Labo Askari ayaa ku
dhaawacmay bam gacmeed lala beegsaday guriga Gudoomiyaha
Gobolka Sool.
(Laascaanod, May 13, 2011
Ceegaag Online)
Weerar
Qarax Bam gacmeed ah ayaa xalay lala beegsaday guriga Gudoomiyaha
Gobolka Sool ee Maamulka Somaliland
Cabdilaahi Jaamac Diiriye (isleged), gurigan
ayaa magaalada kaga yaala dhinaca bari
ee magaalada Laascaanood.
Qarxan oo
dhacay goor habeenimo ah
lagana maqlayay dhawaqiisa guud ahaan magaalada Laascaanood ayaa waxaa
Ceegaag Online u xaqiijiyey goob joogayaal
ka ag dhawaa goobta qaraxu ka dhacay in qaraxu ahaa bam
Gacmeed ayna ku dhaawacmeen laba askari oo ka tirsan
ilaalada gudoomiyaha.
Xaalada guud
ee Magaalada Laascaanod ayaa hada dagan, iyadoo dhamaadkii
bishii hore ay ahayd markii qarax kuwa meelaha fogfog laga hago
ah lala beegsaday gaadhiga gudoomiyaha Gobolka Sool, xili uu saarnaa ku
xigeenkiisu.
Si kastaba ha
ahaatee waxaa soo badanaya Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan
ee lala beegsanayo Mas'uuliyiinta Maamulka Somaliland ee
Gobolka Sool.
Alxusayni
Zuhani
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com
|