Dawladda Federaalka Canada ee uu hogaamiyo xisbiga
mayalka adag oo laga yaabo in ay dhacdo maalmaha soo scoda.
(Ottawa, March 23, 2011
Ceegaag Online)
Waxaa
maalintii shalay la horkeenay Barlamaanka Canada
miisaaniyaddii dawladda ee sanadka 2011-2012 kaas oo uu soo
diyaariyay wasiirka maaliyadda ee dalka Canada Mr. Jim
Flaherty, Markii wasiirku dhameeyay waxyaabihii uu
xambaarsanaa miisaaniyaddaasi ayaa waxaa isla markiiba
diidmo qayaxan kala horyimi xisbiyada mucaaradka ah ee NDP,
Liberal and BQ iyagoo sheegay in aysan ku jirin
miisaaniyadda wax dan u ah dadwaynaha reer Canada, gaar
ahaan kuwa danyarta ah, carruuraha iyo dadka waawayn.
Xisbiyada mucaardka ayaa caddeeyay in ay gabi ahaanba
lumiyeen aaminaaddii xisbiga tirade yar ee talada
hadda haya isla markaana ku tilmaamay Raiisalwasaare Stephen
Harper in uu ku tuntay nidaamkii iyo kala danbayntii
Barlamaanka kuna takrifalay awoodddii dastuuriga ahayd ee
dalka u taallay iyo hantidii qaranka.
Saddexda xisbi ayaa si wada jir ah isugu raacay in
laga bilaabo maanta ay shirguddoonka Barlamaanka u soo
gudbindoonaan dacwad ka dhan xisbiga talada haya kaas oo
haddii ay meelmariyaan xubnaha Barlamaanku ay gabiahaanba
dhacayso dawladda tirade yar ee uu hogaamiyo Stephen Harper.
Ugu
danbayn maalinta Jimcaha ayaa laga yaabaa in Barlamaanku ka
doodo arrintaas islamarkaana haddii ay ku guulaystaan in ay
ridaan dawladda Stephen Harper waxaa imanaysa in lagalo
doorasho bilaha soo socda.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|