SIDEE LOO ABUURAA GANACSI GUULAYSANKARA
Q-10aad
(London,
March 11,
2011 Ceegaag Online)
Waa maxay shaqadda maareeyaha ganacsi (business manager)
Qaybtan 10 aad waxan ku soo qaadan doonaa shaqada maareeyaha
ganacsiga. Maaraynta ganacsig shirkadd waxaa uu ku xiran
yahay kolba baaxada iyo baahida shirkadda.
Maaraynta ganacsiga (business management)
Maaraynta ganacsi (business management) waxaa aynu ku qeexi
karaa waa nidaaminta, qorshaynta, ilaalinta, jihaynta
shaqada iyo shaqaale shirkadd si loogu gaaro ujeedooyin
(objectives).
Maareeyaha ganacsi (business manager) waa shaqsiga maareeya
shaqada iyo shaqaalaha si loo helo faaiido waana masuulka
ilaaliya wixii hanti ah ee ay shirkaddi leedahay isla
markaana waa nidaamiyaha shaqo maalmeedka (daily
activities).
Noocyadda maareeyayaasha (Types of business managers):
·
Maareeyaha wax soo saarka (production manager):
Maareeyaha wax soo saarka (production manager) waa mareeyaha
wixii wax soo saar ah ee shirkaddu ay soo saarayso. Wuxuu
masuul ka yahay dhamaan wixii hawl wax soo saar sida
ilaalinta qalabka shirkadda (inventory control), jadwalka
shaqadda (schedule), nidaaminta waraaqaha (documentations),
dayactirka qalabka (equipment maintenance), rarida
badeecadda (shipping) iyo ilaalinta tayada badeecadda
(quality control).
·
Maareeyaha iib-geynta (sales manager):
waa maareeyahay horumarinta iib-gaynta ee shirkadda.
Shaqadiisa waxaa ka mid ah tababarida shaqaalaha waaxda
suuq-gaynta (sales staff), diyaarinta xeeladaha suuq-gaynta
(sales policy) iyo soo dhamanynta heshiisyada wax iibineed
(sales deals).
·
Maareeyaha macalumaadka cilmiga farsamada (Information
technolgy manager):
IT Manager waa madaxa waaxda macaluumaadka cilmiga farsamada
( IT Department), waa maareeyaha, dayactiraha, qorsheeyahay,
tababaraha, tijaabiyaha wixii cusub ee lagu soo kordhinaayo
shirkadda sida shaqaalaha, softwares ama new programmes.
Waxaa uu xooga saraa sidii loo horumarin lahaa dhinaca
farsamada computers haddii ay tahay isku xirka computers
(network), waxaana uu dejiyaa nidaam ay raacayaan dhamaan
shaqaalaha waaxda farsamada computers (IT).
·
Maareeyaha suuq-gaynta (marketing manager):
Sida ka muuqata magaca wuxuu masuul ka yahay dhamaan wixii
suuq-gayn ah ee shirkaddu u baahan tahay sida abuurista
macaamiil cusub, tababaridda shaqaalaha suuq-gaynta iyo
iib-gaynta (marketing staff), horumarinta xeeladda sixir
goynta (developing pricing strategy), kobcinta xajiga suuqa,
ogaanshaha baahidda macaamiisha, tartanka shirkaddaha kale
iyo kawar qabida dhamaan baddeecadaha ama adeegyadda kale ee
suuqyadda kusoo kordha amaba ka baxaya.
·
Maareeyaha wax soo iibinta (purchasing manager):
waa maareeyaha u qaabilsan soo iibinta badeecadda ama adeega
ay u baahan tahay shirkaddi. Waxa uu ilaaliyaa, qorsheeyaa,
qiimeeyaa dhaqdhaqaaqa wax soo iibin ee shirkadda. Waxaana
uu keenaa heshiiska ugu fiican ee shirkaddu ay ku heli karto
badeeco ama adeeg jaban.
·
Maareeyaha maaliyadda (finance manager):
waa maareeyaha, habeeyaha, qorsheeyaha dhinaca maaliyadda ee
shirkadda. Shaqadiisa waxaa ka mid ah diyaarinta warbixnta
maaliyadeed (financial report), dejinta miisaaniyadda
shirkadda, maaraynta lacagta naqadka ah (cash management),
maaraynta deymaha (credit management), lasocoshada khasnada
(treasury), saadaalinta heerka maaliyadda shirkadda
(financial postion forecast) iyo isku dubaridka lacagta soo
galaysa ama ka baxaysa shirkadda.
·
Maareeyaha shaqaalaha (human resource manager):
waa maareeyaha shaqaalaha, waxaana uu hirgeliyaa xeeladihii
lagu shaqayn lahaa ee lagu maamuli lahaa shaqaalaha.
shaqadiisana waxaa ka mid ah nidaaminta mushahaarada
shaqaalaha (salary management), tababarka shaqaalaha (staff
training), qorida shaqaalaha (recruiting), ilaalinta
saacadaha shaqaalaha (attendance), keydinta warbinxa
shaqalaaha (employee record keeping), la socoshada wax
qabadka shaqaalaha iyo dhiirigelintooda (motivation).
·
Maareeyaha horumarinta badeecadda (product development
manager):
Waa diyaariyaha wixii daraasad horumarin ah ee loo
samaynaayo shirkadda si ay horumar u gaarto. Shaqadiisa
waxaa ka mid ah in uu keeno barnaamijyo cusub (new
programmes) waxa kale oo uu sameeyaa daraasado lagu
abuuraayo fikrado cusub (innovatives), la socoshada dhamaan
qalabka shirkadda si ay shirkaddu ula socoto kolba wixii soo
kordha, la talinta dhamaan waaxyaha kale si loola socod
siiyo wixii cusub ee soo siyaada iyo la xiriiritaanka
macaamiisha si loo ogaado kolba wixii ay u baahan yihiin in
lagu siyaadiyo badeecadda ama adeega.
Marka laga yimaado intaa aynu kor kusoo xusnay waxaa jiri
kara maareeyayaal kale oo waxaa ay ku xiran tahay kolba
nooca ay shirkaddu tahay, tusaale ahaan waxaa jiri kara
maareeyaha guud (general manager) amaba maareeyahay
hawl-fulita (operational manager). Shirkaddaha qaarkood sida
kuwa horumarinta software ayaa leh maareeyaha mashruuc gaar
ah (project manager). Marka shaqada ama nooca maareeyuhu
waxaa ay ku xiran tahay baahida ama baaxada shirkadda.
hababka maareeyayaasha (styles of business managers):
1.
maareeye keligii taliye ah (authoritarian manager):
habka noocan ahi waxaa uu ku keenaa shirkadda badanaa burbur,
niyad jab, iyo weliba shaqaalaha oo kaa horyimaada waayo
nidaamka noocan ahi waa qof keliya ayaa go’aanka gaaraya
isla markaana raba in dhamaan shaqaaluhu shaqada u qabtaan
sida uu rabo asaga oo aan cidla kala tashan. Nidaamka noocan
ahi waxaa ay shaqadda u fudaydisaa shaqaalaha waayo waxaa la
tusayaa sida loo shaqaynaayo iyo waxa laga rabo. Qaybtani
waxaa ay u baahan tahay maareeye adag oo xirfad fiican leh
maadama aanay jirin maamulkii dadka kale loo kala dhiidhiibi
lahaa (delegation). habkan noocan ah waxa keliya ee uu
faaiido leeyahy marka la arko in shirkaddu khatar ay ku
sugan tahay amaba ay khatari ay soo food saartay. Laakiin
waxaa fiican in marwalba shaqaalaha lala tashado si guul loo
gaaro.
2.
Maareeyaha dimuqraadiga ah (Democratic manager):
waa habka ugu caansan ee ay isticmaalaan shirkadduhu. waa
maareeye rumaysan in shaqo kasta oo uu qabanaayo uu
kalatashado shaqaalihiisa ama cidii kale ee ay talo kawada
dhaxayso. Waxaanu ka qayb galiyaa shaqaalihiisa wixii talo
ah. Waana nidaam u saamaxaya shaqaalaha in ay dareemaan
qiimayn, farxad iyo inay talada shirkadda wax ku leeyihiin.
Nidaamkan dhibkiisa keliya waa in wixii go’aan la gaarayo ay
u baahan tahay in waqti lagu bixiyo taasina ay keeni karto
in talaabooyin la qaadi lahaa ay dib u dhacaan.
3.
Maareeye waalid (paternalistic manager):
habka noocan ahi waa hab u saamaxaya maareeyaha in uu ula
dhaqmo shaqaalihiisa sidii waalid oo kale, waxaana uu
badanaa ku xiran yahay shaqaaalihiisa oo uu dhagaystaa
waxaana uu ka caawiyaa sidii ay shaqadoodu ugu fududaan
lahayd. Waxaanu ku dhiir geliyaa shaqaaluhu in ay u wada
shaqeeyaan sidii reer oo kale (family) wixii talo ahna meel
ay isugu keenan si loo wadaago.
4.
Maareeyaha ku dhaqaaq (laissez faire manager):
habka noocan ahi waa hab siinayaa shaqaalaha xorriyad badan
iyo waqti ay shaqaaluhu ku horumarin karaan aqoontooda,
maareeyuhu wuxuu u sheegaa shaqaalihiisu sida ay wax u
samaynayaan waxaana uu u dejiyaa waxa laga rabo in ay
gaaraan (targets) iyo ugu dambayn goorta laga rabo
(deadlines). Kedib ayaga ayuu uga tagaa maadaama ay
shaqaaluhu shaqaddii loo baahnaa qabteen heerkii loo
baahnaana gaarsiiyeen waxba kama gelin wadooyinka ay u
mareen.
Laakiin badanaa shaqaaluhu waxaa ay u baahan yihiin
kormeerid iyo in laga war qabo kolba heerka ay marayaan waxa
ay higsanayaan iyo waxa fikrad cusub ay ku soo kordhin
karaan shirkadda. Nidaamka noocan ahi waa nidaam u baahan in
laga fiirsado.
Masuuliyadda maareeyaha ganacsiga oo kooban (summary
responsiblities of business manager):
·
Qorshaynta iyo nidaaminta shaqadda
·
Maaraynta iyo kormeerida shaqo maalmeedka shirkadda
·
Toosinta, ilaalinta iyo fulinta shaqadda.
·
Dhisida xidhiidhka macaamiisha iyo shirkadda.
·
Dejinta qorshaha iib-gaynta iyo suuq-gaynta badeecadda ama
adeega shirkadda.
·
Diyaarinta qorshe sannadadeedka iyo wargelinta maamuladda
kale.
·
Xalinta wixii khilaaf ah ee soo baxa sida ugu dhakhsaha
badan.
·
Qiimaynta xeeladaha ganacsi (business strategy) iyo ka
warbixin wixii horumarin u baahan.
·
Horumarin iyo fulin wixii u baahan in laga badalo maamulka.
·
Isku xirka macaamiisha, talo soo jeedinta iyo ka warbixinta
wixii soo kordha.
·
Maaraynta kharashaadka baxaaya iyadoo la raacayo nidaamka
miisaaniyada u dejisan shirkadda.
·
Fulinta wixii tababar shaqaale la siinaayo.
·
Nidaaminta iyo habaynta wixii waraaqo qoraal ah ee ay
shirkaddu leedahay.
·
Kormeerida shaqalaaha gudaha iyo kuwa dibada ee shirkadda.
·
Ujawaabida baahida shaqaalaha iyo kuwa macmiisha sida ugu
habboon.
·
Ilaalinta qalabka iyo hantida shirkadda.
·
Isku xirka maamulka sare iyo macaamiisha.
Waxaa aynu hadda soo dhamaynay 10 cashar oo aan filaayo in
laga faaiidaystay, waxaa aynu nasasho qaadanaynaa muddo 2
wiig ah si dib loogu noqdo casharaddii hore kedib waxa aynu
bilaabi doonaa casharka 11aad.
Wixii su’aal ah fadlan diyaar ayaan u ahay in aan idiinkasoo
jawaabo muddadan 2 wiik ee fasaxa aan ku jiro. 10 cashar
markay dhamaadaanba fasax kooban ayaynu qaadan doonaa wixii
su’aal ahna waan ka jawaabi doonaa.
Mustafe
Ibraahim
mustaf1970@hotmail.co.uk
webmaster@ceegaag.com
|