Hambalyo & Taageero ku socota Wasiir Ku xigeenka Maaliyada
ee Arimaha Budget-ka Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Amare Cali
Siciid.
(Jabuuti, May 18, 2011
Ceegaag Online)
Anaga
oo ah Jaaliyadda Jabuuti ee Gobolka Alberta ee wadanka
Canada waxaanu halkan Amaan iyo Taageero uga soo direynaa
Mudane Amare Cali
Siciid
oo dhawaan loo magacaabay Wasiir Ku xigeenka Maaliyada ee
Arimada Budget-ka Jamhuuriyada Jabuuti, waxaan u rajayneynaa
in ALLE u fududeeyo xilkaas qaran ee loo igmaday.
Sidoo
kale Waxa aanu madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane
Ismaaciil Omar
Geelle
uga mahadnaqeynaa uguna bishaareyneynaa inuu u qalmo Mudane
Amare Cali Siciid
waajibkiisana gudandoono xilka aad u ikmatay.
Waxaa
iyana xusid mudan in lagu hambalyeeyo Madaxwyne
Ismaaciil Cumar Geelle, horumarka laxaadka leh ee Dalka
Jabuuti ku tallaabsaday mudadii uu talada Dalka hayey,
dhinacyada dhaqaalaha, arrimaha bulshada, waxbarashada,
warshadaha, Dekedaha, waddooyinka, iyadoo maanta uu
dhaqaalaha adduunku baaxaa degayo,oo wadamadii ugu cududda
roonaa ay u maara la’yihiin.
Waxaan
Ilaahay kaaga baryayaa ,in masuuliyadaa ummadaadu kuu
igmatay ,Rabbi kugu asturo, horumar iyo nolol wanaagsanna
aad gaadhsiiso Shacabka Reer Jabuuti iyo Jamhuuriyadda
Jabuutiba, Aamiin Aamiin.
ALLAA
MAHAD LEH.
Jaaliyadda Jabuuti ee Gobolka Alberta Canada.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|