Xoghayaha guud ee IGAD H.E Eng. Mahboub Maalim iyo
Wasiirkuxigeenka wasaarada Gaashaandhiga ee Kenya
Hon. Joseph Nkaisserrry oo la kulmay jaaliyada Soomaaliyeed
ee reer Boston.
(Boston, June 12, 2011
Ceegaag Online)
Waxaa
galabta ka dhacay xarunta Afircan Community Economic
Development of NE shir xogwaraysi ah oo Jaaliyada Boston
warbixin uga dhagaysteen
Xoghayaha guud ee IGAD H.E Eng. Mahboub Maalim iyo
Wasiirkuxigeenka wasaarada Gaashaandhiga ee Kenya Hon.
Joseph Nkaisserrry.
Waxaa
shirka daadihinayay Cabdulqaadir Yaasiin Madaxa ACEDONE
iyada oo uu ka waramay taariikhda
Xoghayaha guud ee IGAD H.E Eng. Mahboub Maalim Pro. Xuseen
Dayib oo sheegay in xoghayahu uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee
maamula biyaha magaalada Mombasa oo ah caasimada labaad ee
Kenya.
Balse
uu wax barasho usoo aaday Mareekanka si uu aqoontiisa u
kororsado isaga oo noqday xoghayaha wasaarada Macdanta iyo
Biyaha ee dalka Kenya sidoo kalena noqday xoghayaha gaarka
ah
madaxwaynihii hore ee Kenya DANIEL T. ARAP MOI.
Xaghayaha
markii lagu soo dhaweeyay wuxuu ku nuux nuux saday dhismihii
ururka iyo sidii uu madaxwayne Siyaad Bare u yagleelay urur
goboleedka IGAD. Sidoo kale waxaa uu ka hadlay arimaha
Soomaaliya isaga oo carabka ku balaadhiyay in uun oo kaliya
ay xalin karaan siyaasada Soomaaliya Soomaalida uun.
Ugu danbay Xohayahu wuxuu
ku soo gunaanaday hadalkiisii in aan marnaba xal loo helayn
siyaasada Soomaaliya inta ay siyaasada Soomaaliya gacanta
ugu jirto dad ka fikiraya uun
-
Maxaan
Helikaraa
-
Maxaa iigu
jira
-
Maxaan ka
heli shaqsiyan
Dadka Soomaaliyeedna u
sacab tumayaan dadkaa feentay qarannimadii Soomaaliya.
Waxaa
isna goobta ka hadlay
Wasiirkuxigeenka wasaarada Gaashaandhiga ee Kenya Hon.
Joseph Nkaisserrry oo isna dadka Jaaliyada Soomaaliyeed ku
guubaabiyay inay leeyihiin wadanka ugu quruxda badan Afrika,
inay isku afyihiin, isku diin yihiin, isku dhaqan yihiin
ayna marnaba jirin wax dalka iyo dadku u burbur sanaadaan
labaatan sanadood.
Waxaa
kale oo uu jaaliyada ku booriyay inay dalka dib ugu soo
noqdaan oo ku soo celiyaan maalkooda iyo maskaxdooda. Isaga
oo sheegay inuu ka masuul ka ahaa in
H.E Eng.
Mahboub Maalim laga dhigo Xoghayaha IGAD maadaama uu
Soomaali Yahay, Soomaaliyana gacan u baahan tahay uuna fahmi
karo xaalada Soomaalida iyadoo ay hada tahay Soomaaliya meesha kaliya
ee khatarta ku ah nabadgalyada Mandaqada Afrikada Bari iyo
caalamka intiisa kaleba ayuu hadalkii kusoo gunaanaday.
Kadib
waxaa la furay Su’aalihii kuwa ugu mihiimsanaana waxay
ahyeen su’aal uu waydiiyay Bile Faarax Gucuri Xoghayaha
su’aashaa oo ahayd in xoghayuhu ku tilmaamay Somaliland dhul
nabad ah IGAD na ay lashaqeenaso waxna ka qabanaso ilaa
intii awoodeeda ah arintaa oo Bile ku tilmaamay inay
xaqiiqda ka fogtahay isaga oo sheegay inay Somaliland Dagaal
Hubaysan kula jirto Gobolada Sool Sanaag iyo Cayn.
Xoghayaha
ayaa ku jawaabay in reer IGAD ay yihiin ilaa 200 milyan
Somaliland na ay tahay Gobol ka mida Soomaaliya,
Soomaaliyana goobihii nabada ay la shaqeenayaan isaga oo
sheegay inay SSC la shaqeen doonaan hadii ay layimaadaan
dhul ay maamulaan oo nabad ah Soomaaliya dhexdeeda.
Daawo Sawiradii Shirkii
Goobta
Eng. Xuseen Fiin
Boston
webmaster@ceegaag.com
|