JASIIRADA SUQADARA: KU QABSO KU QADI MEYSIDE (Qaybtii Labaad)
(Suqadara, June 17, 2011
Ceegaag Online)
TIMIRTII HOREBA DAB LOO WAA
Waxa ay aheyd 24-October-2010, markii
Jariidada
YemenPost
soo daabacday in Dfkg ahi sheegatay lahaanshaha Jasiirada
Suqadara, Qaramada Midoobayna hordhigtay xal ka gaarida
Suqadara.
Jariidadu waxa ay xustay in ay tahay markii
ugu horeysay ee Maamul Soomaaliyeed ku hadaaqo sheegashada
Jasiirada, dhinaca kalena waxa ay cadeysay in dowladeedu ay
qoraal u gudbisay Qaramada Midoobay, kaasoo tilmaamayay
lahaanshaheeda, ayadoo cuskaneysa taariikhda iyo raadka ay
ku leedahay Suqadara.
Warbixintan marka ay qoreysay Jariidada
YemenPost, waxa ay kasoo
xigatay Ahmed Abdul Karim Saif, oo ah executive director of
the Saba Center for Strategic Studies.
Garanay mowqifka Dowlada Yamani qadiyadan
iska taagtay, su'aashu waxa ay noqoneysaa
Meeye qoladan(DfkgS) la leeyahay
waxbay sheegteen oo Qaramada Midoobay u gudbiyeen?
Maxay si waadix ah uga hadli waayeen
Qadiyadan oo sida muuqata ilaa iyo hada aan dhinacooda wax
warcad ah laga hayn?
(inta aan ka aheyn warqadan Yamaniyiintu ka hadleen)
Sow ma wacnaateen in dadkoodu ay ogyihiin
waxa ay ku doodayaan?
Maxaase daliilo ah oo ay u cuskadeen
sheegashada Suqadara?
Su'aalahaasi waa kuwa in laga jawaabo ay
mudneyd ka hor inta qolooyinka buunbuuninaya qadiyadan
Suqadara ku dhexdhicin, balse sida muuqata waa mid aan looga
runsheegeyn waxajira oo dhabta ah.
Dowlad sheeganeysa dhul ka maqan, hadana
AASHUUN KU ADIMEYSA taariikhda aduunka laguma hayo.
Waana halkuu abwaan Hadraawi ka lahaa
“INAAD SAAMO JIIDIYO
SHANQAR TIRASHO KALADAA”
Xaq umalaha DFKG ah ee Soomaaliya in sidii
tuugadii u dhaqanto, amase wax ayan kalsoonideedii laheyn la
timaado, tani waxa ay dhabarjab ku noqoneysaa danaha Dalka
iyo Dadka Soomaaliyeed, walow ayaba muuqato in cid u
diirnaxeysaaba jirin, haba ugu horeeyeen inta maanta
masuuliyadeeda sheeganaya.
Shirqoolka Dahsoon ee Suqadara:
Aan xasuustiina dib u ceshee mar walba oo
xukuumada Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya xaalad kala guur
gasho ama lagasho, u fiirso hadalkaygan, Mar walba oo
xukuumada federaalka kumeelgaarka ah la gasho
“XAALAD KALA GUUR”,dano maldahan oo lagaleeyahay ayaa jiray,
micnaha aan u jeedo waxa weeye in dad aragti dahsoon wata
marwalba abuuraan jawi cakiran si inta CAR IYO WIR
lagu jiro u fushadaan hawlahooda.
Waxaa jiri jiray dhaqan caan ka noqday dalka
Ethiopia xiligii Mingistu Haila Mariam ka talin
jiray, ciidamadiisii koofiyad casta oo ahaa kuwa argagax iyo
waali laga qaadi jiray marka ay soo muuqdaan ayaa kolka
shirqoolada fulinayaan qorshahoodu waxa uu ahaan jiray in ay
mudo bakhtiiyaan korantada magaalada oo aheyd mid 24-ta
saacadoodba shidnaanjirtay, ilaa xiligii danbe dadkii
barteen in habeenwalba oo korantada la bakhtiiyo ilaahoowba
ilbiriqsiba ha ahaatee dad ifka la dhaafsiinayo, markii
danbana sasba ay ka qaadeen koronto la dansho, AYAGOO
AAMINAY KORONTO LA DANSHO IN AY SHIRQOOL TAHAY.
Hadaba Soomaali maxay la aamini weyday in mar
walba oo dalka la gasho khaakhuul siyaasadeed in ay jiraan
qorshayaal dahsoon oo in la fushado la rabo?
Xurguftankii sababay iscasilaadii Madaxweyne
C/laahi Yusuf ayaa yimid kadib isjiidjiid u dhaxeeyay asaga,
R/wasaare Nuur Cade iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka Sh:Aadan
Madoobe, su'aashu waxaa weeye maxaa laga dhaxlay
xiliftankaas lagashay DFKG ah xiligaas?
Hadii aadan ogeyn fadqalalahaas siyaasadeed
ee lagashay wadanka waxa uu horseeday IN 31 DISEMBER 2008,
loo saxiixay wadamada reer Yurub heshiis loogu ogalaanayo in
biyaha Soomaaliya soo galaan, taasoo sababtay maanta
Maraakiibta ceegaaga biyaha Soomaaliya wax ay qabanayaana
aan la aqoon.
C/laahi Yusuf waxa uu iscasilay 29 Disember
2008, labo maalmood kadib ayaa lasaxiixay, ayada oo uusan
marin wado sharciyeedna waa la dhaqangashay heshiiskaas
xaaraanta ah, marka loo eego nidaamka wadanka u yaal.
Halkaan ka akhri heshiiskaas:
http://eur-lex.europa.eu/LexUriServ/LexUriServ.do?uri=OJ:L:2009:010:0029:0034:EN:PDF
Ka waran qorshayaasha kale ee aanan ogeyn
lagana lahaan karo iska horkeenka hay'adaha Dowlada?
Dowlada Eretereya ayaa 1995-kii markii
xornimada ay qaadatay kagadaal waxaa lagu hawlgashay in ay
bilowdo sheegashada Jasiiradaha Xaniishta Weyn iyo Xaniishta
yar ee ku yaal Badda Cas, waxa ay xoog ku qabsatay
Jasiiradahaas, tabarta Dowlad curatay markaas kudhawaad nus
qarnina xornimo u dagaalameysay, markii maalmo ay jidhay
waxa duulaan ayan TABAR U HEYN GASHAY ma isweydiisay?
1973, ayay aheyd markii Ururka Jaamacada
Carabtu ku eedeeyeen Dowlada Ethiopia oo xiligaas uu madax u
ahaa Xayle Salase in ay Jasiiradaha xiga dhinaca Eretereya
oo markaas Ethiopianku maamulayeen in ay Isra'el u
gacangasheen si ay ugu lugyeelato Badda Cas, ayadoo uga
faa'ideysaneysa dagaalkii xiligaas jiray.
Sidoo kale qabsashadii Jasiiradaha Xanishta, ayaa Dowlada
Yamani tilmaantay in ciidanka Eretereyanka ee dagaalkaa
kaqaybqaadanayay uu hawlgalinayay sarkaal sare oo Yahuuda
ah, laguna magacaabo
Lieutenant-Colonel Michael Duma.
Hawlgalkii micnodarada ahaa ee wadanka dhan lagu dagaal
gashay 1998-kii ayaa “Parmanent Court of Arbitration"
u xukuntay Jasiiradihii Xaniish,
wadanka Yemen, kooxihii danaha guracan watayna halkaas ayaa
hamigoodii ku baaba'ay.
Su'aasheydu waxa ay noqoneysaa Goormaa DFKG
ah dacwada Suqadara gudbisay?
Taariikhdan hoose indhaha ku hay:
Cumar C/rashiid waxa uu is casilay 21 September 2010.
Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa lamagacaabay 14 Oktoobar
2010.
Jariidada Yamanpost, waxa ay qoraalka daabacday 24 Oktoobar
2010.
Waxa cad in R/W Farmaajo ka horeysay
sheekadaan, Cumar C/rashiidna lama heyn xogtaan xiligiisii,
yaa hadaba u bud-dhige ah sheekadaan, YAA KALEETO, asxaabtii
wax isdaba marin jirtay.
Miyeyse kuu muuqan in xiligii kalaguurka Cumar C/Rashiid iyo
Shiikh Shariif qorshahanna la farsameystay, u badi midaas.
Mu'aamaradihii la fuliyay xiligii xiliftanka
u dhexeeyay Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweyne Shiikh Shariif
kuma ekeyn oo kaliya Qorshaha Dahsoon ee Suqadara, balse
waxaa la fushaday heshiisyadan hoose.
1: Heshiiskii Sarecen lala galay.
2: Heshiiskii Barta .SO, isla xiligaas Shirkad Japan ah laga
gaday.
Labadan heshiisba waxa ay ahaayeen kuwii soo
shaacbaxay xiligii R/W Farmaajo la wareegay xaafiiska,
anagoo xasuusan sidii la iskugu tuurtuuray markii la
isweydiiyay cidii ku lug laheyd heshiisyadan qarsoodiga ah
ee sandareerada loogu xishay.
Dib ugu laabo ama isweydii Fadeexadii Qalfoof
badeedka Soomaaliya la rabay in Kenya loogu gacangasho, waxa
ay u qaadatay mudada aadka u dheer in DFKG ah laga
dhaadhiciyo in ay u istaagto difaaca biyo badeedkeeda?.
Baaqyadii Barta Internetka Somalitalk.com ku
wacyigalineysay DFKG ah madaxdeeda in ay isu taagaan ama ka
digtoonaadaan Khiyaanada Kenya, Ururo shisheeye ama wadamo
kaleba ku rabeen in ay ku dhaxalwareejistaan Qalfoof
badeedka Soomaaliya, ma ayan aheyn kuwo kiciyay dareenka
intii huwaneyd xilka madaxnimada Soomaaliya, anagoo og
dafiraad dheer ka dib in wax walba sidii Warsidaha
Somalitalk u sheegayeen usoo shaacbaxeen.
Maansadii Deeleyda dhamaadkii
todobaatameeyadii iyo bilowgii sideetameeyadii abwaano badan
oo Soomaaliyeed ka qayb qaateen, ayaan waxaan ka xasuustaa
maanso uu ku lahaa abwaan Cabdulaahi Singub,magaceeduna ahaa
“Ha Gabado Danbiilihu” tudco ka mid ah
maansaduna waxa ay oraneysay
“CAKU DOWLADEYDAAY
DANTEEDABA MAGARATOOY
MAXAA DOONYAHAAGABA
DANEYSTUHU U RAACAA ?” C/lahi
Singub
Ilaa iyo maantadan ayaa wali la isweydiinayaa
waxa Dowladnimadii Soomaaliyeed u gacan gashay
DANEYSTAYAASHA qaranimadu uga weyntahay soor quureed
damiirkooda iyo dadnimadoodaba waxa u dhimaya, kaaga sii
darane aanba gabaneyn.
Tani waxa ay nabareysaa in Dowladii difaac
iskadaaye in ay dhaxalwareejiso rabtay qalfoofbadeedkii loo
aqoonsanaa ayan diyaar u aheyn dabagal dhul ayan raadraac u
heyn.
Caad makaa saaran yahay hadaba waxa
qorshahani yahay?
Ilama ahan, waana mid shisheeye ku lug
leeyahay, danahuna waa kuwo cad, xiliga la fushadeyna waa
xiligii kala guurka, balse Warjiraa Cakaaruu Iman.
Midna yeynaan ilaawin xiligii KALAGUURKA
HADAA lagu jiraa, R/Wasaare Farmaajo, Madaxweyne Sh:Shariif
iyo Gudoomiye Shariif Xassan, Car iyo Wirtooda fiirogaar ah
aan uwada yeelano, koleey dhawaaqyo naxdinta leh waa iman
doonaane.
Waqtigii Gumeystihii Biritishku xukumi jiray
waqooyiga Soomaaliya, ayaa nin Oday ah oo danyar ah meel
dukaan yar ku heystay, lagu wargashay in maalmaha “Holyday”-ga
uu xiro Dukaanka, dabadeedna maalin walba oo “Holyday”
ah oo uu xiro Dukaanka waa la jabsadaa, wixii yaraa oo u
yiilayna horaa loo qaataa, maalintii danbe ayuu tiriyay
gabay dheer oo dhibaatada “Holyday”-gu u geysato asaga ku
muujinayay, tix ka mid ah gabeyga ayaa oreneysay
“AYAAMAHA LA HOLIDHEYSADO,
YAAN ANIGU HOOGMAAYE”
Tii abwaankaas ayay maanta mareysaa oo
ayaamaha kalaguurka yay Soomaali gacangashay.
Waxaan u laabanayaa Suqadara iyo hadii dhawaaqyada baxaya ay
ku saleysan yihii caqli wadaninimo ama qorshuhu aheyn sas
laga qaaday khiyanadii Kenya, lana isleeyahay Yemen xaalka
uga dhig.
“Masku inta uu kugu candhuufin, Baa lagu Candhuufaa”
Taa laftigeedu makuu muuqdaa dadkii aragtida
noocaas ah xambaarsanaan lahaa?
Ilama ahan.
Lasoco Qaybta Danbe
Muxyadiin Ciid
alcarab1@yahoo.co.uk
webmaster@ceegaag.com
|