Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaadhsiinta Dowladda
Federaalka C/kariim Xasan Jaamac oo soo kormeeedhay furimaha
dagaalka ee Magaalada Muqdisho.
(Muqdisho, June 02,, 2011
Ceegaag Online)
Wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaadhsiinta ee Dowladda
federaalka KMG C/kariim Xasan Jaamac oo ay wehliyeen
saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa
soo kodhmeedhay goobo Gacanta looga dhigay kooxda Shabaab oo
ka tirsan degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ee Gobolka
Banaadir.
Kormeedhkan howleed oo ay maanta lugta kusoo madheen
degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ayaa meelihii ay soo
booqdeen waxaa ka mid ahaa isgoyska KPP, Masjidka Sheekh
Cali Suufi, xaafadda Afrikan Village, barxadda Horseed ,
xero ruush ,qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha, fagaaraha caanka
ah ee Tarabuunka, iyo goobo kale oo ay Ciidamada qalabka
sida ee Soomaaliya ka saareen Kooxda Shabaab.
Wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaadhsiinta C/kariim
Xasan Jaamac ayaa waxa uu warbixino ka dhageyteen
saraakiisha ciidamaada ee ku sugan jiidda hore ee dagaalka,
isagoo saxaafada kula hadlay fagaaraha Tarabuunka ayaa ugu
hambalyeeyay ciidamada qalabka sida guusha ay ka gaadheen
dagaallada waxa uuna rajo ka muujiyay in dib loo soo celiyo
bilicdii ay laheyd fagaaraha Tarabuunka maadaama ay geedo
qariyeen goobihii loogu talo galay madaxda iyo laamigii ay
gaadiidka ciidamadu mari jireen.
Goobihii laga saaray Kooxda Al-shabaab ayaa waxaa ka muuqday
godad waaweyn oo ay ka qodeen, iyadoo ciidamada qalabka sida
ay aaseen waxayna sidoo kale burbur xooggan gaadhsiiyeen
dagaallada goobo muhiim ah oo ka tirsan degmooyinka Hodan
iyo Howlwadaag, kormeedhkaan uu Wasiirka warfaafinta
boostada iyo Isgaadhsiintu dowladda ku tagay jiida hore ee
dagaalka ayaa ah mid uu ugu talogalay inay ku dhiiro
geliyaan Ciidamaad qalabka sida ee Dalka Soomaaliya
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|