Xaflad heer sare ah oo lagu
taageerayo ansixinta Degmada Tulli-Guuleed oo ka dhacdey
Tulli-Guuleed ee Gobolka Jig-Jiga.
(Tulli-Guuleed, April 01, 2011
Ceegaag Online)
Xaflad aad iyo add u balaadhan oo lagu dabaaldagayay laguna
taageeraayay ansixinta degmada Tulli-guuleed ee gobolka
Jijiga ayaa bishan March 20dii kadhacday dagmadaas. Dagmadan
Tulli-guuleed oo qiyaastii 20 KM ah ujirta magaalada
caasimada deegaanka somaalida Ethiopia ee Jijiga ayaa kamida
15kii degmo ee dhawaan dowlada deegaanka soomaalidu
ansixisay. Dadweyne aad utiro badan, masullyiin sar sare,
odayaal dhaqmeedyo iyo waliba ganacsato ayaa ka soo qabgalay
xafladan oo si heersara ah loosoo agaasimay.
Masuulyiintii kasoo qabgashay xafladan ayaa waxaa horkacayay
wasiirka Ganacsiga ee dawlada federaaalka Itoobiya mudane C/raxmaan
sheikh Maxamed (Guray) ahna xubin gudiga fulinta ee xisbiga
islamarkaana wakiil uga ahaa madaxwaynaha deegaagnka
soomaalida Ethiopia xafladan, Madaxwayne kuxigeenka ahna
wasiirka Xafiiska Dakhliga mudane Axmed-deeq Maxamed Cali (Axmed
Qabyo), wasiirka maaliyada mudane Cumar Xaaji Ibrahim,
Afhayeenka baarlamaanka mudane Maxamed Rashiid Isaaq,
komishineerka guud ee Booliska DDS, colonel Yuusuf Jalaale,
Madaxwaynaha jaamacada mudane C/naasir Axmed,iyo waliba
kuxigeenkiisa mudane Suldaan Muxiyadiin Odawaa. Masuulyiinta
ka soo qaybgashay xaflada ayaa kasoo jeediayay qudbado aad
iyo aad u xamaasadaysan iyogoo si qoto dheer uga waramay
muhiimada ay dagmada Tulli-guuleed u leedahay dadka kudhaqan
gobolka Jigjiga iyo guud ahaa soomaalida dagta killilka 5aad
ee Ethiopia.
Waxaa sidoo kale xafladan kasooqaybgalay fanaaniinta
deegaanka ee Star band oo ay ka dhex muuqato fanaanda weyn
ee Saynab Laba-dhagax. Fanaaniinta ayaa heeso wadaniya,
ruwaayad iyo ciyaar dhaqameed ku madadaaliyay daweyniihii
faraha badnaa ee isugu soo baxay degmada Tulli-guuleed ku
waas oo laga dheehan karayay wajiyadooda farxad aan la
qiyaasi karin
Degamadan cusub ee Tulli-guuleed waxay ku taalaa dhul
xaasaasiya marka la eego geography ahaa meesha ay dhacdo
iyadoo lawada ogsoon yahay degmadan iyo tuulooyinka
hoosyimaada in damac aad u qoto dheer kaqabeen dadka Oromoda
iyagoo ku taamayay in mar uun ay la wareegi doonaan sidii ay
ula wareegeen degmada iyana istratiga ah ee Jinasine oo
masaafo aad u dhow u jirta Tulli-guuleed. Intaa waxaa u
siidheer
degmada Tulli-guuleed ayaa ah dhulbeereed ay ka soo baxaan
zaracyo kala duwan sida Heedda,Qamadiga,Galayda,Hadhuudhka
iyadoo dagmadani wax soosaarka beeraha ee gobolka ay kaalin
weyn kaqaadato.
Mar uu kahadlayay C/raxmaan Qase oo ahaa madaxii xafiiska
dhakhliga ee maamulkii
madaxwayne Cabdulaahi Xassan Lugbuur ayaa sheegay in dagmada
Tulli-guuleed ay taariikh fac weyn ku leedahay dalka iyo
guud ahaan caalamka isagoo carabka kudhuftay in degmada ay
deeq raashina oo xukuumada Ethiopia u fidasay wadamo ay ka
mid tahay Japan looga qaaday galay iyo qamadi degmada
Tulli-guuleed.
Ugu
danbayntii, beesha degta degmadan cusub ee Tulli-guuleed oo
ah beesha Gari Koombe ayaa la saadaalinayaa in ay sii
laba jibaaraan doorkii wax ku oolka ahaa ee kaga jireen
siyaasda iyo dhaqaalaha deegaanka soomaalida iyo heer
federal iyadoo dagmadan ay noqonayso degmadii ugu horaysay
ee beesha Gari yeelato.
Daawo Sawiradda
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|