Madaxweyne Shariif Sh.
Axmed oo Maanta Xilka ka qaaday Taliyayaasha Ciidamada
Amniga
(Muqdusho,
March 07,
2011 Ceegaag Online)
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Shariif
Sheikh Ahmed ayaa wareegto uu Xilka ugu qaadayo dhamaan
Taliyayaasha Ciidamada Amniga ka soo saaray xafiiskiisa.
Wareegtadan ayaa timid kadib markii ay keeneen soo jeedin
xilkaqaadis Wasiirada ay arintaani quseyso oo uu horkacayay
Raisul Wasaare Maxamed cabdulahi Farmaajo.
Madaxwenaha oo tixgilelinaya soojeedinta wasiirada
islamarkaasna qiimeynaya xaalada iyo daruufaha nabadgelyo ee
uu dalka marayo loona baahanyahay in la qaato talaabooyin
lagu habaynayu laguna dar-dar galinayo haydaha nabadgalyada
qaranka si loo xaqiijiyo is bedel wax ku ool ah, ayaa maanta
oo ay taarikhdu tahay Maarso 07 2011 Madaxweynuhu ka qaaday
Xilalkii Taliyanimo Saaraakisha hoos ku xusan.
Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed S/GUUTO Axmed
Jimcaale Geedi.
Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Soomaliyeed S/GUUTO Maxamed
Sheekh Xassan Xaamud.
Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed S/GUUTO
Cabdullahi Macallin Cali.
Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed S/GUUTO Cali
Maxamed Xassan Looyaan.
Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia
mabdalla@presidency.gov.so
webmaster@ceegaag.com
|