Qaramada Midoobay oo
walaac ka muujiyay Col iyo Abaar isu biirsaday reer
Soomaaliya
(Soomaaliya,
March 02,
2011 Ceegaag Online)
Aqoonyahano
ku xeel dheer xuquuqul insaanka ayaa ugu yeedhay Qaramada
Midoobay inay talaabo degdeg ah ka qaadaan xaalada adage e
lasoo daristay dadka ku nool geeska Afrika siiba koonfurta
Soomaaliya.
Shamsul Bari ayaa sheegay in khatar aada
loogu jiro Soomaaliya oo markeedii horeba ay ka jirtay cunto
yari in hadana ay ugu sii biirtay biyo la’aan arintan oo
keeni karta in caafimaadkuna meesha kaboxo waasida uu
hadalka u dhigay e.
Waxaan ugu yeedhanaa dadyowga dunida in hadii
ay Soomaaliya wax la gaadhayaan in ay hada lasoo gaadhaan
wixii kaalmo ah ee ay ugu talo galeen, dhinaca kale dadka
Soomaalida ah eek u dhaqan dibada ayaa lagu dhiiro galinayaa
inay u qumaan caawinta dadkooda ku hadhay dalkii Hooyo.
Dadka Soomaalida ah eek u dhaqan Soomaaliya
ayaa waxaa isu biirsaday Dagaalo ahli ah oo aan dhamaad
lahayn iyo Colaad aan dhamad lahayn tasoo hada keentay
xaalad hadii aan laga soo gaadhin aad khatar u ah.
Ugu yaraan sadex meelood oo meel ayaa u
baahan cawimaad degdeg ah dadka soomaalida ee hada ku sugan
wadanka Soomaaliya.
Colaad
&
Abaar
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|