Shirkii ugu
horooyay ee Jaaliyada Soomaalida reer
Boston oo ku qabsoomay masjid
jaamac wayn ee
magaalada.
(Boston, June 20, 2011
Ceegaag Online)
Waxaa
maanta ka dhacay masjid jaamaca wayn ee magaalada Boston
shir ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada.
Shirkan ayaa lagu gorfeeyay sidii ay jaaliyada Soomaalida ee
reer Boston meel uga soo wada jeesan lahaayeen cid ala iyo
cidii doonasa inay carqaladeeso amaanka guud ee wadanka
Mareekanka siiba kan gobolka Massachusetts.
Shirkan ayaa waxaa warbixin siiyay dadwaynaha gudi loo
xilsaaray inay jaaliyada u matalaan wadahadalada lala galayo
dhamaan qaybaha bulshada siiba Amaanka iyo Siyaasada.
Gudigaa oo soo bandhigay waxqabadkoodii mudadii sadexda
sitimaan ah ee ay dhisnaayeen iyada oo Jaaliyadu isku
raacday inay gudidu shaqada u sii wadaan, siiyayna cod
caqlabiyad ah.
Qaar
ka mida xubnaha jaaliyada ayaa aad ugu dheeraaday baahida ay
qabaan mushtamaca Soomaaliyeed ee iyaga oo xididada loo soo
siibay lagusoo dhex daadiyay Maraykanka lana kulmay midab
takoor dhaqaale oo ay kaliftay aqoon yaraani taasoo hadeer
ay u sii dheeraatay in looga shakiyay arimo la xiriira ama
keeni kara Amaandaro.
Shirkan ayaa meel laysla dhigay in loo baahan yahay in
lawada shaqeeyo maadaama la wada haysto cidkasta oo
Afsoomaaliga ku hadasha, iyada oo dadka lagu takooro
kantaroolada xuduudaha iyo gagooyinka Diyaaradaha siiba
garoonka Logan
Airport ee magaalada
Boston.
Daawo Sawirada
webmaster@ceegaag.com
|