Xafladd loo qabtay Soo Dhaweynta Raisul-Wasaaraha cusub
Prof. Abdiweli Mohamed Ali Gaas oo ka dhacday Dalka Sweden
(Sweden, June 25, 2011
Ceegaag Online)
Waxaa maantaoo ay taariikhdu tahay 25 bisa june
2011, Magalada Filipstad ee Gobolka Värmland ee dalk
Swéden lagu qabtay xafladii Soo dhaweynta
Raisul-Wasaaraha Cusub ee Dalka Soomaaliya ´Prof.
Abdiweli Mohamed Ali (Gaas) ee 23 Bishan june 2011
uu Madaxweyne Sharif ku dhawaaqay.
Dhamaan jaaliydda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolkan
ayaa soo dhaweyn iyo hambalyo ay ku dheehen tahay
Kalgacayl Wadaniydeed ay udireen Raisul-Wasaaraha
Cusub Prof. Abdiweli Mohamed ( Gaas)
Waxaa halkaas isku dhamamaan Bulshada Soomaaliyyeed
ee ku dhaqan Gobolka Värmland ayagoo isku jiray,
Arday, Waalidiin, Bulshadda Rayidka, AQoonyahano iyo Siyaasiyin
aysan ukala harin Xafldaas.
Dadkii Madasha ka hadlay ayaa Ilaahay uga Baryay
inuu lagarab galo Xilkan Culus ee u qaaday.
Waxaa isla Madasha Xafladu ka dhacaysay ka hadlay
isago ku hadlaya magaca Jaaliyada Gud Jaaliyadda
Filipstad Mudane Cabdi Cali Warsame ( Cabdi
dheere)oo sheegay in ay soo dhaweynayaan
magcaabistaan cusub.
Gabagabadii waxaa isla Madasha Shirka ka hadlay
Cabdifatax Warsame Rooti oo ah Commercial Consuller
Somali Embassy in Turkey oo sheegay inuu ku
faraxsan yahay magcaabista Raisul-Wasaraha Cusub
Prof. Abdiweli Mohamed Ali (Gaas) isagoo hambalyo
iyo salaan ay ku dheehan tahay Wadaniyad udiray
Raisul-Wasaaraha, ugu duceeyay inuu ilaahay lagarab
galo Amaanada Culus ee uu qaaday isagoo waliba
tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay ubaahan tahay
aqooonyahįno karti leh oo kamira dhaliya Nabad
la,aan taan kunagaatay Gayigeena, Wuxuuna Dhammaan
Bulshada Soomaaliyeed Dal iyo dibed ba meeshii ay
Joogaan in ay muujiyaan taageeradooda ayna garab is
tagaan Xukuumadaan Cusub ee dhawaan lasoo dhisi
doono wuxuu kale uu Fariin udiray Baarlamaanka
Soomaaliyeed in ay gutaan waajibadkii qaran oo ay
horayso ansixinta Xukuumadda kana wada shaqeeyaan
sidii Dalka oo idil Nabad loogu soo Dabaali lahaa.