Maxay
Macaamiishu rabaan? (what customers want)
(London, May 28, 2011
Ceegaag Online)
Addunyada maanta waxaa loo ordayaa in
la helo macaamiil si macaamiil loo helana waa in la
daraaseeyo sidii loo heli lahaa, marka lahelana waa in la
ogaado dabeecadahooda iyo hab-dhaqankooda. Tartanka maanta
ka dhaxeeya shirkaddaha dunida waxaa lagama maarmaan noqotay
in si fiican loogu adeego macaamiisha. Dabeecadaha
macaamiishu waxaa ay isu bedeleyaan si xawli ah waxaana
saamayn weyn ku leh isbadelka aaladaha cusub ama cilmiga wax
soo saarka (technology) ee caalamaka hadba kusoo kordhaaya.
Hadaba waa maxay hab-dhaqanka ama dabeecadaa macaamiishu
(customer behavior). Dabeecadda macaamiishu waa barashada
ama daraasaynta shaqsi, urur ama kooxi sida ay wax u xushaan,
u iibsadaan ama u isticmaalaan. Taas oo macnaheedu yahay
sidee, goorma, sababtee ayay macaamiili u iibsataa badeeco
ama adeeg.
Dhamaanteen waxaynu nahay dad wax gata
ama iibsada waxaana aynu gadanaa waxyaalo kala duwan, sida
cunno kala duwan iyo xirasho kala duwan, guryo kala duwan
iyo gaadiid kala duwan. Hadaba hab-dhaqanka macaamiishu
wuxuu ku qotamaa sida ay shaqsiyaadku go’aan uga gaari
lahaayeen sidii ay ugu isticmaali lahaayeen wixii ay
haystaan sida waqtiga, lacagta iyo awooda wax ay
isticmaalaan oo faaiido uleh. Taas oo ay ka mid tahay goorma
ayay dadku wax iibsadaan, sidee ayay wax u iibsadaan,side
ayay u isticmaalaan, siday u qiimeeyaan iyo marka ay
isticmaalaan siday u tuuraan.
Suuq-geeyuhu (marketer) waa in uu
fahmaa hab-dhaqanka ama dabeecadda macaamiisha ka hor inta
aanuu diyaarin xeeladaha suuq-gaynta (marketing startegy) ee
aanu samayn kala qayb-qaybinta macaamiisha (segmentation)
iyo macaamiisha uu beegsanayo (target customer).
Habka ugu fiican ee wax loo xayaysiiyaa
waa nooca afka ama hadalka la isku gaarsiiyo ee loo yaqaan
(word of mouth), waana sida keliya ee xayaysiintaadu meel
fog ku gaari karto. Tusaale ahaan haddii macaamiishu fikrad
xun ka qaataan badeecadda aad iibinayso waxaan shaki ku
jirin in muddo kooban la is gaarsiinayo warka kediban ay
shirkaddu waayi karto macaamiil. Waa in macaamiisha loo la
dhaqamaa sidii saaxiibo ama ehel oo kale.
Macnaha labada eray ee macaamiil
(customer) iyo isticmaale (consumer) waa ay kala duwan
yihiin inkastoo isu dhawyihiin. Customer waa qofka badeecada
soo gata waxaana ay noqon karaan shirkadd, koox ama qof
keliya. Consumer waa qofka u dambeeya ee badeecaddi
isticmaalaya. Waa in aynu qaadanaa hadalka oranaaya wax
walba ka horu mari macaamiisha. Waayo waa hantida saxda ah
ee shirkaddi haysato.
Waxaan ognahay in maanta ay jiraan
laamo badan oo ka mid ah shirkaddaha oo loo sameeyo keliya
sidii macaamiil loo heli lahaa waxaana ka mid ah waaxda
suuq-gaynta (marketing), waaxda iibgeynta (sales department)
iwm. Dhaqaalaha ugu badani waxaa uu ku baxaa sidii macaamiil
loo heli lahaa hadaba waxaa khasab ah marka macaamiishi
timaado in la raali galiyo isla markaana la ilaaliyo
macaamiishi timi.
waxaa la yiraa iibka dabeecadda
macaamiisha waxaa saamayn xoog ah ku yeesha arimahan soo
socda:
dhaqanka (culture): waxaa ka mid
ah in uu qofku waxyaalaha qaar si gaar ah u aamin san yahay,
tusaale qofku waxaa saamayn weyn ku leh bulshada uu ku soo
dhex koray.
Bulshada (social): waxaa kale oo
saamayn ku yeelata halka uu qofkaasi kaga jiro bulshada.
Xaalada shaqsi (individual status):
waxaa kale oo saamayn ku yeelata astaamaha uu qofkaasi
leeyahay sida da’da, shaqada uu hayo iyo dhaqalaha uu haysto.
Fekerka nafsiga (psychological):
waxaa kale oo saamyn ku leh sida waxaa qofka uu jecel yahay
ama uu u hamuun qabo iyo dabeecaadkiisa bani’aadam nimo.
Adeega
macaamiisha (Customer service):
Macnaha erayga adeega macaamiisha waxaa
lagu qeexi karaa u adeegidda ama gacansiinta macaamiisha
bilow ilaa dhamaad. Macaamiisha oo si fiican loogu adeegaa
waa in ay macaamiishu soo noqnoqdaan, macaamiisha oo si
fiican loo raali galiyaa waxay keenaysaa in ay shirkadda
usoo jiidaan macaamiil kale oo dheeri ah. Si loo soo jiito
macaamiisha waa in xiriir fiican lala sameeyaa macaamiisha.
Si
macaamiisha loo soo jiito waa in lahelaa qodobadan:
·
Waa in la ilaaliyaa balamaha lala gelaayo
macaamiisha (reliability) waa laf dhabarta macaamiisha.
·
Waa in la dhagaystaa lana qaataa talada
macaamiisha.
·
Waa in shaqaalaha loo tababaraa sida loola
dhaqmo macaamiisha.
·
Waa in aynu macaamisha ula dhaqanaa boqoro oo
kale.
·
Waa in la bartaa baahida macaamiisha
(customers demand).
·
Waa in la xaliyaa wixii cabasho ah ee ay
macaamiishu kuu soo gudbyaan ama aad ka maqashaba.
·
Waa in laga jawaaba telefoonada ay macaamiishu
soo dirayaan.
·
Waa in shaqaalaha loo taba baraa sidii ay u
caawin lahaayeen macaamiisha.
Waa in
aan fahamnaa macaamiishena:
U adeegida macaamiishu waxaa ay ka
dhacdaa meesha ay iimanayaan macaamiishu ama meelaha ay
lasoo xiriirayaan macaamiishu.
Faaiidada ay leedahay u adeegida
macaamiishu waxaa ay keentaa in shirkaddu galiso dhaqaale
badan sidii loo heli lahaa macaamiil cusub loona ilaalin
lahaa kuwii hore. Haddii aan macaamiisha la ilaalin waxaa ay
keenaysaa in ay macaamiishu adaan shirkaddaha kale ee kula
tartamaaya. Macaamiishu waxaa ay noqon karaan kuwo ka
shaqeeya gudaha (internal) sida shaqaalaha oo kale iyo kuwa
dibada (external) sida dadka wax iibsanaya ama aad soo
kiraysatay.
Shaqalaaha shirkaddu waa in loola
dhaqmaa sifiican haddii la rabo in macaamiisha lola dhaqmo
si fiican. Shaqada ama macaamiisha gudaha oo si fiican u
shaqeeya ama u tababarani waxaa ay keentaa macaamiisha
debeda ka imaanaysa oo ayana raali noqda. Daraasada
suuq-gaynta (market research) waxaa badanaa loo isticmaalaa
in la raadsho macaamiil kedibna la raali geliyo.
Lasoco wiiga dambe casharka 20aad
insha ALLAAH
Mustafe
Ibraahim
mustaf1970@hotmail.co.uk
webmaster@ceegaag.com
|