Xafladii soo dhaweynta
Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire
ee Dalka Malaysia (Daawo).
(Kuala Lampur, May 15, 2011
Ceegaag Online)
Waxaa
isbuucii lasoo dhafayba aad looga dareemayey Dalka Malaysia
Qabanqabada Xaflada soo dhaweynta Madaxweyne Kuxigeenka dowlada
Puntland ee Soomaaliyeed Gen. Cabdisamad Cali Shire, Hadaba
habeenimadii xalayto wuxuu u ahaa Somalida ku nool Dalka
Malaysia habeen farxad iyo rayrayn ugu soo dhamaaday
maadaama ay ku damaashaadayeen xaflada soo dhaweynta
Madaxweyne ku Xigeenka Puntalnd oo runtii aad looga sugayey
inay ka qabsoonto caasimada Kuala Lampur ee Dalka Malaysia waxana
halkaa lagu soo bandhigay qaybaha kala duwan ee Ciyaaraha
Hidaha iyo Dhaqanka Somaliyeed oo ay soo bandhigayeen
barbaarta gaashaman ee walalaha kl, kama madhnayn heesaha wadaniga
ah iyo madadaalada iyo Ruwayado aad u xiiso galiyey kasoo
qabgalayaashii ka so xambaarsanaa fariimo ku socda Guud
ahan umada Somaliyeed iyo Kooxaha nabad diidka ah.
Xafladan oo u soo qaban
qabiyey masuulka qunsuliyada Puntland ay ku leedahay
Wadanka Malaysia mudane axmed shibbin ,ayaa waxaa kasoo qayb
galay dhaman qaybaha kala duwan e bulsahda somaliyed oo ay
kamid yahiin ururda Ardayda Somaliada ee dalka Malaysia. Aqoon
yahanada Somaliyeed ee ku nool Dalka malaysia, Ururada
Haweenka iyo marti sharaf kale oo aad u fara badan o ay
kamid yahiin xubno ka socday Dawlada Dalka Malaysia iyo
Ganacsato xiisaynaysa inay Xidhidh Ganacsi dhexmaro Puntalnd
iyo Malaysia, Xafladan oo ka dhacaysay mid kamida Hotelada
ugu caansan Dalka Malaysia ayaa waxaa soo buux dhafiyey
dadweynaha Somaliyeed ee ku dhaqan wadanka Malaysia.
Xafladan oo ku bilamatay
jawi aad u dagan ayaa sidii caadada ahaydba waxa lagu furay
ayadaha Quraanka Kariimka ah ee qawlka Eebe, inta kadibna
waxaa microphone lagu lasoo dhaweyey Qunsulka Puntland u
fadhiya Dalka Malaysia oo isagu Xaflada daah furay Mr.Ahmed
Osman (Shibiin) oo halka kasoo jeediyey Khudbadii furitanka
Xafladan oo uu kusoo dhaweynayey Madaxweyne Kuxigeenka
Dawlada puntland.
Mr Shibiin ayaa si diiran usoo dhaweeyey imaanshaha
Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ee Dalka Malaysia wuxuuna
aad ugu nuux nuuxsaday inay sharafweyn u tahay in Masuulka
Labad ee Puntland uu cawa fadhiyo Xafladan ay so
qabanqaabisay qunsuliyada Puntland ee dalka malaysia.
Sidoo kale waxa halkaasi khudbado kala gadisan kasoo
jeediyey Aqoonyahada Somalida Dalka Malaysia iyo Ururada
Ardayda somaliyeed ee waxka barta wadanka Malaysia, waxana
kamid ahaa xubnihii halkaasi ka hadlay madaxa Jalaaliyadda
Somaliyeed ee Dalka malaysia Dr. Muuse,Proff. Abdinasir
Shuuriye oo kamid ah Aqoonyahanada xafladda kasoo qayb galay,
Proff. Sayid Abdulle Hassan oo isna ahaa aqoon yahanada
aadka looga yaqaan Dalka Malaysia ,iyo arday ku hadlayey
magaca ardayda Somaliyeed ee Dalka Malaysia Mr. Abdifatah
Mohamed Musse (Miraaf).
Intaas kadibna waxaa dadweyna halka kalahadlay Madaxweryne
ku xigeenka Puntland Genaral.Cabdi samed Cali Shire oo aad
loo sugayey Khudbadiisa waxana hal mar is qabsaday Hoolka
xafladu ka dhacyso sawaxan iyo sacab lagu soo dhaweynayo
Madaxweynaha Isla markana waxaa dhamaanba is wada tagay
kasoo qayb galayashii Xafladan oo run ahantii aad u
xiisaynayey Araga iyo maqalka Gen Cabdi samed Ali Shire
Madaxweyne ku xigeenka dowlada puntland.
Madaxweyna oo halkaasi
kasoo jeediyey Khubad dheer oo aad u qiiro galisay Bulshada
Somaliyeed ee kasoo qayb galay xafladan isago ka hadlay Tariikhda
Wadanka Somalia isagoo aad ugu dheeraaday raadka xun ee uu
kureebay wadanka Somaliya gumaystuhu iyo marxaladiihii
uu soo maray wadanku labatankii 20 sano ee burburka lagu
jiray.Isagoo shegay in burburka Somaliya ay ka qabqateen
Dawlado shisheeye waloow ay jireen gacmo Somaliyeed oo
cadowgu soo adeegsaday , Gen Cabdi samed ayaa intaa raaciyey
kuwii ka qaybqaatay burburinta Qarankii Somaliyeed inay wax
badan isku ciil kaamiyeen falkaasi foosha xumaa ee
burburintii Qarankii Somaliyeed isagoo sheegay hadii ay ogan
lahaayeen dadkii burburshay Qaranka Umada Somaliyeed Inay
sidan ku danbeynayso Xalada Dalka Somalia aysan waligood
sameeyen Falkaasi foosha xun ee lagu burbushay Qaranimadii
iyo sharaftii umada Somaliyeed.
Madaxweynaha wuxuu halka
kasheegay in Maamulka Puntland ku yimi rabitanka Umada
dagan Gobolada Puntalnd kadib markii u burburay Qarankii
Somaliyeed islamarkana ay diyaar u yahiin Shacab iyo
Dawladba raadinta Qaranimadii Somaliyeed. Isla marna wuxuu
madaxweynuhu cadeeyey inay Puntland tahay Meel ka dhaxaysa
umada Somaliyeed ayna u furan tahay cidkasta oo Soomaliyeed
oo kusoo biiraysa Puntalnd waxana hadaldiisii kamid ahaa
“Puntland way ka gudubtay Qolomad tahay waxayna u gudubtay
maxad taqaan”
Ugu danbayntii Wakiilka
Dalka Malaysia U fadhiya Puntland Ahmed Osman Shibiin ayaa
shahaado sharaf guddon siiyey madaxweyne ku xigeenka dowlada
puntland ee soomaaliyeed ,waxayna xafladu ku so idlaatay
jawi aad u qurux badan iyado ahayd xafladii ugu balaarnayd
ee jaaliyada soomaliyeed ee dalka malaysia ay u dhigaan
masuuul sare oo ka socda madaxda soomaalida
Isse Ahmed
Garaad Soofe
Kaula Lampur,
Malaysia
webmaster@ceegaag.com
|