Labada Shariif ha lays raaciyo oo yaan la kala
reebin oo loo kala hiilin.
(Muqdisho, June 13, 2011
Ceegaag Online)
Mahad iyo
amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka,
naxariis iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka
Allaah iyo Ahalkiisa iyo Asxaabtiisa iyo mid kasta oo maray
jidkiisii oo ku hadaysmay hanuunkiisa ilaa iyo maalinta
qiyaamaha,Intaas ka dib:
Wax badan ayaa labadan nin wax laga qoray, oo wax laga
sheegay siyaasadahooda, shirqooladooda iyo fadeexadaha loo
soo dhiibay ee ay dalka ka gaysteen, ummada loo soo
bandhigay, in badan baa wax laga yidhi sida ay labadan nin
khatar ugu yihiin jiritaanka ummadeed ee Soomaalida,
sharafteeda ,karaamadeeda, xoriyadeeda iyo qaranimadeed,
hase yeeshee ma jirin cid baaqyadaa dheg u dhigtay, bal
xumaanta ay wadaan aad baa in badani ugu
Garab siisay, iyagoo aan marnaba ka fekerin in xumaantanu
iyaga uun dib ugu soo noqonayso, waa caado dhaqan u noqotay
shacabka Soomaaliyeed, in ay beryahan dambe baadilka indha
la’aan ku taageeraan, marka baadilku ku qarxona qaylada iyo
shalaytadu cirka isku shareerto, laakiin maxay tari qaylada
iyo shalaytadu waqtiga aan haboonayn ee aanad waxba ka qaban
Karin.
Maanta Soomaalidu waxay isku raacsan tahay 98% in
dowlad , karaamo
Sharaf iyo qaranima tooni ka dambayn dowladii Maxamed Siyaad,
hase yeeshee qofna sidaas ma lahayn maalintii la
burburinaayay qaranimada, ee dowladii kacaanka la ridaayay,
bal inta badani way ku faraxsanayd, oo ruux waliba geestiisa
ayuu ka duminaayay, marka shalaytada maanta iyo amaantu
maxay soo kordhin, wixii tegay waa tageen, faylasuuf reer
galbeed ah baa wuxuu yidhi: “ waxa ugu xun wax la qoro ama
carabku ku dhawaaqo, waa weedha ah
Hadaan sidaas yeeli lahaa”, marka is canaanshada iyo
shalaytadu waxba ma taraan marka waqtigeedu tago, hada
labadan nin ee labada shariif tan hada dhacday ee ay ku
kaceen, uguma horayn dembiyo qaran oo dalka ka galaan,
taageera badana way kaga heleen ummada, iyada oo Soomaalida
meel uun baa farta loogu fiiqaayee, uun loogu fiiqay farta
kooxaha mucaaradka ku ah labadan nin, ayay in badani waxay
uun cadaw ka dhigteen kooxaha
Mucaaradka, hase yeeshee cidiba isma waydiin xaqiiqada ay
dadkan mucaaradka ahi u dagaalamayaan, cid kasta oo Soomaali
ah, oo caaqil ah kama qarsoona in dagaalka mucaaradku uu ku
wajahan yahay labadaa nin oo keli ah, waa laba shariif ee,
marka dadka taageerayaa labadan nin waxay ka doorteen hooga
iyo halaaga maalin walba ummada ku dhacaaya, in ay
badbaadiyaan laba nin oo khaayimiin ah, dhamaan intii isku
dayday dhex dhexaadinta kamay Hadal xaqiiqada jirta ee ah, in waxa mucaaradka loo afgaran
waayay ay tahay, in aanay ogolayn in labadan nin oo ay u
arkaan in ay camiil u yihiin cadaw shisheeye ah, ay meesha
sii joogaan.
Maanta waxaad moodaa in xoogaa baraarug ahi uu
jiro xaga shacabka, wallow aan anigu u arko in uu dhinac ka
raran yahay, arimaha qaarna aad loo buun buuniyay, tan hore
dhinac buu ka raran yahay oo waxaad moodaa in labada nin loo
kala hiilinaayo, oo aad
Cadhada iyo eedaymaha oo dhan loogula dhacay Shariif Xasan,
iyada oo aan shaki ku jirin in Sheikh Shariif ka xun yahay,
oo uga khatarsan yahay dalka iyo dadkaba Shariif Xasan,
waayo Shariif Xasan waxa la odhan karaa wax badan buu ka
jaahil yahay, oo waxa uu ku soo barbaaray sida la sheegay
bii’ad ah waxa is dhaafis, khiyaano iyo si khaldan xoola u
kasbasho, waa taa xirfada keli ah ee uu yaqaanaa, waana wax
laga xumaada in ay xirfadaasu ugu
Dambaystii gaadhsiisay in uu ummad dhan madax u noqodo, hase
yeeshee maxaynu ugu cudur daari Shiikh Shariif oo lagu
tirinaayo, in uu yahay nin dhalin yar, oo aqoonyahan ah, oo
ku soo barbaaray sida la sheegay bii’ad diini ah,
shareecadana si fiican u bartay, ee hadana ku dhaqmaaya
dhaqamadaa foosha xun iyo dembiyadaa qaran iwm, labadii sano
iyo badhkii uu Shiikh Shariif madaxwaynaha ahaa, dhibta,
dagaalada, barakaca, darxumada, musuq
Maasuqa, khiyaanada qaran, nin jeclaysiga, kala qaybinta
ummada iwm ee uu ku kacay may soo marin dalka 18 sano ee ka
horeeyay, ee dalku burbursanaa, marka waxan leeyahay labadan
nin jirtaankeena ummadnimo, ayay khatar ku yihiin, ee ha
lays raaciyo, yaana debed baxyada debed iyo gudaba la joojin
ilaa inta ay labadan nin kursiga ay sida xaaraanta ah ugu
fadhiyaan ka degayaan.
Heshiiska Kambaalana laga burinaayo,
waxaan shaki ku jirin in
Madaxtinimada labada tan nin ay ummada ku tahay ihaanad,
hana laga feejignaado in mid qudha culayska la saaro, kan
kalena la ilaabo, taas waxay khatar ku tahay xoogaaga
wadaninimada ah, ee ayaamahan dambe ummada dhexdeeda laga
dareemaayay, oo in badan baa u arki inay arintu tahay
qabyaalad iyo is xulufaysi, taasuna waxay keeni cidhib xumo
dambe, ee ha lays raaciyo dabadeedna dibu u heshiisiintii
iyaga ka socon wayday dib ha loo
Bilaabo.
Tan labaadna arimaha qaar waxaad moodaa in la yara
buun buuninaayo, oo waa xaqiiqa jirta ah, in golaha
wasaarada ee uu hogaaminaayo Farmaajo, ay wax badan kaga
duwan yihiin kuwii iyaga ka horeeyay ee dalka soo maray
labaatankaa sano ee uu burbursanaa, runtii wax badan bay
qabteen, waxayna qaadeen tub la odhan karo waa tii
dowladnimo, hase yeeshee waxaa woxoodii oo dhan ba biya col
dhaanshay ka dhigaaya dagaalka ay maanta dalka
U horseedeen, maanta waxa qiiqaaya oo dab ka holcayaa dhul
badan oo iyaga ka hor nabad ahaa, dhib iyo xasuuq kii ugu
waynaa bay gaysteen ciidamadan Afrikaanka ah ee looma
ooyaanka ahi, khasaaruhu wuxuu ku dhacayaa labada dhinacba
waa Soomaali iyo shacabkii oo ku dhex dhamaaday, marka
nimankan wasiirada ah, ee hada is boox booxayaa, ee dagaalka
ku hurinayaa, ma kuwa hada hurda ka soo toosaybaa,? Oo aan
wax war ah u hayn wixii dalka
Ka dhacaayay labaatankaa sanadood ee tegay miyaa?
Miyaanay
ahayn in ay ka faa’iidaystaan wixii la soo maray? Waxan
ayaamahan maqlaynaa damaashaad iyo in dhul badan laga
qabsaday mucaaradkii, oo waa su’aal ee, sidaas xal ma ku
imanayaa? Dhibtuna ma ku dhamaanaysaa? War se ma u hayaan in
dowladii Cabdullaahi Yuusuf iyo ciidamadii Xabashida, ee ay
wateen, Muqdisho iyo dhamaan gobolada koonfureed oo dhan
wada qabsadeen,
Dagaalku sidaas ma ku joogsaday oo xal mala gaadhay
maalintaas? Waxa laysku halaynayaa soo maaha ciidamadaa
looma ooyaanka ah ee shisheeyaha ah? Ma ka war hayaan
meeshii ay ciidamadii Xabashidu ay kaga tageen dowladii
Cabdullaahi Yuusuf? Mayt se maxaa u dambayay baa la yidhi,
markaas baa la yidhi kaas la sii sido, marka golaha
wasiirada iyo ra’iisal wasaaruhu ma ku baraarugayaan wixii
shalay ka dhacay Kambala?
Markay
Dowlada ugaandha beeshii caalamka iyo Soomaalidiiba sandule
kaga dhigtay in la qaato heshiiskaa baadilka ah, ee
gumaysiga laynagu gelinaayo? Waayo hadii kale ciidamadeed
ayay meesha kala baxaysaa!!! Ummad yahay maxaynu isu
dulaynaynaa, maxaynu inagu isugu muuqnaa, oo aan isaga indha
tiraynaa cadawgeena, dagaalkan laynagu wado hal iyo awr
toona kuma lihin, oo shisheeyaa loogu adeegayaa, dadkeena
iyo dhalinteenana ayaa lagu
Dhamaynayaa, sidaas darted waa in aynu baraarugaa, oo
dareenaa khasaaraha iyo dulinimada aan ku suganahay, waynagu
filan tahay labaatan sanadood baynu dagaal ku jiray, oo
kooxa kala raacaynay, maxaan ka dheefnay oo aan khasaare iyo
darxumo ahayn. Aniga waxay iigu muuqataa in aynu ka
takhalusno labadan nin ee nabada hor taagan, waa wax aan
dhacayn inta ay kuraasta ku fadhiyaan labada shariif in
nabad la helo, aayeheenuna meel xun uun buu
Ku dambayn, taas dabadeedna dib u heshiisiin dib loo bilaabo,
yaynaan laba nin oo iyagu uun danaysanaayaan, iyo shisheeye
ku sii dayn aayeheena, ciidamadan shisheeye ee looma
ooyaanka ahi waxay ku yeelaan maaha ee waxba kuguma soo
kordhinayaan, nimaan kuu furi doonina yaanu kuu rarin. Is
cadaawadaysiga dhexdeena ah ha la joojiyo, taas cadaw uun
baa loogu adeegayaa ee, Soomaaliya Soomaali baa leh, Allaah
haydin garadsiiyo.
Wabillaahi atowfiiq
Essa Mohamoud Aadam
almutawaadic@yahoo.com
webmaster@ceegaag.com
|