Dilal qorsheysan kii ugu horeeyay oo lagu bilaabay
ganacsatada Soomaaliyeed eek u dhaqan Dalka South Afrika.
(Port Elizabeth, May 31, 2011
Ceegaag Online)
Waxaa
sii kordhay oo waji cusubna lasoo baxay dilalka Qorsheysan
iyo dhaca hantidda ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku
ganacsato dalka South Africa ay kala kulmayaan dadka madowga
ah ee u dhashay dalkaasi.
Xalay
ayaa waxaa lagu dilay duleedka Magaalada Port-Elazipeth ee
Gobolka Eastern Cape
ee
dalkaasi laba nin oo Soomaali ah oo mid ka mid ah dilkiisu
ahaa mid qorsheysan sida ay sheegayaan mas,uuliyiinta.
Labada
nin ee xalay lagu dilay magaalada Port-Elazipeth ee dalka
South Africa ayaa kala ah Cali Cabdi Cumar iyo Muxsin Sheekh
Cismaan, kuwaasi oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida,
laakin dilka Cali Cabdi Cumar ayaa lagu sheegay inuu ahaa
mid qorsheysnaa.
Gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliya ee Gobolka Eastern Cape C/raxmaan
Yuusuf Axmed Raabi oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga
ee idaacada VOA ayaa sheegay in dilka Marxuum Cali Cabdi
Cumar ay ka danbeeyaan ciidamo ka tirsan booliska oo loo
heysto danbi dil ah ay horay ugu geysteen ganacsade kale.
ALLA
ha u naxariistee Cali Cabdi Cumar ayaa waxa lagu waday inuu
hor tago maxkamad si uu markhaati ugu noqdo dilka ganacsade
Soomaali ah oo bishii June ee sanadki hore ay dileen ciidamo
ka tirsan booliska dalkaasi.
"Dilkii
koowaad wuxuu dhacay 8:00 fiidnimo, isagoo ka dhacay
duleedka Port-Elizabeth waxaana lagu qaarijiyey Cali Cabdi
Cumar, dilka labaad ayaa isna ka dhacay meel ilaa 11km u
jirto magaalada Port-Elizabeth, xaafada lagu dilay waxaa
degan dadka danyarta ah, waxaana lagu magacaabaa marxuumka
la dilay Muxsin Sheekh Cismaan, waxaa lagu dilay xabad
kadibna waxay boobeen hantidii Tukaanka." ayuu yiri Mr Raabi
Gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliya ee Gobolkaasi, Mr Raabi
ayaa sheegay in baryahanba ay ugaadhsi ku hayeen Cali Cabdi
Cumar iyo wiil kale oo isna ka mid ah markhaatiyaasha laba
ka tirsan booliska wax dilay kuwaasi oo wajiyada soo duubta
xilliyada qaar si ay u dilaan.
"Booliska
ayaa dilay Cismaan Nuur Maxamed wxiligii ay soceen
ciyaarihii Aduunka, waxaan furnay kiis oo maanta dhici lahaa,
marka waxaan u aaneyneyaa in ay dileen askarta, waxaa hada
xiran laba askari, labana ma xirna marka waxaan aad uga
shakisanahay in ay dileen labada aanan xidhneyn, dhawaana
waxaa ka fakaday C/llaahi oo isna ah wiil kale oo isna ku
markhaati furilahaa seef ayey ku dili laahayeen laakin
booliska ayaa badbaadiyey" ayuu yiri Mr. Raabi.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|