15-ka May bilowgii
Gobonimo doonka Soomaaliya.
(Soomaaliya, May 15, 2011
Ceegaag Online)
Dalka
Soomaaliya oo mudo 51 sano ka hor iska dul qaaday hadamadii
Gumeystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska, waxaa
mudnaantaasi iska lahaa 13 dhalinyaro Soomaaliyeed oo
hoggaanka u hayey Xisbigii Gobonimo doonka SYL (Somali Youth
League), xisbigaasoo horay loo oran jiray SYC, dhalinyaradii
dhidibada u taagay oo ku mideysnaa qiiro wadaninimo kana
dhiidhinayey gumeystihii dalka ku soo duulay, hadafkoodu
wuxuu ahaa sidii ay dalkooda iyo dadkooda u noqon lahaayeen
kuwo xor ah.
69
sano ka hor geedkii ay beereen 13 dhalinyaro
Soomaaliyeed mirahooda waxaa la gurtay 1-dii Luulyo 1960-kii
markii heeryadii Gumeysiga iska dul qaadnay oo Gobolada
Waqooyina ay la midooween walaalahooda Soomaaliyeed,
taariikhdaasi dheer iyo halgankii dhalinyaradaasi
Soomaaliyeed abuureen ilaa maantana harsaneyno, inkastoo
nasiib daro ay tahay in 21 sano dagaal iyo dowlad laŽaan ku
jirno, sumcad xumana ay ku tahay shacabka Soomaaliyeed ee 51
sano ka hor iska eryay Gumeystihii reer Galbeedka ku soo
duulay dalkooda iyo dadkooda.
15.05.1943-kii
Xisbigii SYC oo ah maalintii dhidibada loo taagay waxaa
uu ku bilowday qaab urur dhalinyaro, maadaama Gumeystuhu
xiligaasi ogoleyn dhaq dhaqaaq siyaasadeed, iyadoo dhibaato
badan laga maray sidii uu ururkaasi u noqon lahaa mid
Siyaasadeed, muddo kadib waxaa lagu guuleystay in uu u xuub
siibto urur siyaasi ah oo la magac baxay SYL sanadku markii
ahaa 1947-kii.dhalinyaradaasi oo ka dhiidhinayey hagar
daamadda gumeysiga uu ku hayey shacabka Soomaaliyeed iyo
ujeedadii Ingiriiska ee aheyd QEYBI OO XUKUN.
Waxay
xil iska saareen sidii shacabka Soomaaliyeed xornimo u
gaarsiin lahaayeen, iyagoo baaqoodu ahaa Qabiil Qaran ma
noqdo, wuxuuna hadafkoodu uu ahaa Soomaali oo xor taasoo
ay taageerayeen guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku
noolaa guud ahaan dhulka Soomaaliyeed.
Markii
uu SYC isku badalay SYL waxaa bilowday dadaal dheer oo
dhalinyaradaasi ay ku doonayeen in ururku uu noqdo mid jira
oo aqoonsi ka hela guud ahaan dunida, waxaana markiiba uu
noqday urur jira kana qeybgala shirarka caalamiga ah iyo
kuwa Qaramada Midoobay, waxayna mar walba gudbin jireen
fariinta shacabka Soomaaliyeed ee ah diidmada gumeysiga
dalka heystay sidii la isaga dul qaadi lahaa.
Waxyaabihii ururka SYL uu si cad ugu horyimid isagoo
shacabka taageero xoogan ka helayay waxaa ka mid ahaa
GoŽaankii Dowladdii Ingiriiska 1946-kii uu ku soo rogay
Soomaaliya ee aheyd in qof walba oo Qaan gaadh ah laga qaado
canshuur, taasoo ka dhaqan gashay guud ahaan bariga Africa
hase yeeshee, dibadbaxyo iyo rabshado lagaga hortegay waxay
arintaasi keentay in xabsiga loo taxaabay shacab fara badan,
hase ahaate ma aysan joojin dibadbaxyadooda, ilaa aaqirkii
laga noqdo goŽaankaasi, lana soo daayo shacabkii macna
darada loo xidh xidhay
Dhalinyaradaasi fikraddii waddaninmo oo ay keeneen waxaay
noqotay mid lagu liibaanay xaqiijisayna midnimadii iyo wada
jirkii ummadda Soomaaliyeed waxayna tiigsanayeen ama
hadafkoodu ahaa.
1-In
loo halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madax banaanida
Soomaali.
2- In
shanta Soomaaliyeed la mideeyo,hal maamulna la isugu keeno.
3- In
Af-Soomaaliga la qoro.
4- .
In xoogga la saaro tacliinta
5- In
la tirtiro qabyaaladda, quursiga iyo qodobo kale oo halkan
lagu soo koobi karin.
Dhibaatooyin fara badan oo ay la kulmeen dhalinyaradii SYL
ayaa iyana xusad mudan, waxayna dhibaatadaasi ay dhacday
11-kii Janaayo 1946-kii mar magaalada Muqdisho ay
yimaadeen guddi ka socday Dowladdaha Mareykanka, Ingiriiska,
Ruushka iyo Faransiiska, ujeedadooduna aheyd sidii ay u
qiimeyn lahaayeen rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, taasoo
ka dhalatay rabshado ay abuureen Gumeystihii Talyaaniga oo
ka war helay in Leegada ay abaabuleen bannaanbaxyo looga soo
horjeedo Talyaaniga oo xiligaasi la damacsanaa in gacanta
loo geliyo guud ahaan Soomaaliya.
11-01-1948-kii waxaa weerar ku soo qaaday xafiiskii SYL
kooxo Soomaaliyeed oo Talyaaniga soo abaabulay, iyadoo
weerarkaasi ay ka hortageen dhalinyaradii, halka qaar kale
ay weerar ku qaadeen Talyaanigii soo abaabulay rabshadahaasi,
waxaana maalintaasi ay Leegada dileen 54 Askarta
Talyaaniga, halka dhinaca Soomaalida laga dilay Allaha u
naxariistee Xaawo Taako 55 kalena waa laga
dhaawacay.
Waxaa
xusuus mudan Haweenkii laf dhabarka u ahaa Xisbigii SYL,
kuwaasi oo dahabkooda ku bixin jiray safarada dibada iyo
howlaha xafiiska uu qabanayo, iyadoo dhaqaalihii uu ku
safray Cabdullaahi Ciise markii uu ka qeybgalayey
shirkii Golaha Amaanka ay bixiyeen Haween Soomaaliyeed.
Waxaa
cajiib ah in dhalinyradaas qaarkood aqoontii ay heysteen oo
aheyd mid hooseyso marka la barbar dhigo tan maanta ay ku
howlgalaan dhalinta cusub, sidaasoo ay tahayna ay ka mira
dhaliyeen hadafkoodii ahaa in ay waddanka ka xoreeyaan
gumeystaha ku soo duulay dalkooda.
Dadaal
kasta iyo dhibaato walba oo ay la kulmaan waxaa la gaaray
guushii 1-dii luulyo 1960-kii markii dal xor ah la
arkay oo calankooda taagta, ayna sameystaan maamul la
aqoonsan yahay, hase ahaatee waxaa uur ku taalo ah in maanta
guushaasi ay soo hoyiyeen 13 dhalinyaro ah oo
marxaladahaasi soo maray in si fudud gacmaheena ugu dumino,
iyadoo calool xumo ay ku reebeyso muwaadin walbo oo
Soomaaliyeed.
Waxaase Taariikhda ay xusi doonta sida aan maanta u xuseyno
Halyeeyadii guusha keenay, kuwa maanta hortaagan maslaxada
iyo helitaanka maamul dowladnimo, kuwaasi oo Damiirkii
Wadaninimo ka guuray, una taagan kala qeybinta iyo
burburinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxaanse Alle ka
baryaynaa in Soomaali isu keeno dantoodana garato.
Gabagabadii qormadan Xuska 15-ka May waxaan amaan iyo
duco aan u soo jeedinaynaa Halyeeyadii Soomaaliyeed ee
majaraha u hayey halgankii Gobonimo-doonka kuwaasi oo
magacyadooda ahaayeen.
1.
Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmaake
2. Cabdulqaadir Sheekh Saqaawadiin
3. Maxamad Cismaan Baarbe.
4. Cismaan Geedi Raage
5. Dheere Xaaji Dheere
6. Maxamad Cali Nuur
7. Daahir Xaaji Cismaan Sharmaake (Dhagaweyne)
8. Xaaji Maxamad Xuseen Xaamud
9. Khaliif Huudow Macallin
10.Maxamad Faarax Hilowle
11. Sayidiin Xirsi Nuur
12. Maxamad Cabdalla Xayeesi
13.Cali Xasan Maxamad (Cali Barduure)
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|