Sheekh Cumar Faaruuq oo
ku geeriyoodey Magaalada Jiddah ee Dalka Sacuudiga.
(Jiddah Saudi
Arabia, March 08,
2011 Ceegaag Online)
ALLE ha u naxariistee waxaa
maanta magaalada Jiddah ee dalka sacuudiga ku geeriyoodey
Sheekh Cumar Faaruuq oo ahaa sheekh si weyn looga yaqaanay
Dunida Islam-ka oo dhan gaar ahaan dhulka ay Soomaalidu
dagto.
Sheekha ayaa ku geeriyoodey
gurigiisa sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah
qaraabadiisa oo sheegay in sheekhu uusan xanuunsaneyn balse
xaqu u yimid, Sheekha ayaa isla galabta lagu aasidoonaa
Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, Sheekh
Cumar Faaruuq ayaa da’diisu ahayd 60 sanno, wuxuuna ifka uga
tagay saddex xaas iyo 15-caruur ah oo isugu jira 9 wiil iyo
6 hablood.
Sheekh Cumar Faaruuq waxa
uu ku dhashay magaalada Carmoole ee deegaanka Ismaamulka
Soomaalida ee dalka Itoobiya, Sheekh Cumar Faaruuq waxa uu
ahaa mufti ay si wayn bulshada Soomaaliyeed u qadariyaan,
sheekha ayaa Soomaalida ku nool dalalka Yurub iyo waqooyiga
Mareykanka ku baraarujin jiray diinta Islaamka, wuxuuna
duubay Cajalado farabadan oo tafsiirka Qur’aanka Kariimka
iyo siirooyinkii Nabbigeena NNKH, iyadoo taasi ay ka mid
noqon doonto waxyaabaha lagu xusuusan doono.
Dhamaan Maamulka iyo shaqaalaha Ceegaag.com ayaa tacsi u
diraya dhammaan Eheladiisa iyo shacabka Soomaaliyeed
uu maanta ka geeriyooday Marxuum Sheekh Cumar Faaruuq
Waxaan Illaahay uga baryeynaa in Marxuumka Janadii Fawdasa
ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka tagayna samir iyo
Imaan ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|