Maanta waa maalintii koowaad ee
munaasabadda Ciidul Adxaa, ayaa waxaa magaalada
Muqdisho si weyn looga dabaal degay guud ahaan
Muqdisho iyo gobolada dalka, waxaana masjidka
Isbaheysiga lagu dukaday salaada Ciidul Adxaa,
iyadoo jameecadii dukaneysay uu ka mid ahaa
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah
madaxda Dowladda KMG ah.
Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka Soomaaliya
ayaa maanta si weyn looga ciiday Munaasabadda
Ciidul Adxa, iyadoo waaberigii hore ee saakay la
arkaayay caruur fara badan oo wata Alaabta ay
caruurta ku ciyaaraan xiliga Ciidda.
Ciidul Adxa ayaa ah ciid ummada Muslimiinta ah ku
weyn, iyadoo dadka Soomaaliyeed isugu
hambaliyeenayaan Munaasabadan Ciidul Adxa ee Umada
Muslimiinta ku weyn, waxaana bilowday in la iska
waco guryaha si hal meel loogu ciido.
Magaalada Muqdisho waxa maanta si wayn looga
dareemayaa farxada Ciidu Adxa, iyadoo wadooyinka
waaweyn ee Magaalada Lagu arkayo dad aad u fara
badan oo u dabaaldagaya Munaasabadan Caruur
farabadan iyo waalidiintooda.
Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxa lagu soo
waramayaa in dadku ay si aad ah u ciidayaan
iyagoona isugu hambaliyeenaya Munaasabada Ciidul
Adxa gobolada dalka oo dhan, mana jirto ilaa iyo
hadda wax isku khilaafay Munaasabadda Ciidda,
iyadoo masaajidada Soomaaliya laga wada oogay
salaada Ciidul Adxa.