Kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed ee ka socday Helsinki oo la
soo gebagabeeyay.
Helsinki, Finland, May
22, 2011
Ceegaag Online)
Bandhigga
buugaagta taariikhda & suugaanta Soomaalida oo muddo saddex
maalmood ka socday magaalada Helsinki ee dalka Finland oo la
soo gebagabeeyay iyadoo kulankan carwo sanadeedka ee
sanadkiiba mar lagu qabto dalkaasi.
Kulankan
oo ay ka qeybgalyeen qoreyaal Soomaaliyeed oo ka kala yimid
dalalka Canada, Ingiriiska & qalinleyda Soomaaliyeed ee ku
dhaqan dalka Finland. Bandhiggan oo bilowday 19kii bishan
May lana soo gebagabeeyay 21ka May, sanadka 2011.
1.
Max’ed Sh. Xassan
Nuur; Toronto, Canada. Daabacaadda & soo saarista buugaagta.
2.
C/casiis Cali
Ibrahim “Xildhiban”; London, United Kingdom. Taariikhda &
Suugaanta.
3.
Siciid Cali Shire;
Leicester, UK. Ganacsiga, Bangiyada & Hoggaaminta.
4.
Amran Max’ed Axmed;
London, UK. Taariikhda & Nolosha.
5.
C/qaadir Cali
Boolaay. London, UK. Taariikhdii & halgankii isticmaardiidka
S.Y.L.
Dhinaca
kale waxaa munaasaddan goobjoog ka ahaa qoreyaasha
Soomaalida eek u dhaqan dalka Finland ayna ka mid yihiin;-
1.
Axmed Max’ed
Wehliye Axmed “Xijji”, Helsinki, Finland. Taariikhda afka
Soomaaliga.
2.
Axmed Wehliye
Coofle;- Helsinki, Finland, oo ka hadlay dhinaca Novel-liska.
3.
C/rashiid Cawad
Diiriye;- Helsinki, Finland. Horrumarka dhinaca technology-yada
Dhinaca
kale waxaa iyadna halkaasi hadallo aad u qiimo badan ka
jeedisay Muddle Suzanne Lilius oo ah cilmibaare &
mustaqbalka afka Soomaaliga ee dalalka Scandinavian-ka
macallin ama barena ka ah ah jaamacadda magaalada Gothenburg
ee dalka Sweden.
Waxaa
gunaanadkii carwo buugeedka ee sanadkan lagu qabtay
magaalada Helsinki ee dalka Finland hadallo qiimo leh oo
isugu jira guubaabo & dardaaran ka soo jeediyay MD. C/raxmaan
Max’ud Cali “Jiimi” oo ah sarkaal ka tirsan maktabadda Espoo
Library ee magaalada Helsinki isla markaana ku dadaala
keydinta & xafidaadda dhaqanka & taariikhda Soomaaliya.
Daawo Sawirada
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|