Halkee mareysaa arintii ragii ajaaniibtii Malaayiinta
Doollar lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada
Muqdisho.
(Muqdisho, May 27, 2011
Ceegaag Online)
Iyadoo 24-kii bishan
garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho lagu
qabtay ilaa lix nin ajaaniib ah oo afar ka mid ah ay wadeen
Lacag gaadheysa 3-Milyan iyo bar doolarka Mareykanka ayaa
raggaas waxaa wali gacanta ugu jiraan Dowladda KMG, kuwaasoo
baaritaano ay ku socdaan.
Wararka kasoo baxaya baaritaankooda ayaa sheegeysa in Lacag
hor leh oo ilaa Hal Malyan lagu sheegay laga sii helay mid
ka mid ah Diyaaradii ay wateen oo wali taala Garoonka,
iyadoo lacagahaas qeyb ka ahaayeen lacago loogu tala galay
in lagu soo madax furto Markab laga leeyahay dalka Shiinaha
iyo shaqaale saaran.
Raggan ayaa baaritaanada ku socda ay yihiin kuwo su'aalo
lagu weydiinayo sababata ay diyaaradii ay lasocdeen kusoo
cadho dhigatay iyagoon xiriir lasoo samayn Garoonka
diyaaradaha ee Muqdisho oo ay kusoo wajahnaayeen.
Raggan Ajaaniibta oo afar
ka mid ah ay yihiin Cadaan ayaa ujeedadoodii hore ay ahayd
inay diyaarada ka dajiyaan garoonka diyaaradaha Muqdisho,
inkastoo intii hawada Soomaaliya ku jireen ay sii dalbadeen
diyaarad yar oo u fududeysa inay gaarsiiyaan lacagaha madax
furashada kooxaha burcad badeedka.
Howlaha daabulida lacagtan ayaa waxaa qandaraas ku qaatay
Labo shirkadooda oo ah kuwa dilaaliinta fududeeya
gaadhsiinta lacagaha loo bixiyo madax furashada la siiyo
Burcad badeedka, Labada Shirkadood ay horay qeyb uga qaateen
fududeynta lacago malaayiin doolar oo lagu bixiyay madax
furasho.
Ilaa iyo hada Dowladda KMG wax war ah
kama
soo bixin oo ku aadan baaritaanada ku socda raggan
ajaaniibta ah iyo Malaayiinta Doolar ee lagu qabtay oo lagu
hayo mid ka mid ah xarumaha sida aadka ah loo ilaaliyo ee ay
fariisinka ku leeyihiin Ciidamada AMISOM.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|