Haayadda
Bisha Cas oo Qalab Gudoonsiiyey Dowlada Hoose ee
laascaanood+DAAWO SAWIRO
(Laascaanood, Nov 22, 2011
Ceegaag Online)
Haayada Bisha Cas Xafiiskeeda Laascaanood
ayaa maanta Si rasmi ah Dowladda Hoose ee degmada
Laascaanood ugu Wareejisay Qalab, Qalabkan oo ka koobnaa
Kaaryoono, Majarafado, Fargetoyin ayaa masuuliyiinta
Haayadda Bisha Casi waxa ay Sheegeen in Ay dowladda Hoose Ka
codsatay in Haayada Bisha Casi Qalabkaasi ka caawiso.
Madasha Qalanbkan ay Kula Kala Wareegayeen Haayada Bisha cas
iyo dowlada Hoose waxaa hadalo kala duwan ka soo jeediyey
Masuuliyiinta dowlada Hoose iyo Masuuliyiinta Haayadda Bisha
Cas xafiiskeeda Laascaanood.
Daakir Maxamed Warsame oo ah Wakiilka Haayadda Bisha Cas ee
G/Sool ayaa sheegay in Haayaddda Bisha Cas Xafiiskeeda
laascaanood uu ku hawlanyahay sidii uu u hormarinlahaa guud
ahaanba gobolka Sool qalabkana ay keeneen kadib markii ay
arkeen Masuuliyiinta dowlada Hoose oo qashinka faraha kula
jira.
''Qalabkani waxa uu yimi Kadib markii ay Codsiyo noo Soo
direen Masuuliyiinta dowlada Hoose anana waxaanu ku
dadaalaynaa in aanu Horumarka Gobolka Ka qayb Qaadano"""ayuu
yidhi Daakir Maxamed Warsame oo ah Masuulka Haayada Bisha
Cas.
Dhawaantan ayay ahayd markii Haayada Bisha
Casi ay Gudaha Laascaanood ku soo Gaba Gabaysey Hawl gal ay
kula Dagaalamayeen Bacaha.
Maxamed Cismaan C/nuur
Laascaanood
webmaster@ceegaag.com
|