Booliska Koonfur Afrika oo
qabqabtay tuugo dhac u geystay dukaamo Soomaaliyeed.
(Johannesburg, May 12, 2011
Ceegaag Online)
Booliska
dalka Koonfur Afrika ayaa gacanta ku soo dhigay Tuugo la
sheegay inay ka danbeeyeen boob dhawaan loo geystay dukaamo
ay lahaayeen ganacsato soomaali ah oo ku yaalay gabolka
Gauteng.
Dadkan oo tiradoodu gaadhayso 75 qof ayaa lagu soo eedeeyey
inay ka danbeeyeen boob todobaadkii tegay loo geystay in
kabadan 15 dukaan oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed ,
waxayna dadkaas lasoo qabqabtay ku xidhan yihiin saldhig
booliska magaalada Johannesburg.
Saraakiil u hadashay booliska ayaa sheegay in dadkan
eedeysanayaasha ah lasoo taagi doono maxkamad khaas ah oo
loogu talagalay dadka gala dambiyadan oo kale, waxaana ay
saraakiishaasi boolisku ku nuux-nuuxsadeen in ay marsiin
doonaan sharciga,maxkamadda la saarayo dadkan
eedeeysanayaasha ah ayaa waxa ay ku taalaa magaalada
johannesburg, waxaana maxkamadaasi la hirgeliyey sanadkii
2008, markii dalka Koonfur Afrika ay ka dhaceen rabashadihii
jinsiyad nacaybka ahaa ee lagu boobay boqolaal dukaan oo ay
lahaayeen dad ajaanib ah oo ay u badnaayeen ganacsato
soomaaliyeed.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|