Taliyihii nabadsugida
gobolka Sool ee maamulka Somaliland oo ladilay iyo ku
xigeenkiisii oo la dhaawacay.
(Laascaanood,
March 07,
2011 Ceegaag Online)
Fiidnimadii
xalayto ayaa waxaa badhtamaheeda magaalada Laascaanood
toogasho rasaaseed lagu diley Taliyihii ciidanka nabadsugida
ee gobolka Sool Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud
Maxamed Xirsi “Asad” , marxuumka ayaa waxaa Bastoolad ku
dilay si ula kac ah rag hubaysan oo ilaahada aan gacanta
lagu soo dhigin. Rasaas xoogan ayaa goobta ka dhacday taasoo
dhaawacday ku xigeenkiisa Carab Qawdhan Warsame oo
dhaawac halis ahi kasoo gaadhay tacshiiradaa ka dhacasay
qoryaha fudud.
Waxaana
markii dambe soo gaadhay goobta ciidamo tira badan oo ka
tirsan Booliiska magaalada Laascaanood, iyada oo aan wali
gacanta lagu soo dhigin ragii ka danbeeyay faldanbiyeedkan.
Ma aha markii ugu horeesay ee uu dilka noocan oo kale ah ee
qorsheesan ka dhacay Laascaanood, waxaa horay loo
khaarajiyay masuuliyiin ku jiray gudashada waajibaadkooda
shaqo.
Dhinaca kale
magaalada Laascaanood ayaa lagu soo rogay bandow iyada oo la
xadiday isusocodka Gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee
gobolka. Waxaa iyana Dagaal ka dhacay Tuulada Ganbadha
halkaa oo ay isku farasaareen ciidamo dacad u ah Puntland
iyo kuwa Maamulka Somaliland.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|