheen dowlada
Yaman wada hadala hoose, waxa se arintan ku dhiiratay oo
dalbatay jasiiradan dowladii Cumar Cabdi Rashiid, iyadoo oo
taas ku cadaysay xogtii badeena ee ay u gudbisay Qaramada
Midoobay, mana ay dhicin arintanu waqtigii khilaafka Cumar
Cabdi Rashiid iyo Shiikh Shariif ee kala guurka ahayd, ee
bal taas in door ah ayay ka horaysay, waana
Lagu sheegay
arintan warbaahinta Soomaalida maalmahaas, waxa se laga
yaabaa walaalkeen qoraaga qoraalkaasu in aanu maalmahaas la
socon warbaahinta Soomaalida, tan uu yidhi maxay DFKM
ashuunka ugu adimaysaa oo ay arintan u qarinaysaa, aniga
iima muuqato waxay arintan ka sii wad wado DFKM, waayo
aragtidoodii iyo dalabkoodiiba waxay u gudbiyeen Qaramada
Midoobay, dowlada Yamana taas
Way ka war
hayaan, sidaynu inaba uga war helay qaybta way n ee badeena
ah, ee ay dowlada Yaman dalbatay oo u gudbisay Qaramada
Midoobay dalabkeena ka hor, waxana qabaa in dalabkeenu yahay
mid sax ah oo sharci ah, yimina waqtigii ku haboonaa, waxana
laga yaabaa in sheegshada DFKM ee jasiiradaa, ay sababtay
saddex arimood mid uun: A) waxa dhacday in intii aynaan
inagu xogta badeena u
Gudbin
Qaramada Midoobay, ay dowlada Yaman u gudbisay xogtii
badooda, ayna ku sheegatay qayb balaadhan oo badeena ka mid
ah lahaansheheeda, iyaga oo aan arintaa ogaysiin dowlada
Soomaalida, marka waxa laga yaabaa in taasu kaga
cadhaysiisay DFKM, iyagoo taas ka door bidaayay, in ay
arintan marka hore labada dhinac ka wada hadlaan, oo ka
heshiiyaan, waxna la kala qaato, dabadeedna ay tanu
Tahay fal
celin ay DFKM kaga hortegayso, sheegashada Yaman. B) waxa
kale oo dhici karta in DFKM arintan iskaga maydhaysay
ceebtii iyo fadeexadii ka raacday heshiiskii khiyaamada ahaa,
ee ay la galeen dowlada
Kenya, oo ay
ummada tusayeen in ay soo celinayaan dhul inaga maqnaa. C)
tan saddexaadna waxay noqon kartaa dee in damiir iyo
caadifad wadaninimo ay markaa iskaga soo degtay oo tustay
xaqqa
Ummada ka
maqan. Si kastaba ha ahaatee, sheegashadeena Jasiirada
Suqadara waa xaqq sharci ah, waa goob aad muhiim inoogu ah
oo ku taala xuduudeena, maantana waxaa ina hortaala fursad
aad u qaali ah, oo hadii aynaan ka faa’iidaysan laga yaabo
in aanay dib inoo soo marin, waa waqti aad ugu haboon in
aynu ku dacwoono dib u soo celinta dhulkeena maqan, mar
hadii maanta ay Qaramada Midoobay dib u
Eegis ku
samaynayaan xuduudaha badaha, walaalkeen wuxuu yidhi:
“arinteena shisheeye ayaa dabada ka riixaaya”. Anigu u
malayn maayo inay sidaas tahay, bal waxay u dhacaday sidaan
soo xusay, haduuba se jiro shisheeye sidaas inagu la taliyay,
waxan leeyahay kaasu shisheeyeba maaha, ee waa in aan
sokeeye ka dhiganaa, waayo wuxuu inagu baraarujiyay
xaqqeenii, tan kale ee qoraagu ku saluugay DFKM, waa in
Aanay wax
dukumantiyo ah u haysan sheegashadan Jasiirada, taasna
waxaan u malaynayaa khaayinimo hayska jirto ee, in aanay
madaxdii DFKM ee waqtigaasu aanay u negayn aqoon, ay taas ku
garan waayaan, waxan jecelahay in ay hadalkayga ku qancaan
walaalkay qoraaga iyo inta la aragtida ahiba.
Wabillaah
atowfiiq
Essa Mohamoud
Aadam
almutawaadic@yahoo.com
webmaster@ceegaag.com
|