Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo maanta kormeeray fariisimaha
ciidamada Dowladda FKMG ee degmooyinka Hodon iyo
Boondheere.
(Muqdisho, June 07, 2011
Ceegaag Online)
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya ayaa
maanta kormeeray jiidaha hore ee degaalka ee fariisimaha u
ah ciidamada Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed,
gaar ahaana goobihii ay dhowaantan kala wareegeen kooxaha
dowladda ka horjeeda ee degmooyinka Hodon iyo Boondheere.
Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ku wehlinayay kormeerkan
guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Maxamuud Axmed Nuur
Tarzan, Agaasimaha Xafiiska R/wasaaraha Mudane Abuukar
Daahir Cismaan (Baalle), wefdi xildhibaano Kenyati ah oo uu
hogaaminayay Mudane Ilyaas Barre Shiil, iyo saraakiil isugu
jirtay kuwa xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Nabad
illaalinta ee AMISOM.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay degmada
Boondheere oo ay dhowaan si buuxda gacan ku heynteeda ula
wareegeen ciidamada Xooga dalka, wuxuuna tegay dhufeysyada
hore ee ay ciidamadu ku sugan yihiin isagoo guddoonsiiyay
xoolo nool oo isugu jiray Neefaf geel iyo Lo’ ah, wuxuuna
ugu hambalyeeyey geesinimada iyo howlkarnimada iyo weliba
gudashada waajibaadkooda Qaran ee xoreynta dalka iyo dadka.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu socod ku soo dhex maray xarunta
degmada Boondheere halkaasoo ugu dambeyntiina uu kula hadlay
boqolaal dadka reer Boondheere ah isagoo ugu hambalyeeyay
sida ay gacanta ugu siiyeen shacabku ciidanka xooga dalka
Soomaaliyeed guulaha ay ka gaareen caddowgii mudada ku
sugnaa degmadan Boondheere.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale, booqday xaafada
African Village oo ka mid ah goobihii ay dhowaantan la
wareegeen ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna
halkaasi ugu balan qaaday in Xukuumadiisu ay muhiimada
koowaad siin doonto daryeelka iyo nafaqeynta ciidanka Xooga
dalka Soomaaliyeed oo naftooda u huray har iyo habeena u
taagan difaaca dalka.
Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia
webmaster@ceegaag.com
|