Waxgaradka Degmada Ceegaag oo Amaan u jeediyay hay’adaha
SCERDO iyo NPA oo hirgalinta 2 Ceel ka bilaabay Degmada
Ceegaag.
(Muqdisho, June 23, 2011
Ceegaag Online)
Waxgaradka degmada Ceegaag oo xiriir lasoo sameeyay
Shabakada Ceegaag.com ayaa amaan u
jeediyay hay’adaha SCERDO iyo NPA ee fadhiyadoodu yihiin
dalalka Canada iyo Norway dhawaana ka bilaabay ceelal
biyoodyo ay ka qodayaan degmadaas.
Ceelal biyoodyadan ayaa waxaa ka faa'iideysandoona dadka ku
nool degmadaas iyo nawaaxigeeda "Sababta ugu mihiinsan ee
ceelashan loo qodayo ayaa waxay tahay inay ka faa'iideystaan
dadka ku nool daafaha degmada Ceegaag".
Dadweynaha ku nool gudaha iyo daafaha degmada Ceegaag ayaa
aad usoo dhaweeyay ceelasha laga qodayo Deegaankooda mahad
balaadhana u jeediyay hay’adaha SCERDO
iyo NPA iyagoo sheegay inay wax badan ka tarayaan
biyo la'aan ba'an oo haysatay bilihii ugu dambeeyay, gaar
ahaan markii ay abaaraha xooggan dalka ka dillaaceen.
Degmada Ceegaag
ayaa ka mid ah Degmooyinka ay abaaruhu saameeyaan waqtiyada
Jiilaalka, iyadoo dadka kaliya ee ukaca Degmadaas ay yihiin
Qurbo Joogta u dhashay Deegaankaas oo biyo dhaamis u sameeya
dadka ku nool Degmada Ceegaag iyo deegaannada hoostaga.
Daawo
Sawiradda
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|