Mu'tamarkii 3-aad ee Denmark oo lagu soo af meeray Århus.
(Arhus, Denmark, June 27, 2011
Ceegaag Online)
Waxaa lagu soo af jaray
magaalada Århus oo caasimadda 2-aad dalka
Denmark
shirwaynihii 3-aad ee
Denmark oo ay kasoo
qaybgaleen mashaa'ikh iyo culumo waawayn oo maahir ku ah
diinta Islaamka.
Waxaana muxaadareeyey
culumaa'udiin fara badan oo ay ka mid yihiin Sheekh Yaasiin
Barqadle (Barkhadle) oo jeediyay muxaadaro uu inwaankeedu
ahaa ''U SAMAFALKA IYO U BAARRI AHAANSHAHA WAALIDKA''.
Sheekh C/Raxmaan Barkhad Good ayaa isna wax badan
taxliiliyay mowduuc ku saleysnaa ''HAGAAJINTA XIRIIRKA EEBBE''
isagoo ka digey in la noqdo sida dadka indho ku
garaadlayaasha ah ee rumeeya uun wixii ay shaybaar ku arkaan
iyo mid kale oo uu magaceedu ahaa ''ISLAAMKU WAA NABAD'' oo
uu ku sheegay in la ogaado in islaamku aanu dooqa 1-aad ka
dhigeynin dagaal iyo gacan ka hadal jeer ay dani ka fursan
waydo mooyee iyo in aan waxyaabaha qaarkood la muhiimad
dhaafinin balse la fahmo sida ay waxyaabuhu u kala mudan
yihiin 'Fiqhul uuluwiyaat''.
Waxaa isna hadlay Sheekh
Maxamed Dayib oo soo qaatay mowduuuc ku salaysan ''FAHAMKA
HAB-FAAFINTA DACWADA ISLAAMKA'' ama 'Fiqhu dacwa' isagoo
hoosta ka xariiqay sida loogu baahan yahay in la casriyeeyo
wadooqiiyinka loo kaashado faafinta diinta Islaamka sida in
wax badan la adeegsado warbaahinta (Mass media) oo uu ku
tilmaamay kuwo muhim u ah in dadka laga dhaadhiciyo wanaaga
islaamka oo ah diinta kaliyee xaqa ah.
Waxaa markiisa qaatay Sheekh Cismaan Usuuli oo ku
tuuntuunsaday ''MUHIIMADDA UU WADATASHIGU U LEEYAHAY
ISLAAMKA'' isagoo soo qaatay aayaadka qur'aanka ah ee
tilmaamaya in ALLE uu awood u leeyahay inuu caalamka oo idil
ka dhigo caabidiin wada hogaansan laakiin ay xikmadi kujirto
kala duwanaanshaha, sidaa darteedna loo baahan yahay in mar
kasta xisaabta lagu darsado inaan khilaaf dhamaaneynin
laakiin xalintiisu ay hadba ku xiran tahay sida aad ula
dhaqanto is mari waaga taagan ''Marka aad dhibka taagan
xalineyso, ha isku dayin kaliya inaad guuleysato, balse isku
day oo wax kasta u hur xalintiisa'' ayuu yiri Sheekh Usuuli
oo sidoo kale soo jeedshey in la bedelo hanaanka ay
Soomaalidu caadaysatey inta badan oo ah in qofka wax ka
khaldan yihiin si shakhsi ah loo weeraro ee aan laga
hadlinba waxa laysku hayo.
Sheekh Usuuli ayaa sidoo
kale mowduuc xasaasi ah oo hal kudhegiisu yahay ''QOYSKA
MUSLIMKA AH IYO QURBAHA'' aad uga hadlay dhaqamada cusub ee
xaaraanta ah ee ay soo kordhiyeen qaar ka tirsan qoysaska
Soomaaliyeed ee qurbaha sida waxa loo yaqaano kala
noolaanshaha (Separation) oo uu sheegay inay dadku u
bareerayaan xaaraam qadcan ah oo aan meel ku lahayn
dhaqankeena islaamiga ah, isagoo usoo jeediyay lamaanaha
Soomaaliyeed inaysan kala dhuumanin balse ay isku dhuuntaan
oo uu qofba qofka kale asturo sirtana ku qarsado.
Sheekha ayaa khilaafyada ka
dhex oogan qoysaska Soomaalida ku tilmaamay mid sidoo kale
dabaqi ah oo ay isku maan diimaan dadka ku kala nool miyiga
iyo magaalada oo kala sita dhaqamo degaaneed kala duwan
wuxuuna soo qaatay sheeko dadkii madasha joogey ka qoslisey
balse aad waaqici u ah.
''Nin bay qir iyo qir kala
istaageen isaga iyo qaalidii uu qabey markaasaa lagu soo
baxay, deeto wuxuu yiri ''4 walxaato hadii aysan iga daynin
ma wada noolaan karno'' markaasaa lagu yiri ''Bal sheeg'' 1-
Wuxuu yiri ''Xaaskaygu xabiibi ayay i tiraahdaaye, ha iga
dayso xabiib waa nabigiiye (CSW) 2- Wuxuu yiri ''Way i
dhunkataaye, ha iga dhaafto anigu musxaf (Kitaab) maahiye''
3- Wuxuu yiri ''Marka ay Raashinka ii keentana gacanta ayay
ila gashataa oo way ila wadaagtaa, balse anigu nin wayn oo
waxgarad ah baan ahaye ha sugto anigaa usoo hambeynayee''
iyo 4- Wuxuu yiri ''Marka aynu gogosha tagno ayay gacmaha
ila soo gashaa balse diyaar baan ula ahay wixii Alle iga
keenee, gacmaha ha iga dayso''.
Waxaa muxaadaro qaali ah
kulanka ka jeediyay Sheekh Maxamed Sheekh Ibraahim ''Kenyaawi''
oo dul istaagey mowduuc uu ugu wanqalay ''KA SHAQAYNTA DANTA
GUUD'' isagoo is barbardhig ku sameeyey hab dhaqanka ay
diinta islaamku farayso madaxda islaamka iyo kuwa maanta iyo
qaabka ay u dhaqmaan oo kaaf iyo kala dheeri ah marka loo
eego sunada islaamka. ''Waxaa cadaab inoogu filan
joogitaanka qurbaha oo ka dhashay kala irdhoowgii iyo la
coleytankii walaalihii kale ee Soomaaliyeed'' ayuu Yiri
Sheekh Kenyaawi oo intaa raacshey in aakhirana la hubo in
qofkii cuqdad, xiqdi iyo xasad walaal la dhintaa aanu janno
urineynin maalinta dambe, kala taga iyo kala orodkana uu
sabab u yahay fikirkeena fardiga ah.
Sheekh Kenyaawi ayaa
madasha ka jeediyay muxaadaro kale oo loogu magac daray ''QIIMAHA
WAQTIGA IYO NOLOSHA WAQTIGA'' oo uu dadka kula booriyay in
lagu dadaalo ka faa'iideysiga waqtiga ''War hooy yaan sun la
beeranin'' ayuu ku celceliyay isagoo dabcan tixraacayay
dadka waqtiyadooda qaaliga ah ku lunsha fadhi ku dirirka,
cawaysyada iwm isagoo dhalinta Soomaaliyeed ku dhaliilay wax
soo saar iyo laxa-jecla la'aan dhanka waqtiga ah ''Habeenkiina
way soo jeedaan, maalintiina way hurdaan'' ayuu yiri sheekhu.
Kulankan oo sanadle ah ayaa
sanadkii 3-aad oo xiriir ah ka qabsoomay magaalada Århus ee
caasimada 2-aad ee dalkan Denmark iyadoo lagu balamay in
halkiisa laga sii amba qaado sanadka soo aadan xilliga
kuleylaha hadii uu Alle ka dhigo.
Waxaa soo
diyaariyay: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto - Koronto:
maxaaji@gmail.com
Århus, Denmark
webmaster@ceegaag.com
|