Dowladda Jabuuti oo
sheegtay inay Ciidamo u diyaarisay Soomaaliya.
(Jabuuti, May 14, 2011
Ceegaag Online)
Dowladda
Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday inay ciidamo nabad ilaalin ah
u dirayso Soomaaliya ka hor dhamaadka bisha June ee sanadkan
si ay uga qeyb qaataan howl galka Ciidamada AMISOM ay ka
wadaan Magaalada Muqdisho, sidaas waxaa sheegay Wasiirka
arrimaha dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo la hadlay
Idaacadda VOA-da a in ciidamada loo dhamaystiray
tababarkooda ayna haatan ku guda jiraan qalabayntooda.
“Horay ayaan
ballan ugu qaadnay inaan Soomaaliya ciidamo u dirayno, tan
iyo markaa waxaan wadnay diyaar garow iyo tababarka
ciidamada haddana waa diyaar,”ayuu yiri Maxamed Cali Yuusuf
wasiirka Arrimaha Dibada ee Dowladda Jabuuti.
Wasiirka ayaa
ku sheegay tirada askarta ay Soomaaliya usoo dirayaan inay
gaarayso 2 batalyan, isagoo intaa ku daray in kulan
ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar
Geelle iyo dhigiisa Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ay
yeesheen kadib xafladii lagu dhaariyay Madaxweyne Geelle ay
kawada hadleen arrimo ay kamid tahay in Jabuuti ay ka qeyb
qaadato nabad ilaalinta Soomaaliya.
Dowladda
Jabuuti ayaa dhowr jeer oo hore u shaacisay inay ciidamo u
dirayso Soomaaliya balse kuma aysan dhaqaaqin go’aankaas.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|