Ra’iisal Wasaare Farmaajo
oo kulan laqaatey Ergada joogtada ah ee Qaramada Midoobay.
(New York, May 10, 2011
Ceegaag Online)
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi
Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa yimid magaalada New
York ee Dalka Mareykanka si ay uga qeyb galaan kulanka
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu wado inuu
qabsoomo maalinimada arbacada ah ee bisha May tahay 11,.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa magaalada New York shalay kula
kulmay Ergada Joogtada ah ee Qaramada Midoobey ee dalalka
Brazil, Germany, India , Lebanon iyo Russia oo dhammaantood
ka mid ah 15ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee
Qaramada Midoobey, sidoo kale Ra'iisal wasaare Farmaajo ayaa
maanta la kulmidoona Ergada dalalka South Africa, China,
USA, UK, France iyo Colombia, dhamaan ujeedada kulamadan
ayaa ah in dalalka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
xubnaha ka ah uu ka dhaadhiciyo xaalada dhabta ah ee ka
jirta dalka Somalia iyo sida looga bixi karo marxalladan
kala guurka ah.
Ra'iisul Wasaaraha Somalia ayaa u mahadceliyey
mas'uuliyiintii uu la kulmay, isaga oo sheegay inuu
aad ugu faraxsanyahay sida Golaha Ammaanka ee Qaramada
Midoobay mudnaanta u siinayso arrimaha Soomaaliya.
Dhinaca kale Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Mohamed Abdilahi
Farmaajo ayaa u sheegay ergada joogtada ah ee QM in
Xukuumaddiisu ay guddi heer wasiir ah u saartay inay la
kulmaan Baarlamaanka si looga wada hadlo khilaafka loona
gaadho mowqif mideysan oo ay danta shacabka Soomaaliyeed ku
jirto.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|